Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio
  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
    Home | sports | Wasiirka isboortiga oo xaaladiisa caafimaad kasoo fiicnaaneeysa maalinba maalinta kadanbeysa..

    Wasiirka isboortiga oo xaaladiisa caafimaad kasoo fiicnaaneeysa maalinba maalinta kadanbeysa..

    Font size: Enlarge font

    Ilo wareedyo laga helay magaalada Riyaad ee dalka Sacudi Carabiya ayaa ku waramaya in xaaladda caafimaad ee wasiirka cayaaraha ee dowlada Somaliya Saleemaan Cali Rooble ay ka soo rayneyso sidii hore .

    Mr.Rooble ayaa ka mid ahaa madaxdii ku dhaawacantay qaraxii bishii december ee sanadkii tagay ka dhacay Muqdisho , iyadoo xiligaas uu galay xaalad aad u liidata oo koomo ah .

    Ilo wareedyada la helayo ayaa tilmaamaya in wasiirka uu ka soo yara baxay xaaladii suuxitaanka ee uu ku jiray , waxaana si gaar ah xaaladiisa caafimaad gacanta uga haya koox taqaatiir ah.

    Maryama Ismaaciil Maaxmed oo ka mid ah qoyska wasiirka ayaa warbaahinta Muqdisho u sheegtay in xaaladda wasiirka siidii hore ay ka yara wanagsan tahay , dhawaanna qaliin lagu sameyn doono iyadoo la eegayo soo roonaashihiisa dhanka caafimaadka .

    Wasiirka ayaa dhaawac halis ah uu ka soo gaaray madaxa iyo laf dhabarta ,iyadoo taqaatiirta gacanta ku haya ay ku rajo weyn yihiin in xaalkiisa ay wax iska badalaan .

    Raadadkii uu reebay qaraxii argagixisada ahaa ayaa weli muuqda, waana adag tahay in si fudud shacabka Soomaaliyeed ku ilaawaan dhacdadaasi xanuunka badneyd.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (1 posted):

    Ali on 15 January, 2010 03:47:54
    Wasiika isports Illah waxaan uga baryeeyna cafimaad qab iyo in uu Illah usoosamata celsho qoskisa iyo kalinti wanaksanet ee ugu jiray bulshada Somali amin amin amin.Wabilaahi towfiiq

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com