Guddomiyaha wariyasha dibad jooga Soomaaliyeed oo la doortay Daawo sawirada
Doorasho si weyn loo soo agaasimay oo ay ka soo qeeb galeen dhamaan saxfiyiinta soomaaliyed eek u dhaqan dalka Kenya iyo xubno saxfiyiin oo ka yimid wadamada soomaaliya jabuutiitoobiya yugaandha iyo maamulka Somaliland dhamaada wadamada bariga iyo bartamaha afirka oo siweyn loo soo agaasimey ayaa lagu qabtey maantey magalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi Waxana kasoo qeyb galay waxaa ka soo qeeb galey rugcadiyaasha saxaafada soomaalida sidoo kale waxaa ka soo qeeb galey dad aad jacel midnimada saxaafada iyo hormarka wariyaasha Soomaaliyed
Sacaadu marki ay aheed 2 duhur nimo maanta ayaa waxaa si habsi mi leh hoolka xarunta tala bixinta iyo shaqaalenta ee Kalsan ee magalada Nairobi ugu soo uruuray dhamaan bahada saxfiyiinta soomaaliyed ee magalada Nairobi oo usoo diyaar garoowey doorashada hogaanka wariyaasha Soomaaliyed ee qurubo jooga ah.
Kulanki doorashada ayaa sidii loogu tala galey uga furmay hoolka xarunta tala bixinta iyo shaqaalenta ee Kalsan waxaan lagu furey ayadaha qur’aanka kariimka kadibna waxa la guda galey qaabki ay bilaaban laheed doorashada oo ay ka soo shaqeyeen gudiga qabqabada doorashada iyadoo gudiga uu galay jadwalki doorashada waxaan qudbadihii lagu soo dhoweyay qabiirada saxafada soomaalida oo ay ka mid yihiin Maxamed Axmed Teera iyo Xasan Kuuriya iyo Cabdul Qaadir Mursal oo dhamaantood ahaa hogaanka saxaafada Soomaalida waxaayna halkaas ka soo jeediyeen hadal waano iyo dar daaran ah oo ku sab san midnimada wariyaasha Soomaaliyed iyo in ay gacmaha is qabsadaan oo ka midoowan tafararuqa iyo midnimo laanta soo daashatey oo ay ku badalaan wadajir iyo isjaceel dhaxdooda ah iyagana ay wixii talo iyo tusaalen ah ay kala shaqeen doonaan.
Sidoo kale waxaa ka Hadley goobta doorashada labadii musharax ee isu soo taagtey qabashada xilka hugaminta wariyaasha qurba jooga Soomaaliyed, waxaayan kala ahaayen mudane Maxamed Cabdulaahi Aadan Siidi iyo Ibraahim Daauud Gentelman oo halkaasi ka soo jeediyay qudbaduhu ay ugu talagaleen doorashadooda waxaanu qof waliba ka Hadley wax qabdkiisa iyo taariiq nololledkiisa, waxaayna balan qaaden qofki ku gulesta qofka kale in si cadaalad iyo midnimo isjaceel ah ula shaqeen doono waxaan
Kadib bilowday tar tankii doorashada oo ay usoo diyaar gorooweyn dhamaan wariyaasha ka soo qeeb galey tartanka oo tiradooda gaareysay 82 wariye kuwaaso si dumuqraadiyad ah u codeeyay taaso aan looga baran bahada saxaafada soomaalida waxaayan goobjoogiyaasha saxaafada ay sheegan in tusale unoqon doonto doorashada hogaanka wariyaasha qaranka Soomaaliyed taaso ay noqon doonto dhabihii looga gudbi lahaa kala qobnaanta bahada saxaafada soomaalida ah
Ugu danbeenti waxaa doorshadii ku soo gaba gaboowday najiidan waxaa tartamey 2 wariye waxaa codeysay 82 wariye cododkina waxaa noqdeen sidatan 47 cod waxaa heley Maxamed Cabdulaahi Aadan Siidii 30 cod waxaa heley Ibraahim Daauud Gentelman 2 cod waa ay halabeen 3 wariyena ma ayasan codeen waxaana ku guulestahy guddoomiyaha wariyaasha dibada jooga Soomaaliyed Maxamed Cabdulaahi Aadan Siidii oo haley 47 cod halka musharixii la tartamiyay ee Ibraahim Daauud Gentelman uu haley 30 cod waxaayan ku soo gaba gaboowday doorashadaasi si cadaalad ah dhamaan wariyaashi ka soo qeeb galey ay ku wada qanceen iyo goobjoogiyaashi
Waxaan si gaar ah loogu hanbalyeey gudiga qaban qaabada doorashada uu guddomiyaha uu ahaa Fuaad Maxamed Cilmi guddoomiye ku xigeena ay ka aheed Bishaaro Maxamed Ibraahim iyo xogeeyaha Faarax Buluu xubina uu ka ahaa Daauud Cabdi Daauud sidoo kale waxaa loo mahad naqay dhamaan cidii gacan ka geesatey qabsoomida doorashada wariyaasha oo ay ugu horeyaan xarunta talo bixinta iyo shaqaaleenta ee Kalsan odiyaasha saxaafada soomaaliyed sidoo kale dhaqtarka caanka ah Dr Maxamuud oo ah maamulaha rugta caafimaadka ee alhidaaya iyo siyaasiga soomaaliyed Cibaar Shiiq Cali Cibaar iyo marti sharafka qiimaha lahaa ee goob jog ahaanta uga soo qeeb galey guud ahaan kulankii doorashada hugaanka saxfiyiinta soomaaliya ee lagu doortey Maxamed Cabdulaahi Aadan Siidi ayaa ku soo gaba gaboowey jawi farxadeed.
Gudoomiyaha cusub ayaa la filayaa inuu soo magacabo xubnaha la shaqeyn l;ahaa waxana guddiga qaban qaabada ay balan qaadan inay xaflad wayn oo caleema saar sameyn doonaan maalinta 3-dexaad ee ciida nagu soo fooda leh.
Maxamed C/nuur Sacudi
[email protected]
Comments (0 posted):
Post your comment