Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
    Home | News | Madaxweyne Sheikh Shariif oo la gudboontahay in uu xilka isaga dago mar..

    Madaxweyne Sheikh Shariif oo la gudboontahay in uu xilka isaga dago mar..

    Font size: Enlarge font

    Madaxweynaha dowlada Midniamda Qaran Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa mudo sanada ah xilka hogaanka dalka Soomaaliya haayey hadaaba sida muuqata halkaa sano wax muuqda ma qaban waxeyna keentay xataa sanadkaas ay dowlada jirta ay lumisay dhul baaxad leh oo gacanta dowladii ka horeysay ku jirtay

    Madaxweynaha oo sida muuqata aduunka ku fashilmay waxii looga fadhiyana sameyn waayey ayaa sabab looga dhigayaa tag dari heysata dowladiisa madaama dadka masuuliyiinta ka ah ay yihiin dad ku cusub siyaasada in badana wax kala socon dhaqanka Soomaaliya dibad joogna ah oo 20kii sano ee dowlada bur burtay ku noolaa dibadda

    Hadaba qofka haduu hogaan qabto hogaankiisana tilaabo qaadiwaayo waxaa la gudoon in uu xilka isaga dago si bal loo fiiriyo bal in ay timaado qof kale oo ku dhamaan howsha taana hadii uu sameeyo keeni karto in uu helo taageero badan oo shacab ah

    Wax yaala keenay in uu xilka isaga dago ayaa waxaa ka mid ah koow beeshii caalamka oo ka soo bixi weyday teegeeradii ay u balan qaaday ee ahaa in dowladiisa lala garab istagaayo wax walbo ay beesha caalamka uga baahato taana ma dhicin waayo waxay balanta ku qadeen xataa way bixin waayey

    Madaxweyne Sheikh Shariif xiligaan gacantiisa ay ku jirtaa bad baadinta qarankii Soomaaliyeed maadama halkii sano uu wax xukumaayey ay dhaqaaqi weysay dowladiisa taanawaxaa daliil u ha hal gobol oo ka tirsan Soomaaliya gacanta dowlada kuma jirta xataa caasimadii dowladiisa ku shaqeyneysay ay ka xukunto wax ka yar 4 dagmo halka 12 degmo gacanta dowlada ka maqantahay

    Guuxaan ayaa ah mid Soomaalida dhan isla dhaxmareyso in xilka isaga dago Sheikh shariif si loo bad baadsho qarankii iyo midnimadii Soomaliya

    Hadaba Aqristoow ka soo dhiibo fikirkaada kuaadan xalka Madaxweynaha iyo waxa la gudboon plz.  fikirkaada ha ahado mid aadan dad ku cayneenin cidna shaqsiyadiisa wax ugu sheegeynin

    Source: Daynile.com

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (17 posted):

