Maamulka Gobolada Jubbooyinka oo Amarro adag dul dhigay Saxafiyiinta Jubbooyinka.
Maamulka Islaamiga ah ee gacanta ku haya gobolada Jubbooyinka ee hoostaya ururka Al-shabaab ayaa amarro adag dul dhigay saxafiyiinbta kahowlgalada gobolada Jubbooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.
Wareeegto kasoo baxday xafiiska madaxa warfaafinta maamulka islaamiga ah ee gobolada Jubbooyinka Shikh Xasan Yacquub Cali ayaa saxafiyiinta gobolada Jubbooyinka ee wararka u dira warbaahinta maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah waxaa lagu amray in wararka ay dirayaan ay soo marsiiyaan xafiiska madaxa warfafinta gobolada Jubbooyinka.
Wareegtada ayaa lagu faray saxafiyiinta in marka ay wararka diyaariyaanba ay la tagaan xafiiska madaxa warfaafinta gobolada Jubbooyinka si looga tifaftiro, islamarkaana looga reebo waxyaabaha kasoo horjeedaha danaha ururka Al-shabaab.
"Wareegtada waxaa looga gol leeyahay in la hubiyo wararka ay dirayaan wariyaasha gobolada Jubbooyinka, waxaana laga saarayaa waxyaabaha kaasoo horjeeda danaha ururka Al-shabaab" ayaa lagu yiri wareegtada oo uu saxaafadda u aqriyey madaxa warfaafinta gobolada Jubbooyinka Shiikh Xasan Yacquub.
Saxafiiyinta ayaa loogu baaqay inay u hogaansamaan amarka, waxaana wareegtada lagu sheegay in talaabo cad laga qaadi doono saxafigii ka horyimaada amarkaan, iyadoona la marsiin doono shareecada islaamka sida lagu sheegay wareegtada.
Si kastaba ha ahaatee wareegtadaan kasoo baxday xafiiska madaxa warfaafinta ururka Al-shabaab ee gobolada Jubbooyinka ayaa caqabad ku ah xoriyadda Saxaafadda, iyadoona durba ay cambaareeyeen ururada saxafadda iyo hay'adaha u dooda xoriyatul qowlka.
Comments (0 posted):
Post your comment