Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio
  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
    Home | News | Indhacadde “Waa been al-shabaab hub ay Itoobiyaan ka furteen majiro ee waa kuwii Maxaakiimta ay soo furteen”

    Indhacadde “Waa been al-shabaab hub ay Itoobiyaan ka furteen majiro ee waa kuwii Maxaakiimta ay soo furteen”

    Font size: Enlarge font

    Wasiiru Dowlaha gaashaandhiga Dowladda federaalka Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) ayaa ka hadlay hadaladii shalay kasoo baxay Alshabaab oo sheegay in ciidankooda ay tababar ugu soo gaba gabeeyeen Gudaha dalka.

    Indhacadde ayaa sheegay in ugu horeyn ay yihiin Alshabaab dad Maskax ahaan iyo diin ahaan aanan fiyoobeen oo ay kujiraan riyo aanan suuragal aheyn.

    Waxa uu xusay indhacade dad leh Qaramada Midoobay baan bur burineynaa in la dareemi karo waxa ay yihiin isla markaasina caqligooda inta uu la egyahay shacabkuba ay qiyaasi karaan.

    Waxa uu kula taliyay dhalinyarada Soomaaliyeed in dad caqligooda intaasi uu la egyahay aysan ku dayanin oo ay xaafadahooda kala aadaan shacabka Soomaaliyeedna ay ka badbaadaan dhibaatada lala damacsan yahay.

    Hubka ay soo bandhigeen ee dhashiikeyaasha ee ay sheegeen in ay ka furteen ciidamadii Itoobiyaanka ayaa waxa uu sheegay Indhacadde in kooxdaasi waligooda aysan la dagaalamin Itoobiyaan oo dhashiikeyaashaasi ay yihiin kuwii Maxkamadaha Islaamiga ay kasoo furteen Itoobiyaanka markii khilaafka dhacayna ay Alshabaab boobeen iyaguna ay diideen in ay la dagaalamaan si ceeb ay isaga ilaaliyaan xilligaasi.

    Sidoo kale waxa uu xusay Indhacadde in ay jiraan weeraro ay qorsheynayaan ayna rajeynayaan in dalka ay kaga saaraan kooxahani waalida qaba oo uu ku tilmaamay mooriyaan diimeed sida indhacade uu hadalka u dhigay.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (7 posted):

    omar on 01 January, 2010 01:51:22
    ac.w.w.b.r.t..h allaahu akbar welilaahul xamdu bismilaahi raxmaani raxiim waxaan layaa banahay maroodigu takarta saaran ma arko war waalida in dha cade laga waa yey yaa laga raadi naa ? caqli gaabida in dha cade laga waayey yaa laga raadi haa? caqiido xuma in dhacade laga waa yey na yaa laga raadi haa ? shaqsiyad xumo in dhacade laga waa yey xageee laga raadi haa ?biiri qaate nimo in dhacade laga waa yaa kaloo laga helaa? waxaan kuu ra jeey naa maa daa aadan aakhiro dan ka laheeyn aadna aduunka dooray inuuw ijaar kaadu sareeyo koleey ag taada mab da aan lacag aheeyn ma jiree mar waa xassan daahir aweey mar allshabaabul mujaahin ayaan rabaa yauuww dha haa yey hada waa shariif hab hab hab mar kaas suuw dad waali ku sheega subxaana laah war adigu culeeys siyaa sadeed malihid in dhacadow caqli gaaduna waa lii taa loyalt wax la dhaho mata qaa nid shaqsi yad dhiig sokeeye ayaa fara haada ka de aayo oo waxaad tahay den biile dagaal qab qable dagaal kii ahliga ahaay reer marka iyo reer baraawena dhaqan kaadii xumaa ayaa weli dhega hooda ka qaa caaya waa dad kaad xooga ku qab satay adi goo dha haayo waxaan ka dhashay qabiilada hubeeysan adin kuna ma hubeeys nidin mar kaa waxaan idin ku heeys taa rakaato war maxeey tahay soomali nimada lagaa sugaayo yaa ku dhegeey sa naayo waxaad ka tahay soomaali dhex deeda qiimo laawe in shaa alla mar kuuw waqti geedu imaado waxaad ogaan doon taa inaad kaliya debiile tahay qaainul wadan ah .w.w.r.b.t..h
    axmed on 01 January, 2010 01:58:53
    omar khawaariji iska hadley xigmad laawe ah ayaan tahay. bal inaad sheeydaan tahay, maad wax ka sheegtid khaawaarijta al shayaadiin al shabaab iyo xasuuqa ay ka wadaan koonfurta somalia.

