Wiilkii qaraxa lagu eedeeyay oo la sheegay in uu ka mid ahaa dadki goobta lagu casuumay Daawo sawir muujinaya isagoo xaflada fadhiya
Shabakada warbaahinta Boondheere.com ayaa waxaa lasoo gaarsiiyay sawir cusub oo muujinaya wiilkii lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay qaraxii hotel Shaamo ee magaalada Muqdisho kaasoo fadhiya goobta xaflada oo la sheegay in lagu casuumay maalinki uu qaraxa dhacayay.
Sida sawirkaba ka muuqata wiilkan ayaa xiran isku shaati (giir-giir leh), waxaana aabaha wiilka dhalay oo lagu magacaabao Xasan Xaaji uu saxaafada horay ugu sheegay in wiilkiisu uusan wax shaqo ah ku laheyn qaraxaasi islamarkaana uu ka mid ahaa dadkii xaflada lagu casuumay oo tii Rabbi ugu timid halkaas.
Aabe Xasan Xaaji ayaa sheegay in wiilkiisu wiil ey saaxiibo ahaayeen oo markaasi qalinjabinayay uu xaflada ku casuumay, labadoodiina ey meesha ku wada dhinteen laakiin nasiib daro wiilkiisii la garan waayay maadaama eysan cidna u daganeyn Muqdisho.
Wiilka qaraxa lagu eedeeyay oo magaciisa la oran jiray C/raxmaan ayaa Aabihii waxa uu sheegay in badan in meydka wiilkiisu iska yaalay goobta, sidaas daraadeedna sawiro ey rag kasoo qaateen dabadeedna internetka soo galiyeen iyagoo dusha ka saaraya qaraxa in uu ka dambeeyay.
Qaraxan oo galaaftay nolosha wasiiro, dhakhaatiir, waalidiin iyo arday waxtar u laheyd dalka ayaa waxaa si weyn uga xumaaday bulshada Somaliyeed, iyagoona yar iyo weyna ka dhiidhiyay islamarkaana ka muujiyay shucuurtooda ku aadan sida ey uga xun yihii falkii ka dhacay Hotel Shaamo taariikhdu markey aheyd 03/12/09.
Comments (15 posted):
wixii kale oo aan ogeeyn ayaa kadaran
wabilaahi toowfiiq
midakale wiillka abihiis samir alhakasiiyo AMMIIN waxaabn usheegilahaa dadka lugo sanyihiin markay samay nayaan mala awaalka WAR ALLAH HALAGA BAQO
TAAS MICNEHEEDU WAXAA WEEYE AABE DHASHAYDI GEEL MA LAYNE GIIRAA LAYSAY.
HAL DHIBANAHAAN DHIBTAY AYAAN LEEYAHAY ALAHA RAXMO SIIYE
HALNA REER MUQDISHO AYAAN LEEYAHAY.
ALAHA KUU NAXARIISTO WAAN HUBA IN MARKII QARAXU DHACAY JIRKAAGA FIRIR MAAHANE AN WAX KALE GAARIN (TOOREEYDA NINKA CALOOSHA KAAGA SOO RIDAY ASAGA IYO KUWA AMRAY IYO KUWA KA RAALI AH. SAAN WAA KA SIILIIDAN DOONAAN INSHA ALAA.
REER MUGDISHOW SHARIIF IYO SHACABKIISOW CADAYN AYAA LA IDIN KA RABA HADII KALE RAALI GALIN SIIYA AABAHA IYO HOOYADA IYO XAASKII IYO CARUURTII IYO SOOMAALIBA
intii falkaas ku dhimatay Rabi ha u naxariisto.
tan kale ninkani hadii uu san isagu fulin falkaas Allaah ha u naxariisto.
laakiin waxaa su'aal ah, goobta uu hada fadhiyo sida sawirka ka muuqato xafladii hotel shamow miyaa mise waa sawir hore oo xaflad kale ah.
Post your comment