

Isku Aadka Wareega 16-ka Champions League oo la sameeyay (Maxaa kala heysta Milan Vs Man UTD, Mourinho oo wajahaya Chelsea)
Isku aadka Koobka Kooxaha Horyaalada Yurub ee loo yaqaano Uefa Champions League ayaa galabta la sameeyey iyadoo ay luqunta isla galeen kooxaha ugu caansan xilligaan horyaalada Ingiriiska iyo Taliaaniga ee kala ah AC Milan iyo Manchester United iyo Chelsea iyo Inter Milan.
Dadka falan qeeya ciyaaraha ayaa durba amakaag kala kulmay qaabka uu u dhacay Isku aadka, oo si aan la fileyn isugu aadeen kooxaha caanka ka ah Yurub, gaar ahaan Kooxaha xilligan daadihinaya Horyaalada Talyaaniga iyo Ingiriiska.
Isku aadka oo ahaa mid si weyn loo dhowrayay ayaa waxaa is haleelay kooxo wax badan iska yaqaana ciyaarayaha Koobka, gaar ahaan Kooxaha Manchester United iyo Milan oo dhowr jeer ku kulmay Koobkan.
Tani micnaheeda ayaa noqon doonta in ciyaaryanka Khadka ee Milan David Beckham uu wajihi doono kooxdiisii hore ee Manchester United, waxa ay noqoneysaa markii ugu horeysay oo uu ka soo horjeysto kooxdiisii Man Utd tan iyo marki uu ka tagay sanadkii 2003.
Arrinta kale ee xiisaha leh ee wareega 16-ka tartankan waxay tahay Tababarihii hore ee Kooxda Chelsea Jose Mourinho oo ka hor imaanaya kooxda uu muddo soo leylinayay, isla markaana ciyaaryahano xidigo ah uu ka soo saaray, waxaana markan uu wataa Kooxda Inter Milan oo hogaanka u heysa Seria A-da Talyaaniga.
Mourinho oo lagu naaneyso shaqsiga gaarka Special One ayaa durba la amakaagay markii ay ku soo aaday Chelsea oo xidigo waa weyn u cayaaraan, waxaase uu ku kalsoon yahay nasiibkiisa iyo khibradiisa dhanka Isboortiga, maadaama uu wax badan ka yaqaano ciyaaraha ay ciyaarto Chelsea.
Kulanka ugu adag ayaa lagu tilmaamay midka dhex mari doono Milan iyo Manchester waxaa ka hadlay durbaba Khabiiro iyo saraakiil ka kala tirsan labada naadi, dadkaasi waxaa ka mid ah agaasimaha isku xirka kooxda Manchester Phil Townsend kaasoo sheegay in kulanka uu yahay mid layaab leh.
Wuxuu qiray in kooxda Milan inta jeer ee ay kulmeen aysan ka reebin koobkan balse markan ay rajeynayaan in ay ka badiyaan oo ay ka taqalusaan.
"Waxaan hubaa in AC Milan aan la kulanay 52 sano ee la soo dhaafay afar jeer, afartaasi jeer ee aan ku kulanay tartankan Qaarada Yurub iyaga ayaa gacanta sare lahaa oo wey naga reebeen, laakin markan waxaan rajeynayaa in libinta ay anaga xageena ahaan doonto"ayuu yiri Mr Townsend.
United waxa ay ka badisay kooxaha Talyaaniga shan jeer todobadii kulan ee ugu dambeysay laakin labadi kulan ee ugu dambeysay waa la garaacay, waxaa ka wada badiyey labaasi jeer ee ugu danbeysay koxda Milan sanadihi 2005 oo isku cel celinta ay 2-0 ku badisay Milan iyo sanadi 2007 oo sidoo kalena isku cel celin looga badiyay 5-3.
Arsenal ayaa nasiibkeedu noqday mid wanaagsan waxaana ay isku dhacayaan kooxda Porto, iyadoo lugta koowaad ee tartankan kooxu ay ciyaari doonaan 16/17 ama 23/24 ee bisha February.
Kooxda heysata tartankan ee Barcelona ayaa wajahi doonta naadiga reer Germany ee Stuttgart, halka kooxda ay isku wadanka yihiin Real Madrid ay garka is gelin doonaan naadiga reer Fransa ee Lyon.
Stuttgart v Barcelona
Olympiakos v Bordeaux
Inter Milan v Chelsea
Bayern Munich v Fiorentina
CSKA Moscow v Seville
Lyon v Real Madrid
FC Porto v Arsenal
AC Milan v Man UTD
Comments (1 posted):
Post your comment