

Al-jeeriya oo lagu tuntay, Masar iyo Nayjeeriya oo isu gurbaan tumanaya
Cayaaraha Qaramada Africa ee sida xiisaha leh uga bilaawday dalka Angola ayaa maanta guul darro lama filaan ah loo huwiyay qaranka Aljeeriya, kuwaasi oo loogu rajo weynaa in guul ka keenaan cayaartaas ay la qaateen qaranka dalka Malawi.
Xulka Aljeeriya oo sanadkaani koobka aduunka u soo baxay isla markaana laga filayay yidadiilo wacan ayaa qasaaraha maanta waxa uu u yahay dharbaaxo aan la ilaawi karin taasi oo ka timid qaran in laga guuleysto lagu soo shiray.
Sedex gool oo nadiif ah ayaa qoorta loo suray qaranka Aljeeriya, iyadoo xulka Malawi mudo 26-sano uu sugayay in uu ka guuleysto oo uu ka aar-guto aljeriya oo sedex gool oo kuwaan oo kale ah ku gaaracday sanadkii 1984-tii taasi oo qeyb ka aheyd koobka qaramada africa.
Cayaartooyda Aljaeeriya waxaa saameyn ku yeeshay cimilada kulul ee dalkaasi, iyadoo badalaad badan oo uu sameeyay tababaraha aljeeriya aysan micno soo kordhin .
Dhanka kale qaranka Masar ayaa cayaar kulul beri la leh qaranka xooggan ee Nayjeriya, iyadoo Masar cayartooydeeda ay muujiyeen rajo ah in ay is hortaagaan darbiga xoogan ee Nayrjeriya.
Inakstoo laacibiin ay ka mid yihiin Camr Zaki , Maxamed Barakaat iyo Maxamed Showqi ay ka maqan yihiin Masar hadana guul ayay u gurbaan tumaneysaa , iydoo Masar labadii horyaal ee koobkaan ay haysato.
Comments (1 posted):
Post your comment