

Dagaalkii al-Shabaab ee magaalada Dhuusa Mareeb (warbixin kooban).. Daawo Sawirada "you must be 18 and above"

Afhayeenka dhaq dhaqaaqa al-Shabaab, Sheekh Cali Dheere oo warbaahinta la hadlayay ayaa wuxuu ka waramay dagaalkii ka dhacay magaalada Dhuusa Mareeb iyo sababii ay u weerareen magaaladaasi.
Sheekh Cali Dheere ayaa wuxuu sheegay in uu yahay mid baahsan dagaalada dhinacooda ay ka wadaan ayna joojin doonin ilaa la gaaro ujeedka ay u bilaabeen.
"Dhuusa Mareeb waxaan u weerarnay in aan naafeeno cadawga," ayuu yiri Sh. Cali Dheere oo sheegay in ay waxyeelo fara badan gaarsiiyeen xoogagii ay kula dagaalameen magaalada Dhuusa Mareeb ee Ahlu Sunna Waljameeca.
"Hadafkeenu ma aheyn in aan qabsano magaalada ee waxaan la dagaalameynay cadawga halkaasi jooga," ayuu hadalkiisa daba dhigay afhayeenka xarakada al-Shabaab isagoona dhaleeceen dusaha uga tuuray maamulka Ahlu Sunna.
Waxaa uu eedeeyay in uu cadaw ku marti geliyay magaalada Dhuusa Mareeb isagoo ku hanjabay inay mar kale weerar ku qaadi doonaan magaalada gudaheeda.
Hadalkiisa ayaa waxaa ka horeeyay saraakiisha Ahlu Sunna Waljameeca oo iyaguna sheegay in uu yahay dagaalka mid bilawday oo aan joogsan doonin ilaa natiijo la gaaro.
Comments (13 posted):
siadaasan indin wareynaa eyayhay eyda dhashey ahlunaafaadyahay ummada dhibtay
hadiise aad gaalo rabtaan inaad dishaan ordahoo falastiiniyiina ka celiya oo la gumadayo maxaa soomalida masakiinta ah u leeyneeysiin mise idinkaba galada ka dar
waxaan aad ugu farxi lahaa roobow,shangiile,cali dheere,godane,xasan daahir, cumar iimaan ,xasan yaaquub, caraale,xasan mahdi,iyo inta xaaraanta ku hasheeyay oo dhan oo sidaan ookale u waran?
Post your comment