    kooxda gacan ku dhiiglayasha ee isku qarxiya ardeyda macalimiinta ee cadeeysta inay daadiyaan dhiiga dadka aan waxba galabsan, shayaadiinta al shabaab.

    kuwaas ayey aheeyd inaad tilmaamto. nacalada al shayaadiin al shabaab. waa cudur, waa diin laawayaal, gacan ku dhiiglayaal. inshalah khawaarijta al shabaab umadda islaamka somalia waa iska qabanayaan ilaaheey hadduu raali ka noqdo
    jaabir on 01 January, 2010 02:30:28
    akhii cumaroow hala yaabin ninkaan axmed wuxuu kamid ahaa mooryaantii indhacde oo heysatay shabeelaha hoose oo laga ceyriyey marka waa qof ciil qaba oo isaga kunoolaa xoolaha masaakiinta shabeelaha hoose marka aniga waxaan kuleeyahay indhacade iyo adigaba haku riyoonina mar dambe inaad tagtaan afgooye ilaa kismaayo ,indhacadana waxa uu marwalbo dacaayad uu ugu fidinaayo mujaahidinta alshabaab ma,ahan wax kale ee waa kista laga ceyriyey beerihii qurxoonaa oo dadkooda loo celiyey ayuu kaciil qabaa wabilaahi towfiiiq
    Ahmed jama on 01 January, 2010 03:30:44
    War runta maxaa looga baqayaa alshabaab waa halaagga shacabka soomaaliyeed oo ku dhuumanaya diin waa mooriyaan diimeed kuna xiran murimiinta alqaacida tan kale waa dad aan diinta si fiican u fahansaneen oo aqoontooda yar tahay ama aanba aqoon diimeed lahayn sida daacigooda fuad shangole muxuu diin ka yaqaan war alla hanaga qabto aamiin
    Ali on 01 January, 2010 04:06:52
    Ninka dhalinyarada inta geed uu kabodo buu talana gaboda marka gooxdan dhalinyarada ah lamayabani ee waxaan layabanahay shaqsiyada ismodaya waxkaradka ee uqildayaya falaalka arxantarada ah ee had iyojeer gukacayaan dhalinyarada jahwareersan ee manduursan lonayaqaan muuryan diinedka.Gesinimada waa xaq uhilinta iyo garabsiinta dacada ee maahan in amaan iyo sharaf kumuteysaneysin hurinta dhibadada iyo calqaladeenta mushtamaca islaamka waxaan idinrajenaya in aad kawaantowdan gub iyo gash malahdaan ad kusifowdeen hadi aad dihiin al-shabaab.Wabilahi towfiiq
    Daadiroow on 01 January, 2010 06:56:48
    ASSALAAMU CALEEYKUM.
    SALAAN KADIB SOMAALI WAXAAN ORANLAHAA TOOBADKEENA MAXAA YEELAY IN MAALIN WALBA QOLO DHIIGIINA BANAYSATO WAA CIQAAB ADUUNYO TAN IYO INTII DAWLADDA BURBURTAY QOLO WADA SOCOTA AYAA QOLA KALE KAHOOSDHALANAYSAY TAASOOO XAALKA KASII DARTA BALA ILA EEGA, USC 1991 WAXAY XUKUNKA KATUURTAY DAWLADII KACAANKA, DABEETO LABAGARAB AYAY U DIRIRDEEN LABADII GARAB AYAA HADANA SII KALA BAXAY ILAA XAAFAD WALBA QABQABLE KA XUKUMO, MAXKAMADO AYAA DHASHAY IYAGII BAA HADANA UKALA BAXAY MAGACYO AAD KA ARKI KARTO ADUUNYO OO LOO TARTAMO AAKHIRANA LA ISKA ILOOBO BAL ILA ARKA NIMANKII MIDKA AHAA OO IMIKNKA ISGAALAYSIINAYA SOOW XAALKU MAAHA HAWO ADUUNYO IYO SHAYDAANKA OO LAGA WALI YEESHAY.. WAXAAN QORMADAYDA KU SOO KOOBAYAA REER KOONFUROOW LA IMAADA CAQLI SALIIM AH LANA SHAQEEYA DAWLADDA SHARIIF ILAAHNA KA YAABA KANA HARA KHAA IMIINTA AMA MOORYAANTA CUSUB ....MAHADSANIDIIN... BY DAADIROOW.....
    aalow on 01 January, 2010 10:55:29
    Actually, they are the same shit.Al shabaal are up-normal group that is true but the qustion is what about Indhcade? we know the history of Idhacade and we also have his biography.
    On the other hand Al-shabaab is the only group who kill the civilian in Mosque, supermarkets and also in thier villages .
    the onlything tht they know is Nashida.

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com