    shaad on 17 December, 2009 05:52:23
    asalaamacalaykum,
    urur soomaali ah baa waxuu doortay gudoomiye aan u qalmin jagadaas,sababo laxidhiidha kartidiisa iyo aqoontiisa kadibna waxaa laisugu yeedhay ururkii waxaa laweydiiyey su aal ku adkaadtay
    oo ahayd:miyaad iska weydeen wax ninkaas dhaama ama karoon?
    somalidu waa dad ladeg dega amaanta iyo eedayntaba,in qofku iscasilna waxay u yaqaaniin ceeb waayo tolkiisa baa leh waa jileec iyo liidnimo ee hadegin anagaa kudifaacayne,ama w. ABDALLA ,SANAAWI IYO CUMAR Geele oo ah sadexda dilaal ee soomaiya ayaa ishortaagaya.
    Ali on 17 December, 2009 06:35:51
    Nadaamka dowladnimo maahan qaaabka ufilee inay kutimdo Shariifkuna uradinayo in ay kudhalado(asumida qaranka sadaxaad ee umada Somali). Rajiimki Maxamed Siyaad Baa halkudhikisu ahaa qori cahadiisa ayaan ku kabsaday oo macnahedu yahay qori caradisa balikaqadikara.tani waa kagamidnoqo rabidankaga shaqsiyeed kunabiri kalsonidada.Muhimado waxeeytaha dowlad lakukalsonyahay oo kadhaxeysa shacabka Somali inlahelo mudo kastaba haqadado.Maalinwaba sida aan kawarqabno raran dad ah oo qabay afkaar fikir siyasadeed oo kaduwan kana xalasha ah baa ku sobiraya dowlada Somali.Dhulkana muhiim maahan kugogortankisa qofkasta oo jooga waa Somali balse fikirka muxibada wadaniyada iyo rabitaanka dowlika baa kaqimabadan iyo in liskuraco shacuubta Somali uhesho qaranimo muqadis ah.Wabilahi dowfiiq
    Soomaaliya Soomaalibaa Leh on 17 December, 2009 08:55:34
    Asalamu Calaykum, Salaan ka dib run ahaantii aniga ma qabo in uu shariifka ka dago, maxaa yeelay Siyaad Bare ha iska tago, Cali Mahdi ha iska tago, Cabdi Qaasim ha iska tago, Cabdullaahi ha iska tago ha iska tago waa na soo daashatay. Marka walaalayaal yaa fiican? yaa badali kara? inta aysan ha iska tago iman su'aalaha waa in laga jawaabaa. Run ahaantii waddanka Soomali baa leh, laakiin beesha caalamkana waa partiner marka aniga ma qabo fikirkaas.
    Waad Mahadsantihiin
    on 17 December, 2009 09:44:28
    shariif xariif ayaa loodhibayaa
    ina macalin on 18 December, 2009 12:28:43
    fikrada madaxweyne ha iscasilo weey qaldantahay in la yiraahdo oo aa warsataan iscasil weeyba ka darantahay oowaaba qalad inaad u dhaaraneysaana waa wax xun waqti ayaa loogu talagalay wadanada kale madaxweyne lama dhaho ka dag xukunka hadii xataa ee jiraan meelo dad ku dhinteen meelo la qarxiyay waxa dhacayaa dhacdada aduunka ee ka mid tahay
    MahadAllah on 18 December, 2009 01:46:07
    Habarjeclaay Muuse waa kaa. Nin Suldaan isu soo sharxay oo reerkaas Soomaaliyeed ah ayaa ku kashifmay arrinka markuu arkay wiil yar oo akhyaartii geedkay fadhiyeen kaadi la kadaloobsaday. markaasuu intuu ul qaatay wiilkii yaraa dhangad kula dul dhacay. Markaasaa raggii yaqiinay yiraahdeen oraahdaas. Anna waxaan leeyahay Soomaalaay Shariifkii loo hanweynaa waa kaa. waa nasiibdarro ku habsatay Soomaali gaar ahaan Culimadii loo hanweynaa, oo kala qobqobmay, Diinkiina ku qarraabtay. horraa loo yiri Wacdi wadaad wax isii baa ka dambaysa. Culimo abaar joogto injir lagama qabtana horraa loo yiri, waayo in waliimo loogu yeerri ayay moodayaan. War wadaadkan injirta laga soo qabtay siyaasad wax kama ogee ha lagu celiyo xertiisii iyo mawlaciisii.
    Waad mahadsantihiin.
    Ali on 18 December, 2009 02:33:58
