

Qodobadii uu Kalsoonida ku Waayay Xiriirka K/Cagta Somalia
MUGDISHO-War murtiyeedkii ay soo saareen kooxaha k/cagta k/cagta Somalia ay kalsoonida kala laabteen xiriirka kubadda cagta Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in qodobadaan ay u cuskadeen aqoonsi la,aanta xiriirka fadhiidka ah.
KU:- Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada & Isboortiga
Muqdisho
OG:- Guddiga Olompicada Soomaaliyeed
Muqdisho
UJ:- Kalanoqosho kalsooni
Iyadoo la tixraacaayo shir muhiim ah oo ay isugu yimaadeen 16 kooxood oo ka mid ah 25ka kooxood oo ka mid ah Soomaali Foodball Federation taas sida muuqato noqoneysa majorati dood dheer iyo falaqeyn kadib waxaa leysla meel dhigay qodobadaan soo socda:-
1. Markii aan aragnay horumar la’aanta K/Cagta Soomaaliyeed
2. Markii aan aragnay in la lunsaday dhaqaalihii ay FIFA ugu tala gashay horumarinta K/Cagta Soomaaliyeed.
3. Markii muddo ka badan sanad aan waxba laga qaban dhismihii iyo dayactirkii garoonka K/Cagta Konis Stadium oo ay FIFA Goal Project maalgelisay.
4. Markii muddo ka badan saddex sanadood ah wax tartamo ah laga qaban dalka gudihiisa, ayay madaxda kooxaha tiradooda kor ku xusan tahay si wadajir ah isugu raaceen inaysan aqoonsaneyn wax xiriir ah oo ka dhisan dalka Soomaaliya, maadaama ay ka soo bixi waayeen howlihii looga fadhiyay inay qabtaan.
5. Sida uu noo ogolaanayo Dastuurkeena K/Cagta waxaan si wadajir ah kaga codsaneynaa in FIFA iyo CAF ay sida ugu dhaqsiyaha badan noogu qabtaan doorasho xor ah oo madax bannaan, aadna u soo dirtaan goob joogayaal marqaati ka noqda qaabka doorashadu u dhaceyso.
6. Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga waxaa si xushmad leh uga codsanaynaa inuu mudnaan gaar ah siiyo go’aanka ay kooxuhu gaareen isla markaana ka dhaadhiciyo FIFA, CAF iyo CECAFA in si degdeg ah loo qabto Kongrees lagu dooranayo X.S.K/Cagta oo u dhacda si xor ah. Haddaba Hay’adaha ay warqadan tooska iyo ogeysiiska ugu socoto ka codsaneynaa inay gacan ka geystaan sidii looga bixi lahaa kala qeybsanaanta iyo dib u dhaca Kubaddii Cagta Soomaaliyeed ku habsaday maadaama ay yihiin Hay’adihii Isboortiga dalka ugu sareeyay.
Wabillaahi Towfiiq. Gudiga Kooxaha Kubadda Cagta Soomaaliya Xigasho website ciyaaro
Comments (0 posted):
Post your comment