Wasiirka arimaha dibada Soomaliya oo ashtako ka dhan ah Cali Geedi u gudbiyey dawladda Kenya.
Dacwad Qoraal ah oo ka dhan ah Cali Maxamed Geedi ayaa warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in wasaarada Arimaha dibada Soomaaliya ay soo gaarsiisay Dowlada Kenya taas o looga cabanayo Cali Maxamed Geedi,islamarkaana dowlada Kenya Arintaasi wax ka qabato.
Saraakil ku dhaw dhaw Cali Geedi ayaa sheegaya in dacwada loo heysto ay tahay mid jirta maalmihi u dambeeyeyna uu waday olole uu gurigiisa ku shiranayo odayaal uu ugu magac daray deegaanada Banaadir oo u badan odayaal dhaqan oo soo qaxay.
Qoraalakan Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya soo qortay ayaa waxaa lagu sheegay in Prof.Cali Maxamed geedi uu yahay Ruux Argagixiso ah oo usoo jeestay in uu dumiyo Dowlada Sheekh Shariif,islamarkaana Dowlada Kenya dalkeeda kamasaafuriso,inkasta oo warkaan aysan wax ka sheegin warbaahinta hadana waa war jiritaankiisa laga helayo ilo kala duwan .
Safiir Ameeriko oo ay Cali Geedi aad isugu dhawaayeen siyaasad ahaan ayeey wararku sheegayan in ay ku kala tageen arinta dacwada o uu Cali Geedi u qaatay in safiir Ameeriko wax ka ogyahay.
Lama oga talaabada ay qaadi doonto dawladda Kenya oo xiriir diplomasiyad la leh dawladda Soomaliya .
Comments (2 posted):
Post your comment