

Ivory Coast oo dhulka ku jiiday Ghana iyo ciyaartoyda Masar oo halmar wada xanuunsaday..
Tababaraha qaranka Masar Xasan Shaxaata ayaa si weyn u wel-welsan ka dib markii inta badan cayaartooyda Masar ay ku dhacay Koolba Aariyo (Burinkito, Qabow ).
Laacibiinta ayaa tan iyo markii ay gaareen magaalada Bangela qaboow nooca Somalida u taaqan koolba aariyo la il daran .
Burnakitada amaba qabowga ayaa haleelay ciyaartoyda kala ah difaaca C/Daahir, Xusni C.rabah, Xusam Gali, Waa`il Jumcah iyo sayid Mucawid.
Taqtarka qaranka Masar Axmed Maajid ayaa sheegay in inkastoo heer kuleelka dalkaasi uusan aad u sareyn hadana xanuunadaani yihiin kuwa sidaa aan looga sii wel weli karin .
Waxa uuna xanuunkaasi u sabeeyay is bedelka cimilada ee ay la kulmeen laacibiinta .
Inkastoo laacibiintaan ay ka qeyb galeen cayaartii Nayjeeriya, hadana waxa laga dareemay daal taasi oo keentay in la badlo qaarkood .
Dhanka kale Ivory Coast ayaa afka ciida u dartay qaranka Ghana oo looga cabsi qabay in ay dhulka ku jeedi doonaan qarnkaasi weyn .
Cayaar qurxoon ayay soo bandhigeen labada dhinac laakiin gar laba qof kama wada qoslisee 3/1 ayay guusha ku raacday reer Drogba .
Comments (0 posted):
Post your comment