Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
    Home | General | Golaha Wasiirada ee wadanka Yemen oo ansixiyay heshiis hordhac ah oo dhinaca Kaluumaysiga ah oo ay horay u kala saxiixdeen dowladda KMG ee Soomaaliya.

    Golaha Wasiirada ee wadanka Yemen oo ansixiyay heshiis hordhac ah oo dhinaca Kaluumaysiga ah oo ay horay u kala saxiixdeen dowladda KMG ee Soomaaliya.

    Font size: Enlarge font

    Golaha Wasiirada ee wadanka Yemen ayaa ansixiyay heshiis hordhac ah oo dhinaca Kaluumaysiga ah kaasoo ay horay u kala saxiixdeen Yemen iyo dowladda KMG ee Soomaaliya.

    Golaha Wasiirada wadanka Yemen ayaa ansixiyay qoraal rasmi ah oo ku saabsan iskaashi dhaxmara dowladaha Yemen iyo Soomaaliya kaasi oo ku saabsan dhinaca Kaluumaysiga oo iskaashi ay ka yeeshaan dowladda KMG Soomaaliya iyo dowladda Yemen.

    Qoraalkani isfahamka ah oo ay horay u kala saxiixdeen Bishii November ee sanadkan Wasiirada Kaluumaysiga Soomaaliya iyo dowladda Yemen ayaa Golaha Wasiirada dalka Yemen ay hada u codeeyeen meel marinta heshiiskaasi.

    Waxaa Golaha Wasiirada ee dalka Yemen ay weydiisteen Wasiirka Kaluumaysiga ee dalkaasi in heshiiskan oo ay ku sheegeen mid muhiim u ah 2-da dowladood la dar dar galiyo meel marintiisa.

    Dowladda Yemen ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee daneeya arimaha Soomaaliya iyadoo hada dalka Yemen ay joogaan kumanaan Qaxooti Soomaali ah oo ka cararay dagaalada sookeeye ee ka jira gudaha dalka Soomaaliya.

    Aqriso oo la soco boondheere.com Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu

    dambeeyay ee Soomaaliya.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com