    Waamahad alle hadi dalaabo loqaday dhanka fikirka iyo oraahda in lisdhafsado oo taaba horay lomaba heysn.Cafimaadkuna waxuu kujira inlawada hadlo oo waxaan qaba inbada inliskaga sodhowanayo inti horay ay Somali kusukneet xukumadi hore ee afkaaka qabso ima afweeyne raac kucanka aheed in aan lahadlikarin.Wax badan oo qurafaad ah oo kumilmay dhaqanka Somali oo waxaa jira dadka intooda batan kulunsanyihiin ama kudhumeen waana adakdahay silooka masaxo arimahas qurafadka ah.Culumada sidodba ceeb malaha manala sokobikaro hadi laxaqireynin waxqabadkoda dhamantena culumada waan aqonsanahay balse waxeey kaliicday kana dacineysa waa dhankena shacbika kalintukulaha baa banaan in aan buxinana habontahay.Shiiq shariif kalikisa masaxikaro manakenikaro hadi shacabka sidacad ah ula imaan tabacsanaan hufan iyo lashaqeen dacad ah oo dhamaan darafyada sikalsoni ah xushmada looka wadaqaban.Maqabo ruux kasda oo Somali ah hadu yimado xilkan hada umakacaban yahay shiiq Shariif hadu yimado shaqsi kale oo Somali ah in ukahelayo shacabka Somali waxuu kawayay oo wanaak ah shiiq Shariif in ay utalo moye hasika tagao.Marka waxaa isweydiin ah dhamaan shacbka Somali oo kor udhafaya lix melyan gabar iyo wiil midkasta labamalin in uu madaxweyne noqdo miyaan iskudijabeneeyna gursika oo dhararka imaantarida ah ee ruux walba qabo isaka oo aan noqon madaxweyne maad toloow dhimaneysa kujirta somahabona gursika namawada qade waxaa nadeqa waa cadaalad iyo sinaan ee taas in aan wadadoono kana wadashaqeyno ameey naku haboontahay.Wabilahi towfiiq
    talo sheeg on 18 December, 2009 03:58:12
    asalaama c waxaan anigu qabaa inaan shariifka keligiis waxba qabankarin e somaliyey isbara in aad wx qabsataan oo dadka aad caayinna
    talo sheeg on 18 December, 2009 03:58:12
    asalaama c waxaan anigu qabaa inaan shariifka keligiis waxba qabankarin e somaliyey isbara in aad wx qabsataan oo dadka aad caayinna
    wadani on 18 December, 2009 06:54:33
    WAXAAN QABAA IN QOFKA RAYIGIISA AMA WAX LAGA FAAIDAYO UUYAHAY NINKA LAYIRAHDO SHAAD. WELIGAGANA FIKIRKADA AKADEMIC HA AHAADO
    nadifo on 18 December, 2009 08:12:28
    Bismilah walaalayaal aniaga raiga aan qabo waxaa weeye in umada soomaaliyeed meel leysugu keeno kadibna rayigooda wax ku doortaan ayagoo wadankooda jooga dadkale oo ajaanib ah uusan soo dhexgalin wabilahi towfiiq.
    anasyare on 18 December, 2009 12:51:26
    scw ugu horeen waan ka xumaay in boon dheere ay soo daabacaan qoraalkan naxdinta leh oo lagu can baareenaayo aabihii dalka mus taq balkii umada sharafkii u mada hogaankii aayaha somaliya w&axaan leeyahay aabe ka seexo u ma qalantid in lagu dhoho kadag waxaanan leeyahay umada soo maaliyeed badiya aamiinta waa la jabin doonaa cagtaana cagta loo saari doo naa khawaarijta waad mahad san tihii boondheere iska ilaaliya dumidta qaranka hadii kale caro alaa idin ku soo fool leh ala ka baqa aabahaan in dhaamo maheesanee
    Ali on 18 December, 2009 04:40:33
    Rumaan lashegin mahinee radi dameer kasaan qurxoon.Dadka dimoqoradiyada diidan ee donaya dowlad digdeedar iyo kaligisdaliye waa caawaqib xumo haysada shacabka Somali.Fikirka ah anaka waa in aan xukunka hogaanka uqabana iyaduna shaqsayan waan kasohorjeda talada dalka umada Somali buu kadhaxeya.Taan kale tee farkeliya fool madhaqdo masuulkasta hadeey dadweynaha lashaqeynin maxaa lo'edaya waxaa maqan waa kalinta dadweynaha.Wabilahi towfiiq
    wardhiga on 18 December, 2009 09:51:46
    soomaalaay aanu allaheen u towbad keeno
    hebel baa ahaa & hebel baa intaan iska deynosi wadajir ah ha loo towbad keeno maxaa yeelay saad wada ogtihiin rabbi ma dooriyo dal ama dadkii ilaa ay naftooda xumaanta ka ilaaliyaan waxaan ula jeedaa in si dhab ah allaah looga baqo samahana lala yimaado xumidana laga dhowrsado loona dhexeeyo in naxariista allaah la rajeeyo caddaabkiisan laga baqo ileyn waxani waa caddaab aanu gacmaheena kula nimide wadaadadii wey xumaadeen adugu cidna mas,uul kaagama ah dinta waa inaad barataa qofka wadaadka waa xumaan karaa waana samaan karaa maxaa yeelay waa aadami gefna kam ahan macsuum
    Hassan on 19 December, 2009 12:37:25
    Asc

