Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio
  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
    Home | Islam | Ku dhowaad Saddex milyan Xujey Muslimiin ah oo maanta taagan Baanka Carafo.(Maasha Allaah)(Daawo Sawirada)

    Ku dhowaad Saddex milyan Xujey Muslimiin ah oo maanta taagan Baanka Carafo.(Maasha Allaah)(Daawo Sawirada)

    Font size: Enlarge font

    Ilaa saddex Milyan oo Xujey Muslimiin ah oo ka kala yimid dunida dacalladeeda ayaa maanta taagan Banka Carafo, halkaasoo ay ku gudanayaan Rugniga Acmaasha Xajka ee ka midka ah Tiirarka Islaamka.


    Xujeydan faraha badan ayaa Sacuudiga ka soo galay dalal fara badan oo caalamka ka mid ah, si ay u gutaan Waajibka Xajka Sanadkan, waxaana lagu qiyaasay dadka sanadkan xajinaya ilaa Saddex Milyaan iyo tiro kale, waxaana ay ka kala yimaadeen in ka badan 150 dal.

    Wasaarada Diinta ee Sacuudiga ayaa sanadkan si weyn ugu diyaar garowdey Xajka, waxaana lagu soo kordhiyay waxyaabo badan oo ka duwan sanadkii hore, inkastoo dareenka Dowladda Sacuudiga uu ku sii jeedo dhinaca Cudurka halista leh ee Caalamka xakaariyay Swine Flu ama Hargab Doofaar.

    Goob walba ayaa waxaa la dhigay MCH-yo caafimaad ah oo ay ku diyaarsan yihiin ilaa boqolaal kun dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad oo heegan u ah dadka uu soo rito cudurkaasi.
    Ilaa iyo hada waxa ay Dowladda Sacuudiga diiwaan gelisay in afar ruux ay u dhimatay Hargab doofaarka, halka 70-meeyo ay la ildaran yihiin sida ay ku warantay wakaalada Caafimaadka Sacuudiga.

    Maalinta oo ku beegan sagaalaadka bisha Carafo ayaa waxaa la isugu imaanayaa Banka Carrafa, waa maalinta uu ALLAH subxaanahu watacaalaa uu adoomadiisa ugu bishaareeyey nimco iyo ajar fara badan, dadka xujeyda ah ayaa ku dadaala sidii ay ALLE uga baryi lahaayeen danbi dhaaf.

    Culimada ayaa waxaa ay sheegeen in dadka aanay u suurta gelin xajka in ay Soomaan maalinta sagaalaad, soonka maalinta sagaalaad ee Carafo waxaa uu u dhigmaa laba sano oo aad soontay sida kusoo aroortay axaadiista Rasuulka SWC.

    Kadib marka uu gabalku dhaco ayaa Xujeyda waxay ka tagi doonaan Banka Carafo iyagoo u gudbaya ama u jeesanaya Waadiga Mina halkaas oo ay ku gudanayaan Rukni kale oo tiirarka Xajka ka mida.

    Maalinta Berri oo ah maalinta 10-aad waxaa la ciidaya Ciidul Adxa waxaana Muslimiinta isugu hambalyeyn doonaan Munaasabada Ciidaas, waa maalin farxad ah, waa maalin quluubta dadka musliimiinta ay furan tahay, waxaana dadka ay isugu hadiyeyn doonaan hadiyo kala duwan.

    Bandhiga ugu weyn ayaa ah gowricida Xoolaha oo ay baneysay Diinta in Xoolo la qalo, waxaana sanadka Dalka Sacuudiga uu soomaaliya ka dhoofsaday ilaa hal Milyan oo Xoolo ah taasoo ah abid xoolihii ugu badnaa ee loo dhoofiyo wadankaasi tan iyo bur burkii Soomaaliya ku habsadey, waxaana taasi ay ka dambeysay markii sacuudiga uu qaaday xayiraada Xoolaha Soomaaliya oo muddo 9-sano ay saarneyd.

    Kumanaan Soomaali ah ayaa ka mid Xujeyda sanadkan, kuwaasoo ka kala baxay dalka gudihiisa iyo dibadiisa, si ay sanadkan Nasiib ugu yeeshaan gudasha waajibaadka Xajka ee sanadka.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com