Maxamed Dheere oo Hub iyo Gaadiid Dagaal maanta ku wareejiyey maamulka Gobolka Banaadir.
Guddoomiyihii hore ee maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere ayaa maanta gaari dagaal iyo ciidamadii lasocday waxa uu ku wareejiyey maamulka cusub ee gobolka Banaadir ee dhawaan dowladdu ay magacowday.
Munaasabad kadhacday magaalada Muqdisho ayuu Maxamed Dheere maamulka cusub ku wareejiyey gaari nuuca dagaalka ah oo uu saaran yahay qoriga loo yaqaan Dhashiikaha ayna saaran yihiin 13 Askari.
Waxaa sidoo kale uu Maxamed Dheere uu maanta maamulka cusub ee gobolka Banaadir ku wareejiyey guri uu deganaan xiligii uu guddoomiyaha ka ahaa maamulka gobolka Banaadir.
Hadal uu goobta ka jeediyey Maxamed Dheere ayuu ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay maamulka cusub ee loo sameeyey gobolka Banaadir islamarkaana uu la shaqeyn doono intii karaankiisa ah.
"Waxaan ku baaqayaa in lala shaqeeyo maamulka cusub, shacabku waa inay taageeraan maamulka cusub lana shaqeeyaan" ayuu yiri Maxamed Dheere guddoomiyihii hore ee maamulkii gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha maamulka cusub ee gobolka Banaadir Eng. Nuune ayaa u mahad celiyey Maxamed Dheere, waxaana uu munaasabadda ka sheegay in sidoo kale hub iyo ciidamo uu waqtiyada soo aaddan maamulkiisa ku wareejin doono guddoomiyihii isaga ka horeeyey Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur.
Si kastaba ha ahaatee Maxamed Dheere ayaa wixii ka dambeeyey markii laga qaaday xilkii guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir waxa uu waqtiga intiisa badan ku qaatay dalka dibadiisa gaar ahaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Comments (3 posted):
Post your comment