Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
    Home | General | Wasaarada Arrimaha dibada Kenya oo sheegtay in ay dalka ka ceyrin doonaan Prof. Geeddi hadii lagu helo cadeymo rasmi ah

    Wasaarada Arrimaha dibada Kenya oo sheegtay in ay dalka ka ceyrin doonaan Prof. Geeddi hadii lagu helo cadeymo rasmi ah

    Font size: Enlarge font

    Wasiirka Arrimaha dibada Kenya Moses Watengula ayaa isagoo ka qeyb galaya shirka looga hadlayo is badalda cimilada aduunka ee ka dhacaya magaalada Copenhagen ee dalka denmark, waxaa uu xaqiijiyay in ay soo gaartay wasaaradiisa qoraal ashtako ah oo ay soo dirtay wasaarada arrimaha dibada soomaaliya.

    Moses Watengula ayaa sheegay in Kenya aaney raali ka aheyn wax walba oo lagu xagal daacinayo jiritaanka dowladda soomaaliya, isagoo soo qaatay go'aano ay horay u gaareen urur goboleedka IGAD, kaasoo dhigaya in la cunaqabateeyo ama xayiraad dhanka maaliyada la saaro shaqsiyaadka iyo ururrada xad-gudubka ku ah geedi socodka nabada soomaaliya.

    "Anaga kuma ogeyn Cali geeddi dhaq-dhaqaaq maji-xaabin ah oo ka dhan ah dowladda, waligiis Kenya ayuu deganaa, hadana waxaan la soconeynaa dhaq-dhaqaaqyada uu wado"ayuu yiri Moses Watengula oo sheegay in hadii ay cadeyn ku helaan ay dalka ka ceyrin doonaan.

    R/wasaarihii hore ee soomaaliya hadana ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Prof. Cali geeddi ayaa maalmahan ka waday nairobi dabin-daabyo ka dhan ah dowladda soomaaliya, iyadoo qorshayaal xagal daacin ah uu si hoose uga wado Hoyga uu ku leeyahay Nairobi.

    Dowladda Itoobiya iyo Talyaaniga ayaa la rumeysan yahay in ay gadaal ka riixayaan qorshayaasha Geeddi ka wado Nairobi, iyadoo dowladahaas ay hada lumiyeen doorkii siyaasada ay ku lahaayeen soomaaliya.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (1 posted):

    omar on 17 December, 2009 07:42:21
    a..c.w.w.b.r.t.h alaahu akbar weli laahul xamdu it.s good news to all somalian poeble but it change nothing way i say that do we realy have a leader i mean good one the aneswer is no no comon ground no comon objective all one of smaolian whant leader from ther clans and that brin nothing but failed state say yes islam and nothing else that brings to gether that is what we all blief other wise ifeel sorry for my beloved country and my brother and sisters somalians long life islam long live somalia wabilaahi toowfiiq w.w.r.t.w.b.t.h

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com