Cabdi Qeybdiid oo loo magacaabay wasiirka macdanta Daawo oo Dhageeyso Dhaarintiisa
Xafladda magacaabidda wasiirka Macdanta iyo Biyaha ayaa ka dhacday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaana goobjoog ka ahaa, qar ka miud ah golaha Wasiirada Soomaaliya, Gen. Cabdi Qaybdiid, waxaana loo dhaariyay xilkaas, iyadoo wasiirkii hore ee Macdanta iyo Biyaha oo loo dhiibay Hiddaha Tacliinta sare uusan ku sugnayn goobta magacaabiddu ka dhacaysay.
Madaxweyne Sheekh Shariif oo hadal kooban u jeediyay Gen. Cabdi Qaybdiid ayaa ka dalbaday inuu howsha culus ee loo dhiibay uga soo dhalaalo si ay daacadnimo ku jirto, wuxuuna xusuusiyay in xilka loo dhiibay lagula xisaabtami doono maalinta aakhiro.
Wasiirka cusub oo isaguna ka hadlay xafladdaas ayaa sheegay inuu si hufan uga soo bixi doono xilka loo dhiibay, isagoo xusay inuu diyaar u yahay inuu waajibka saaran u gudo si Qarannimo iyo wadfanimo ku jirto.
Comments (2 posted):
Post your comment