Prof. Geeddi oo muddo 22-cisho loo qabtay inuu uga baxo Kenya "daawo dukumentiga"
Warar laga helay ilo wareedyo Muhiim ah ayaa sheegaya in Wasaarada Arrimaha Dibada Kenya ay u yeertay Prof. Cali Maxamed Geeddi oo hada ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka, iyadoo Wasaaradu ka jawaabeysay qoraal ashtako ahaa oo ay soo gudbisay Wasaarada Arrimaha Dibada Soomaaliya.
Nuqul ka mid ah qoraalka ashtakada oo soo gaaray xafiiska war qabadka Jowhar.com ayaa ahaa mid Dowladda Kenya looga digay waxa loogu yeeray mu'aamaraad uu Cali Maxamed Geeddi ka wado Kenya, kaasoo ka dhan ah Dowladda KMG.
Sidoo kale nuqulka oo aheyd ashtako ayaa waxaa Dowladda Kenya, gaar ahaan Wasaarada Arrimaha Dibada looga dalbaday in ay go'aan ka qaadato Prof. Geeddi Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo hoy weyn ku leh Magaalada Nairobi.
Ilo muhiim ah ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in shalay Prof. Geeddi uu tagay Xafiiska Wasaarada Arrimaha Dibada Kenya, iyadoona lagu wargeliyay in muddo 22-cisho dalka uga baxo.
Prof. Geeddi ayaa lagu eedeeyay inuu shirar ka dhan ah Dowladda KMG ka waday Nairobi, waxaana taasi keentay in Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda ay ka diyaaraan qoraal dacwad ah oo Kenya looga dalbanayo in ay tallaabo ka qaado.
Comments (12 posted):
Post your comment