

Indhacadde “Waa been al-shabaab hub ay Itoobiyaan ka furteen majiro ee waa kuwii Maxaakiimta ay soo furteen”
Wasiiru Dowlaha gaashaandhiga Dowladda federaalka Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) ayaa ka hadlay hadaladii shalay kasoo baxay Alshabaab oo sheegay in ciidankooda ay tababar ugu soo gaba gabeeyeen Gudaha dalka.
Indhacadde ayaa sheegay in ugu horeyn ay yihiin Alshabaab dad Maskax ahaan iyo diin ahaan aanan fiyoobeen oo ay kujiraan riyo aanan suuragal aheyn.
Waxa uu xusay indhacade dad leh Qaramada Midoobay baan bur burineynaa in la dareemi karo waxa ay yihiin isla markaasina caqligooda inta uu la egyahay shacabkuba ay qiyaasi karaan.
Waxa uu kula taliyay dhalinyarada Soomaaliyeed in dad caqligooda intaasi uu la egyahay aysan ku dayanin oo ay xaafadahooda kala aadaan shacabka Soomaaliyeedna ay ka badbaadaan dhibaatada lala damacsan yahay.
Hubka ay soo bandhigeen ee dhashiikeyaasha ee ay sheegeen in ay ka furteen ciidamadii Itoobiyaanka ayaa waxa uu sheegay Indhacadde in kooxdaasi waligooda aysan la dagaalamin Itoobiyaan oo dhashiikeyaashaasi ay yihiin kuwii Maxkamadaha Islaamiga ay kasoo furteen Itoobiyaanka markii khilaafka dhacayna ay Alshabaab boobeen iyaguna ay diideen in ay la dagaalamaan si ceeb ay isaga ilaaliyaan xilligaasi.
Sidoo kale waxa uu xusay Indhacadde in ay jiraan weeraro ay qorsheynayaan ayna rajeynayaan in dalka ay kaga saaraan kooxahani waalida qaba oo uu ku tilmaamay mooriyaan diimeed sida indhacade uu hadalka u dhigay.
Comments (7 posted):
kooxda gacan ku dhiiglayasha ee isku qarxiya ardeyda macalimiinta ee cadeeysta inay daadiyaan dhiiga dadka aan waxba galabsan, shayaadiinta al shabaab.
kuwaas ayey aheeyd inaad tilmaamto. nacalada al shayaadiin al shabaab. waa cudur, waa diin laawayaal, gacan ku dhiiglayaal. inshalah khawaarijta al shabaab umadda islaamka somalia waa iska qabanayaan ilaaheey hadduu raali ka noqdo
SALAAN KADIB SOMAALI WAXAAN ORANLAHAA TOOBADKEENA MAXAA YEELAY IN MAALIN WALBA QOLO DHIIGIINA BANAYSATO WAA CIQAAB ADUUNYO TAN IYO INTII DAWLADDA BURBURTAY QOLO WADA SOCOTA AYAA QOLA KALE KAHOOSDHALANAYSAY TAASOOO XAALKA KASII DARTA BALA ILA EEGA, USC 1991 WAXAY XUKUNKA KATUURTAY DAWLADII KACAANKA, DABEETO LABAGARAB AYAY U DIRIRDEEN LABADII GARAB AYAA HADANA SII KALA BAXAY ILAA XAAFAD WALBA QABQABLE KA XUKUMO, MAXKAMADO AYAA DHASHAY IYAGII BAA HADANA UKALA BAXAY MAGACYO AAD KA ARKI KARTO ADUUNYO OO LOO TARTAMO AAKHIRANA LA ISKA ILOOBO BAL ILA ARKA NIMANKII MIDKA AHAA OO IMIKNKA ISGAALAYSIINAYA SOOW XAALKU MAAHA HAWO ADUUNYO IYO SHAYDAANKA OO LAGA WALI YEESHAY.. WAXAAN QORMADAYDA KU SOO KOOBAYAA REER KOONFUROOW LA IMAADA CAQLI SALIIM AH LANA SHAQEEYA DAWLADDA SHARIIF ILAAHNA KA YAABA KANA HARA KHAA IMIINTA AMA MOORYAANTA CUSUB ....MAHADSANIDIIN... BY DAADIROOW.....
On the other hand Al-shabaab is the only group who kill the civilian in Mosque, supermarkets and also in thier villages .
the onlything tht they know is Nashida.
Post your comment