

Copy-ga Binladen oo khal-khal galiyay Brasil
Dadka ku dhaqan magaalada Sao Paulo ee dalka Brazil aya waxaa si weyn u soo jiiday muuqaal nin si weyn ugu muuqaal eg hogaamiyaha Alqaacidda Usama Bin Ladin .
Francisco Fernandez oo 48-sano jir kuna nool magaalada Sao Paulo ayaa xilli hore galay magaaladasi isaga oo radiyayay nolol laakiin ka dib markii lagu yiri muuqaalkada waa uu shabahaa Usama ayuu go`aansaday in qaabka Bin Laden iska raadiyo .
"Nin ayaa ii yimid iguna yiri toos waxaad tahay Usamaha Brazil, Waxaad tahay Bin Ladenka Nabadda, waxii markaa ka dambeeyay waxaan go`aansaday in aan garka daayo oo aan raadiyo cimaamad iyo dhar carbeedka si aan ugu sii ekaado Usama Binladen", ayuu yiri Francisco Fernandez.
Dadka ku nool Sao Paulo ayaa u soo daawasho taga qaarkood sawiro ayay ka qaataan xittaa marka uu marayo wadooyinka magaalada Sao Paulo , waxa uuna sameeyaa mararka qaarkood qudbad oo ay dadka dhageeystaan .
Isaga oo u waramayay wariye ka tirsan Aljazeera.net ayuu sheegay in dadka si weyn uu u soo jiito isla markaana uga faa`ideysto in uu u jeediyo in ay nabada ka shaqeeyaan isla markaana wada noolaasho la yeesho .
Maqaayad uu ka furay Sao Paulo ayuu ugu magac daray Usama Bin Laden taasi oo dad badan ay yimaadaan , waxa uuna sheegay in halkaasi dadka yimaada uu u gu jeediyo ka shaqeynta wada noolasha diimeed iyo ka shaqeynta nabada iyadoo ay si weyn ula dhacaan waxa uu u jeediyo .
"Xittaa garoomaha Cayaaraha waan tagaa labada taageerayaal ayaan dhex galaa oo aan ugu baqaa deganaan iyo jawin degan taasna waan ku guuleystaa, dadweynahana ay ka aqbalaan", ayuu yiri ninkaasi .
laakiin Dad ay la hadashay Aljazeera.net ayaa sheegay in Francisco Fernandez isu ekeensiinta Usama uu ka leeyahay ujeedooyin ganacsi ayna ka shaki san yihiin baaqa nabaeedka uu jeediyo .
"Muuqaalkiisa u yara eg ayaa kuwa Cayaal suuqiinta wax weyn u arkaan ee ku shaaheeya maqaayada , haddii muuqaalkaasi uusan sameyn laheyn dad taga lama arkeen maqaayada", sidaana waxaa yiri qaar ka mid ah dadweynaha Sao Paulo.
Maria Cristina Rosenthal oo macalimad dhanka cilmu Nafsiga waxna ka dhigta Jaamacad ku taal Sao Paulo ayaa Aljazeera.net u sheegtay in dadka isu eegeysa muuqaalka qof caan ah ha wanaagsanaado ama ha xumaado ay ka leeyihiin ujeedooyin maaliyaeed oo anfaca .
Comments (0 posted):
Post your comment