    Dowlad aan shacabka u tureynin dowlad ma aha, dowlad amisom difaaceyso, dowlad Soomaaliyeed ma aha, waa mid shisheeye uu difaacayo.

    Sheekh shariifna qalad ayuu galay, sababtoo ah, wuxuu xaq isku siisay inuu asaga yahay dowlada sharciga ah.

    Soomaalidii kale ee ka soo horjeeday, wuxuu ku tilmaamay argaxiso.

    Taas ma aha mid lagu xalinayo wadanka, waa mid qas iyo fowdo lagu galinayo.

    Sheekh shariif shaqadiisii kama soo bixin. sababtoo ah madaxweyne waa shaqaale shacab, hadii ay shacabka ka soo horjeedsadaan, waa inuu iskaga dago, xilka.
    Baarlamaan ku sheegana, ha kala diro.

    inuu aduunka ku aqoonsanyahay lagu ma noqdo dowlad, taageeradiisana wax ma tarto, hadii shacabkii aad matali laheyd aadan la hishiin.
    xuska on 19 December, 2009 01:40:13
    Asc shariifka bleen B ayuu ahaa oo ah in lagu kala jabiyo wadaada taasna way dhacday meeshii soo wakiila tayna way arkeen in aan waxba socon marka beesha calamka ee usa hada waxay raadi naayaan blan C qof ashabaab ah oomadax sare ah oo xilka loo dhiibo ani waxaan dhihi lahaa waxba xilka haka dagin ilaa kuwii aad dhiilka lasoo gashay ay ku badala yaan mida kale shalayba shariifka markii uu hogaamiya maxkamadihii uu ahaa walba haar kumajirin cidna ma waar diyeyneyn CISIGA ILAAH AKTIISUU YAALAA EEDALIIL AGTIISA MAYAALO USA DAGAALKA ARGAGIXISADA MADHAMAANAAYO SABABTOO AH QOFKASTA WAA OGYAHAY SHARIIFNA MASOO AFJARI KARO ILAA UU ILAAH CISI KARAADIYO AMISOM IYO USA UUNA KARAADIN
    Ali on 19 December, 2009 03:32:19
    Salaan dhamaandina salaada Islaamka baan idinkusalaamay salaan kadib waxaa isweydiinleh marka uhoreysa shacabka Somali miyaa dhibay lacagta tasiiladka oo dowladu kusheqeyso walimadhacday shacabaka Somali in ay dowlada kutakeraan dhaqle mushaharaad kadhiktaan golaha wesiradaha amaba golaha shacabka.Hadaba wexeey ilatahay marka aad qaraamadka dowlada waxkutarsataan in aad la'imaankartaan qorshoyin iyo talooyin dowlada kubirinkartaan meel hoo ubahan hadal waxba kamataro.Wabilahi towfiiq

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com