Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
    Home | News | Al-Shabaab oo Shaqadii ka joojiyey Hay'adda Mine Action kadib markii aay bayaan kasoo saartay..

    Al-Shabaab oo Shaqadii ka joojiyey Hay'adda Mine Action kadib markii aay bayaan kasoo saartay..

    Font size: Enlarge font

    Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska la socodka Arrimaha Hay'adaha Ajnabiga ee ururka Al-shabaab ayaa hay'adda Mine Action looga mamnuucay inay ka howlgasho deegaanada uu gacanta ku hayo ururka Al-shabaab ee konfurta dalka Somalia.

    Warsaxaafadeedka oo nuqul kamid ah ay heshay shabakadda warara boondheere.com ayaa u qornaa sidaan hoose:

          Bayaan ku aadan Howlaha Hay'ada Mine Action.

    Laga bilaabo taariikhdu marka ay tahay 17-12-2009, Hay�ada hoostagta qaramada Midoobay ee loo yaqaano Mine Action waa mid xiran.

    Tilaabadan ayaa waxaa qaaday Xafiiska Lasocodka Arimaha Hay�adaha Ajnabiga ah kadib markii diraasad qoto dheer uu ku sameeyay dhaqdhaqaaqyada iyo ujeedooyinka ka dambeysa Hay�adan.

    Waxaa cadaatay in ay Mine Action bixiso Mishaaraadka Booliska xukuumada Riddada ah, waxayna dhanka kale ku kacaysay isku dayo farabadan oo lagu carqaladeynayo nabada iyo cadaalada ka jirta Wilaayaat-ka Islaamiga ah iyadoo laaluush ku harqinaysay madax dhaqameedyada bulshada si ay u abaabulaan kacdoon ka dhan ah Maamullada Islaamiga ah.

    Waxaa intaas sii dheer inay sahan iyo calaamado tilmaam bixinaya ku sameyneysay qaybo kamid ah goobaha ugu muhiimsan uguna xasaasisan dhulka ay ka taliyaan Mujaahidiinta.

    Ugu dambayntiina waxaa baaritaanka lagu xaqiiqsaday in Mine Action ay si qarsoodi ah u qaban jirtay howlo iyo shaqooyin ay lahaayeen Hay�ado uu horey u mamnuucay Xafiiska La socodka Arimaha Hay�adaha Ajnabiga ah sida Hay�ada UNDP.

    Xafiiska Lasocodka Arimaha Hay�adaha Ajnabiga ah wuxuu sii wadi doonaa isku duba ridka iyo kormeerida Hay�adaha Ajnabiga ah ee ka howl gala Soomaaliya, wuxuuna Bulshada Muslimka ah ka difaaci doonaa dhamaan wixii hagardaamo ah oo kasoo horjeeda Diinteeda, Jiritaankeeda, Badbaadadeeda iyo Caafimaadkeeda.

    Allaah ayaa nagu filan Rabigeena ah.

    Xafiiska Lasocodka Arimaha Hayadaha Ajnabiga ah Ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com