Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
    Home | Maqaal | Wareysi :Musikiistihii kooxda Waabari ee hobalada Qaranka Soomaaliya Maxamed Macalow Nur ayaa dhaliil u jeediyay qaabka ay u shaqeeyaan Universal TV .

    Wareysi :Musikiistihii kooxda Waabari ee hobalada Qaranka Soomaaliya Maxamed Macalow Nur ayaa dhaliil u jeediyay qaabka ay u shaqeeyaan Universal TV .

    Font size: Enlarge font

    Wareysi :Musikiistihii kooxda Waabari ee hobalada Qaranka  Soomaaliya Maxamed Macalow Nur ayaa dhaliil u jeediyay qaabka ay u shaqeeyaan Universal TV  .
     
    London 27.08.2009. Waxaan waqooyiga magaalada London kula kulmay isla markaana aan waraysi kale yeeshay musiikiistihii kooxda Qaranka ee hobalada Waabari Mohamed Macalow Nuur inuu faahfaahin naga siiyo  waraysi u siiyay ideecada  ee fadhigeedu yahay magaalada Toronto ee dalka Canada todobaadkii hore.
     
    Mohamed Macalow Nur ayaa wareysigaas dhaliil iyo cambaarayn dusha ka saarey TV UNIVERSAL iyo qaabka uu ku shaqeeyo.
     
    Mohamed Macalow Nur oo degan magaalada London ayaan su’aalay suaalo dhawr ah si aan wax uga ogaano dhaliilaha TV UNIVERSAL  uu u soo jeediyay, wareysigiina waxa u dhacay sidatan.
     
    Su’aal 1. Walaal Macalow sidaan ognahay waxaad ka mid ahayd dadkii kaalinta weyn ka qaatey aasaaskii Universal TV  London, marka ma inoo sheegi kartaa sababta aad website aad uga hadashay isla markaana aad ku cambaareysay TV UNIVERSAL & qaabka u shaqeeyo?
    Macalow. Waad ku mahadsan tahay wareysiga aad ila yeelanayso marka kowaad, balse aan u soo dago su’aasha ku saabsan dhaliisha aan u soo jeediyay TV UNIVERSAL waa runtaa aniga iyo fanaaniin kale oo waaweyn oo sumcad magac iyo xushmad ku leh bulshada Soomaaliyeed dhaxdooda inaan kaalin weyn ka qaadanay markii uu soo baxayay TV UNIVERSAL  sababtuna waxay ahayd waxaan filanaynay inuu TV-gan Soomaaliyeed ee cusub uu ku shaqayn doono Qaranimo iyo Soomaalinimo isla markaana umadda Soomaaliyeed uu isku keeni dooda kaalin weyn ka ciyaari doono madaama Media looga faaidaysan karo fursadaas dahabiga ah,  arinkaas  ayay ahayd ujeedada iyo wada shaqaynta naga dhaxayso anaga iyo TV UNIVERSAL, hasayeshee UNIVERSAL TV la mood balse noqon waysay .
     
    Su’aal 2. Maxaa ka mid ah waxyaabaha khaladka ah ee TV-ga Universal  uu ku kacay ama uu sameeyay?.
     
