Dadka ka soo jeeda beelaha Digil & Mirifle oo Cadaawad foolxun looga muujiyey Puntland, qax halkaasi ka socda
Labadii Maalmood ee u dambeeyey ayaa waxaa maamul beeleedka Puntland ka socdey weerarro loo geysanayo barakacayaasha ka yimid gobolada Bay iyo Bakool ee ka ganacsada gobollada Puntland, iyadoo dad careysan oo ay gadaal ka riixayaan shaqsiyaad ka tirsan Maamulka Puntland ay boob iyo bililiqo u geysteen hantidii dadka ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle ay ku lahaayeen Magaalooyinka Boosaaso iyo waqooyiga Galkacyo.
Dad fara badan oo wadooyinka Boosaaso iyo waqooyiga Galkacyo isugu soo baxay oo ku hubeysan budad, dhagxaan iyo midiyo, ayaa weeraro ku qaaday goobaha ganacsiga ee reer Digil & Mirifle, iyagoo ku eedeeyey in ay ka dambeeyeen qaraxyo joogteystey magaalooyinka Puntland.
Ganacsade Culimo ah oo reer Digil iyo Mirifle ah ayaa shalay u geeriyoodey dhaawacyo ka soo gaarey duufaan weerar ah oo lala beegsaday qowmiyadda Digil iyo Mirifle ee ku sugan Boosaaso iyo waqooyiga Galkacayo, halka Maamul beeleedka Puntlandna ay xabsiyada dhigeen tiro kamida qowmiyadda Digil & Mirifle.
Wariye Madax banaan oo lagu magacaabo C/shakuur gees-diir kuna sugan Waqooyiga Galkacayo ayaa inoo xaqiijiyey in maanta ay labada Magaalo ee Boosaaso iyo Waqooyiga Galkacayo ay ka socoto barakac xooggan oo Reer Digil iyo Mirifle uga qaxayaan guudahaan degaanada Puntland, kadib cabsi weyn oo la soo gudboonaatey.
Falalkaan Qowmiyadda Digil iyo Mirifle looga xaaqayo degaanada Puntland ayaa la sheegay in ay abaabulkeeda ka dambeeyaan masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Maamulka Puntland, iyagoo shacabka reer Puntland u adeegsaday in ay boobaan hantida dadka aan u dhalan isla markaasna ay waxyeeleeyaan si ay degaanadooda uga cararaan.
Malaaqyada iyo Ugaasyada beelaha Digil iyo Mirifle oo shalay shir ballaadhan ku yeeshay gobolka Bay, ayaa waxay ka soo saareen war-murtiyeed ay si weyn ugu dhaleeceeyeen falalka lagu dhibaateynayo dadkooda ku sugan Puntland, waxayna ku dhaarteen in ay iyaguna tallaabo ka qaadi doonaan dadyowga u dhashay Puntland ee ku nool degaanada ay deggan yihiin Digil iyo Mirifle.
Comments (6 posted):
Post your comment