Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio
  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
    Home | sports | Lionel Messi oo loo boqray Ciyaaryahanka Aduunka uga fiican

    Lionel Messi oo loo boqray Ciyaaryahanka Aduunka uga fiican

    Font size: Enlarge font

    Weeraryahanka kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa loo boqray in uu noqdo xidiga sanadka ee FIFA (Fifa World Footballer of the Year) isaga oo noqday qofkii ugu horeeyey oo ka soo jeeda dalka Argentine oo ku guuleysta jaa'isadan

    Laacibakan 22 jirka ah ayaa kooxdiisa Barca ka caawiyay Sabtidii la soo dhaafay koobkii lixaad ee sanadkan 2009 ,taasoo ah rikoorkii ugu horeeyey oo ay koox Yurub ah ama aduunyada ka socota ay sameyo markii ay hanteen sanadkaan kooxda Barcelona lix koob oo muhiim ah.

    Messi waxaa uu isla Isla bishan Messi ku guuleystay abaal marinta loo yaqaano Ballon D'Or award oo la siiyo ciyaaryahanka ugu wanaagsan horyaalada Qaarada Yurub.


    Messi oo abaal marinta uu godoonsiinayo Sepp Blatter
    "Sanad ahmiyad sare u leh kooxda Barcelona iyo aniga ayaa waxa uu ku dhamaaday wado aad u wanaagsan, aad ayaan ugu faraxsanahay in aan helo abaal marintan"ayuu yiri Messi oo abaal marinta ay wada gudoonsiiyeen Gudoomiyeyaasha FIFA iyo Xiriirka Yurub Sepp Blatter iyo Platini.

    Waxaa uu ka qaaday oo la tartamay xidiga sanadki hore qaaday abaal marintan Cristiano Ronaldo, iyo laacibiinta kala ah Xavi, Kaka iyo Andres Iniesta.


    Messi oo abaal marinta ku farxad gelinayaan Blatter iyo Michel Platini
    Codad ay bixiyeen kabtanada iyo tababarayaasha xulalka Aduunka ee Raga iyo Dumarka, ayaa Messi wuxuu helay codad dhan 1,073 cod, Ronaldo 352, Xavi 196, Kaka 190 halka Iniesta uu helay 134.

    Dhinaca kalana waxaa lagu dhawaaqay kooxda sanadkaan 2009 ee FIFA (FIFPro team of the year) waxaana ay kala yihiin :Casillas; Dani Alves, Evra, Terry, Vidic; Xavi, Iniesta, Gerrard; Ronaldo, Messi, Torres.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com