    Jawaab2. Macalow run ahaantii ma soo koobi karno qof kasto oo Soomaali ahna waa u ogsoon yahay qaabka u dhaqmo maamulka TV-ga iyo Wariyayaasha uu shaqeeya, waana wax iska cad dadka dhana waa waydiin karta figrada ay ka qabaan Universal dadwaynaha Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan laakinse aniga waxaa halkaan ka cadaynayaa dhawr waxyaabood oo muhiim ii ah oo aan u soo bandhigaayo bulshada Soomaaliyeed, waxaana ka mid;
    ·        Mar kasto waxay danta umadda Soomaaliyeed ka hormariyaan dantooda qaaska ah.
    ·        Waxayna goor walbo ku andacoodan inay dhaqaale u bahan yihiin isla markaana barnaamijyada bulshada Soomaaliyeed wax u tarayo ka hormariyaan barnaamijyo bulshadeena sii kale fogaynayo, iyagoo aan eegaynin anshaxa saxaafada iyo wixii bulshadeena Soomaaliyeed u baahan yihiin.
    Su’aal 3. Ma kale hadashay maamulka iyo wariyayaasha TV-ga Universal dhaliisha aad u soo jeedinaysid?.
    Jawaab Macalow haa madaxda TV-ga waxay igu jawaabeen anaga shaqo kuma lihin nin aan lacag wadanin warna nagama dhaxeeyo, waxaana oran karnaa waa sax magaca ay (Pay as you go web tv Universal)jaaliyada Soomaalida degan London ugu yeeraan TV-ga Universal iyo wariyaasha ka howl gala markaan fiiriyay qaabka ay u hadlayaan marka la su’aalo sababaha ay barnaamijyada bulshada anfacayo uga hormariyaan kuwa sii kale gaynaya isla markaana barnaamijyo anfac u lahayn dadkeena waqtiga uga dhuminayaan waalidiinta raba inay caruurtooda af Soomaaliga raba inay TV Universal uga bartaan, madaama ay joogaan qurbo afkiina ay caruurtooda ka sii dhumayo, halkii ay la rabay inay fursadaas siiyaan dadka Soomaaliyeed barnaamijyo anfacaya ayay waxay badalkeeda u soo dayaan Filmaan Hindi ah oo anshax xumo iyo dhaqan daro ku beeraya dadka gaar ahaan ubadka Soomaaliyeed.
    Marka Soomaalidu waxay tiraahdaa Maydka waxaa ugu kulul kii shalay dhintey tusaale ahaan barnaamijkii cayaaraha  Somali Week London ee lagu qabtey oo ay  ka soo qayb galeen boqolaal Soomaali ah oo nooc walba leh oo ay goob joog ka ahaayeen isla markaana Agaasimaha TV-ga Universal Eng Ahmed una ku balan qaaday inay soo daynayaan barnaamijka oo dhan qudbadii uu ka jeediyay xafladii xiritaanka Somali Week ayaa waxaa dhaxday inaysan soo daynin barnaamijkii oo dhan isla markaana markii maamulka Somali Week ay waydiyeen sababta ayaa waxaa loogu jawaabay inay bixiyaan 500 Pound hadii kale aan la soo dayn doonin, iyadoo badalkeedana TV Universal uu soo dayay wareysiyo uu yeeshay dad ka soo horjeeda in bulshada wax loo qabto isla markaana ka xun wanaaga badan ee Somali Week London ay ku qabteen dhalinyaro Soomaaliyeed magaalada London oo aan (as) fanaanintii qaranka Soomaaliyeed aan goob joog ka ahayn todobadka dhaqanka iyo sports Somalida London ee Somali Week.
     
    Su’aal4  Ma inoo sheegi kartaa waxyaabo la taaban karo oo ay TV UNIVERSAL kula kaceen bulshada Soomaaliyeed eek u dhaqan magaalada London oo dhaliil ah?
     
    Jawaab Macalow waa badan yihiin hadii aad u baahan tahayna marqaatiyaal ayaa la heli karaa raba inay cadeeyaan dhacdooyinkan, waxaana ka mid .
    Xafladii ay dhigeen jaaliyada Soomaalida Banaadiriga ee London oo ay ku taageerayeen Dowlada iyo Madaxwaynaha Soomaaliya Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Ahmed oo ay balan qaadeen inay soo daynayaan markii ay duubteen ayay maalintii laga sugayay inay soo dayaan ay ku xireen in la siiyo lacag ay ku soo daayaan barnaamijkaas loo qabtey in lagu taageero nabad ka dhacda dalka Soomaaliya si loo muujiyo bulshada Soomaaliyeed ee k u nool gudaha iyo dibadaba sida ay ugu baahan yihiin Dowlad Soomaaliyeed.
    Baroor diiq tacsi loogu sameeyay magaalada London qaasatan xaafada Edmonton Angel allaha u raxmadee Col Omar Xaashi  wasiirkii hore Amniga dalka Soomaaliya iyo dadkii Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay magaalada Beledwayne ee gobalka Hiiraan oo ay balan qaadeen inay soo daynayaan isla markaana ay qaateen hormaris ah 200 Pound ayaysan soo daynin kadib markii ay ku xireen lacag kale oo markii hore lagu heshiin, tacsidaas oo ay ka soo qayb galeen jaaliyada Soomaalida London iyo madax sar sare oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya ujeedada ugu weyn ee loo qabteyna waxay ahayd in loo muujiyo reer Hiiraan dhibaatada la soo gudboonaatey in looga tacsiiyo isla markaana lala qaybsado murugada iyo dhibaatada taalay maalintaas magaalada Beledwayne.
    Mohamed Macalow Nur oo ah nin musiikita ah oo si weyn looga yaqaan dalka Soomaaliya isla markaana ka tirsan kooxda Hobalada Waabari Qarankii Soomaaliyeed ayaa ii sheegay in dhawaan fadhi weyn ay ka yeelan doonaan fanaaniinta Soomaaliyeed TV UNIVERSAL kadib markii ay ku arkeen Televesion ka Universal barnaamijyadii Qaranka iyo heesihii Qaranka Soomaaliyeed ay u qaadeen inay ku soo qorteen barnaamij u gaar ah Universal TV sidii shirkad soo maalgashatey heesihii iyo fankii uu Qaranka Soomaaliyeed   iska lahaa, taasoo uu ku tilmaamay Macalow meel ka dhac iyo u isticmaalid si qaldan hantidii Qaranka Soomaaliyeed.
     
    Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa  in fanaaniintii Qaranka ee ka qayb gashay barnaamijkii Somali Week London 2009 oo todobaadkii hore lagu soo gabagabeeyay magaalada London si qurux badan in fanaaniinta oo dhan ay uga qayb qaateen si weyn iyagoo ka qaadayay heeso live oo u badnaa wadaninimo iyo Soomaalinimo iyagoo aan shilin waydiisan barnaamijkaas oo dhan madaama barnaamijkaas u ahaa mid loo qabanayay bulshada Soomaaliyeed ee k u dhaqan magaalada London, halka TV UNIVERSAL uu u haysto 500 Pound inuu ku soo daayo barnaamijka Somali Week oo ay markii hore balan qaadeen inay soo dayn doonaan kana qayb qaadan doonaan, iyadoo agaasimaha TV Universal Eng Ahmed –na u balan qaaday inuu soo daynaayo isla markaana uu ka codsaday in sanadka dambe maal galin doono Somali Week London 2010.
     
    Musiikiistaha Qaranka Soomaaliyeed Mohamed Macalow Nur ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay inuu jawaabta dhaliisha iyo cambaareynta TV UNIVERSAL uu ka sugaayo qoraaga qaranka ee qarsoon  TV Universal.
     
    Dadka Soomaaliyeed eek u dhaqan magaalada London ayaa aad ula yaabsan hab dhaqanka maamulka TV Universal iyo wariyaasha ka shaqaysta oo ka hormariyo danta umadda Soomaaliyeed dantooda qaaska, waxayna kale aqoonin barnaamijyada lacagta la waydiisto iyo kuwa aan lacagta la waydiisan, waxaana Universal TV dhaxdeeda ka socda lolan ka dhaxeeya wariyayaasha ka howl gala  TV oo aad moodo inaysan kale lahayn xad kale celiya shaqadooda, sida runta ahna waxaad arkaynaa iyagoo isku qabsanaya barnaamijyo lagu qabanyo magaalada London cidii soo dayn lahayn, taasoo culays badan ku haysta ENG Ahmed agaasimaha TV madaama wariyayaasha intooda badan ay u joogaan inay lacag ka sameeyan barnaamijyada TV.
    Inkastoo TV Universal wax badan oo kale oo wanaagsan uu u qabtey bulshada sida gargaarida dadka ku tabaalaysan gudaha dalka Soomaaliya hadana in Sports & tacsi, barnaamijyada bulshada anfacaya inay lacag waydiistaan waa nasiib xumo iyadoo barnaamijkaba lagu qabanaayo iskaa wax u qabso.
     
    Dhamaad Wareysigii Mohamed Macalow Nur aan kula yeeshay xaafada Edmonton Angel
     
    W/D : Yusuf Yusuf
    Editor of SSPAMEDIA

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (2 posted):

    maxamed on 06 September, 2009 11:39:13
    ali kuus on 23 November, 2009 02:07:19
    waa run walaalkeena qaaliga ah waxa uku tilmaa may tv universal waa dad maamul kooda ubaahan in laga saxo qaladaadka aay sameeyan marwalba

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com