Ciidamada Milatariga iyo Booliska dawladda oo caawa dhufeysyo isugu jira.. (Dhageeyso)
Dhageeso-05 Jul 2008 Wararka naga soo gaaraya caawa deegaanka Yaaq Bira weyne ee gobolka Sh/Hoose aya sheegaya in halkaasi caawa ay dhufeysyo isugu jiraan ciidamada Booliska iyo kuwa Milatariga ee dawladda Federaalka kuwasi oo galabta dagaalo adag ay halkaasi ku dhex mareen.
Apple iPod nano 8GB black (3rd generation) - NEWNokia N95 (T-Mobile)Asus Laptop M70SA-7U011GGarmin Nuvi 710 Sat NavSony Hdr-Hc7
Sida aanu kasoo xiganay ilo lagu kalsoon yahay ciidamada ishor fadhiya ayaa laga baqdin qabaan mar kale in ay isku dhacaan kadib dagaalkii galabta oo ay ku dhinteen ilaa 5 askari oo labada dhinac ah.
Ciidamo uu hogaaminayo Colonel lagu sheegay Afweyne ayaa la sheegay in uu soo weeraray ciidamada Booliska ee ku sugnaa Yaaq Biraweyne kadib marki ciidamadasi askar looga dilay agagaraha Wanlaweyn oo ay ku haleeleen xoogaga Al Shabaab.
Comments (0 posted):
Post your comment