Shabaab oo saaka u diiday Gaadiidka dadweynaha isticmaalka Jidka Warshadaha
Wadada dheer ee Jidka Warshadaha ayaa saaka waxay tahay mid ka caagan isticmaalka gaadiidka dadweynaha, iyadoo saaka lagu arkay Xoogag ka tirsan Alshabaab oo gaadiidka u diidayay in ay maraan wadada.
Amarkan ayaa ka dambeeyay markii Saraakiil ka tirsan Shabaabka shalay ku wargeliyeen Darwalada gaadiidka isticmaala wadadaas aanay mari karin, waxaana gaadiidka yahay mid isticmaalaya wado qarda-jeex oo wareeg ah.
Gaadiidka BL-ka ee isaga kala goosha Ceelasha Biyaha iyo Suuqa Bakaaraha ayaa saaka la arkayay iyagoo isticmaalaya wadada KM4 iyo Isgoyska Dabka, taasoo ah masaafo dheer.
Xoogag ka tirsan Alshabaab ayaa lagu arkayay wadadaas, waxaana dadka ay sheegeen in aanay garaneyn sababta ay gaadiidka ugu diideen wadadaas, hase yeeshee dhaq dhaqaaq ciidan ayaa laga dareemayay halkaas.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Shabaab doonayaan in weeraro ballaaran ku qaadaan Ciidamada Dowladda ee fariisinka cusub ka sameystay agagaarka Warshadii hore ee Kabka.
Jidka Warshadaha ayaa shaqeyneysay tan iyo markii horaantii sanadkan ay isaga baxeen Ciidamadii Ethiopianka, oo wadadaas muddo ku dhow labo sano fadhiyay, gaadiidka ahaa mid aanay isticmaali jirin.
Lama oga ujeedada ka dambeysa wadada ay gooyeen Shabaab, waxaana ka cabanaya tallaabadan gaadiidka dadweynaha oo dhib ku qaba wadada wareega ah ee ay u marayaan deegaanada loo barakacay.
Comments (2 posted):
Post your comment