

Wasiirka Isboortiga Mudane Salebaan C. Rooble oo wareysi dheer siiyay idaacada VOA iyo Su'aalo la..... Dhageeyso
LONDON Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystaha VOA ee uu soo diyaariyay Suxufiga Cabdullaahi Nuur Colombo ayaa waxa todobaadkan marti ku ahaa wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya Saleebaan Colaad Rooble.
Wasiirka ayaa ka jawaabaya su'aalo ay VOA-da iyo dhagaysayaashuba ay ka waydiiyeen xaaladda uu haatan ku sugan yahay Isboortiga Soomaaliya oo dhinacyo kala duwan leh.
Waxaana ka mid ahaa dadkii su’aalaha waydiiyay Ciyaaryahankii hore ee xulka Qaranka dalka Soomaaliya iyo kooxdii Horseed Mudane Mohamed Isma’il Ali isla markaana su’aalay labo su’aalood oo bahda Isboortiga Soomaaliya ay aad u rabeen inay ogaadaan jawaabta Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada Soomaaliya mudane Saleebaan Colaad Rooble ka bixiyo.
Dhageeyso
Hasayeeshee Wasiirka ayaa si wanaagsan oo xaqiiq ah uga wada jawaabay su'aalihii la wada su'aalay isla markaana cadeeyay inaan lagu tilmaami karin howlaha ka socdo dalka Soomaaliya Sports oo ay garwadeenka kayihiin GOS & xiriirada hoos yimaada ee 18-ka ah.
Wasiirka ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in shirwayne Qaran oo Sports dhawaan ay ku qaban doonaan dalka gudihiisa ama dibadiisa,taasoo ay ka soo qayb qaadan doonaan dhamaan ciyaartooydii hore Soomaaliya iyo maamulayaashii Sports dalka Soomaaliya, kuwaasoo ka kale iman doono dalka gudahiisa iyo dibadiisaba.
Yusuf Yusuf
London
UK
Comments (0 posted):
Post your comment