Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
    Home | General | Afar qof oo soomaali ah oo kudhimatay maaso ka kacday xaafada islii ee magaalada Nairobi .

    Afar qof oo soomaali ah oo kudhimatay maaso ka kacday xaafada islii ee magaalada Nairobi .

    Font size: Enlarge font

    galabnimadii maanta ayaa maaso ka kacday guri kuyaal xaafada islii ee Magaaladan Nairobi waxaa kudhintay Afar qof oo soomaali ah iyadoona ay kudhaawacmeen labo qof oo kale.
    dadka dhintay ayaa waxaa kujiray sedex qof oo hal qoys kasoo wada Jeeda iyo labo kale, sida ay sheegeen dad ehel la ah dadka dhintay. \


    Sababta dhacdadan ayaa lasheegay in ay kutimid kadib markii ay isku dayeen in ay sameeyaan fiilooyin koronto oo ay kudaawanayeen Tv-ga Guriga xili uu kahalaabay.


    goob joogayaal kusugnaa halka ay mashaqadaasi kadhacday ayaa saxaafada usheegay in ay awoodi waayeen wax uqabashada dadkaasi.


    Dadka kudhintay shilkaasi ayaa lasheegay in ay wada ahaayeen dad qaan gaar ah, waxaana kujiray hooyo iyo labo dhalinyaro oo qaarabo dhow ah kuwaas oo kala ah wiil iyo gabar.


    dadka dhaawaca ah ee ayaa lageeyay cispitaal kuyaal xaafada Islii ee Magaaladan Nairobi, waxaana xaaladooda lagu waramayaa in ay tahay mid iska caadi ah.


    inta badan xaafadan islii ee magaalada Nairobi oo ay deganyihiin soomaalida ugu badan ee magaaladan Nairobi ayaa waxaa kadhaca shilal nuucaan oo kala ah oo ay waxyeelo kasoo gaarto dadka soomaalida ah.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com