Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
    Home | General | Dowlada KMG ee Soomaliya oo ayiday qorshaha ay Puntland ku sameysaneyso calan u gaar ah.

    Dowlada KMG ee Soomaliya oo ayiday qorshaha ay Puntland ku sameysaneyso calan u gaar ah.

    Font size: Enlarge font

    Dowlada KMG ah ayaa ka hadashay hadal dhawaan ka soo baxay maamul goboleedka Puntland oo ay ku sheegeen inay sameysanayaan calan iyaga u gaar ah iyo astaan lagu yaqaano maamulka Puntland.

    Wasiirka dastuurka iyo arimaha federaalka C/raxmaan Nuunow Maxamed ayaa u sheegay mid ka mid ah idaacada Muqdisho in dowlada ay ayideyso in puntland ay sameysato calan u gaar ah iyo astaan iyada lagu yaqaano.

    Wasiirka ayaa intaa ku daray in dastuurka dowladu ku dhisan tahay uu Puntland xaq u siinayo inay sameysato calan iyada u gaar ah iyo astaanta Puntland madaama buu yiri ay dowladu tahay dowlada federaal ah oo maamul goboleedyo ay ka farcamaan.

    Lakiin waxa uu meesha ka saaray in laga tago calanka Soomaliya kaasoo uu sheegay inuu yahay mid ka ay hoos yimaada maamul goboleedyada isagana loo noqonayo.

    Arimahan ayaa soo baxaya xilli Maamulka goboleedka Puntland ay sheegene inay sameysanayaan calan iyaga u gaar ah taasoo aan la ogeyn waxa ay keeni karto iyo talaabada xigta ee laga sugayo maamulka faroole ee Punland.

    Waxaa hore u jiray qilaaf xoogan oo u dhaxeeyay dowlada federaalka iyo Maamulka Puntland kaasoo ay isku qabteeen arimo dhowr ah oo ay ka mid aheyd Puntland oo dooneysa in loogu yeero dowlada Puntland halkii laga oran lahaa Maamul goboleedka Puntland iyo arimo kaleba

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (1 posted):

    ca ku iyo dhabal yaco on 17 December, 2009 02:33:14
    gunnimo kagunimo ayeey ku jiraan godob soomaliyeed ayeeyna la caraabeen markaa yaan soomali nimo laga raad san waayo waxeey u dhaq maa yaan daxun gun ah sidoo dee miyaa neey wax garad laheey iyo dad damiir leh oo ka dhii dhiya falxuma meesha ka dha ceeysa akh wuxu ma saa tan ayeey ahaayeen waxaan umaleey jirey gob ileen waa gun

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com