Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Somali Linkz
    Islam Linkz
  • Home | sports | Alhijra oo ku guulaysatay koobkii Somaliweek London 2009. Daawo sawirada xaflada

    Alhijra oo ku guulaysatay koobkii Somaliweek London 2009. Daawo sawirada xaflada

    Font size: Enlarge font

    London 18.08.2024 .Waxaa maalintii axada la soo gaba gabeeyay cayaarihii Somali Week London, ciyaarahaas kubada cagta ah  oo ay ka soo qayb galeen  12 kooxood oo kala  yimid wadamada Yurub & England, tartankaas oo ka biloowday horaantii bisha Agoosto 4teeda socdayna ilaa 14 bishaan Agoosto 2009 ayaa waxaa ka soo qayb gali jirey dadwayne aad u badan oo ka kale yimid dalka Ingiriiska iyo dalalka Canada, USA, Holand, Finland iyo dalka Sweden.

    Garoonka weyn ee New River Staduim oo ku yaal Waqooyiga magaalada London ayaa waxaa maalinimadii Axada ahayd iskaga hor yimid ciyaarta Finalka Somali Week London kooxaha kale ah Al-Hijra oo ka socotey xaafada North London iyo Kooxda Hil Top oo ka socotey xaafada West London.

    Waxaa furitaankii ciyaarta hal hal u gacan qaaday ciyaarta labada kooxood iyo garsoorayaashii ciyaarta dhax dhaxaadinayay masuliyiin lagu casumay inay furaan ciyaarta Finalka Somali Week, kuwaasoo kale ahaayeen Mudane C/qaadir Xaaji Masale iyo Odayaasha Sportiga magaalada London ama aan iraahdii odayaashii Somali Week Mudane Ahmed Abdi Dahir '' Shell'' iyo Mudane C/qaadir Xuseen Botaan '' Isoo maareey'', iyadoo garoonka ay soo buux dhaafiyeen ciyaartii hore ee dalka Soomaaliya Wiilal iyo Gabdho ayna wehliyaan Fanaaniintii Hobalada Qaranka Soomaaliya ee kooxda Waabari oo ay hogaaminaysay faynuustii fanka Mamo Fadumo Qaasim Hilowle, Maryan Ali Muuday, Fadumo Wanaag, C/risaaq Gaadaco, Macalowe iyo faniinta kale ah Cabdow Arabram, Asad iyo Xusen Shire Jama, Sharmaake.


    Ciyaartooyda ka soo qayb gashay ciyaarta Finalka waxaa ka mid ahaa ee u dheeli jirey kooxihii ka dhisnaa dalka Soomaaliya burburka ka hor:
    Kooxda Jeenyo oo ay ka joogeen Cantar Jeenyo, Bashiir Jeenyo, Yusuf Shaqaaq, Xaaji Jeenyo, Xaawo Taako iyo Bakiin Maaxi.
    Kooxda Horseed : Macalin Khalif , Biyoolay,
    Kooxda Muqdisho: Abdi Nur, Ahmed B, Abati,
    Kooxda Waxool waxaa ka joogtey ciyaaryahan Axmed oo Canada ka yimid iyo Jaylaani '' Baaba Jay'.
    Kooxda ENC waxaa ka mid ahaa Miski iyo Macalin John.
    Kooxda MBC waxaa ka soo qayb galay Bile Cali, Cadde Suufi iyo Abaliisha
    Kooxda Wagad iyo Gadidka waxaan ka xusi karnaa Macalin Musse iyo Xasan Xuseen
    Waxaa kale oo  iyana ka soo qayb galay Xoghayaha Kubadda Kolayga dalka Soomaaliya Eng Baana Ali, Lataliyaha Gudoomiyaha GOS mudane OSMAN Shiis, iyo Gudoomiye ku xigeenka XSKC Mudane Ahmed Nur Xasan Cabdule iyo Marti Sharaf kale oo aan ka xusi karo Ambasadeur Caalim, Mudane Khaliif Jama Cabdule, Mohamed Ali Bilaal, Xusen Ciro iyo dadwayne aad u badan oo ka tirsan jaaliyada Soomaaliyeed ee dagan magaalada London


    Ciyaarta ayaa finalka ayaa bilaabatey 3-dii galabnimo waxaana  ciyaarayay labada kooxood ee ka la ah  Al-hijra iyo Hilltop, waxaana ciyaartii ku dhamaatay 1 iyo 0  oo guushu  ku raacday kooxda al-hijra. Waxaana  daqiiqadii 41,aad ee qaybta hore ee ciyaarta Rigoore  loo dhigay  shabaqa ku hubsaday  ciyaaryahanka  Qadar oo numberka 14 u wada kooxdaasi, inkastoo kooxda HilTop ay soo bandhigtey ciyaar aad u wanaagsan ayna weerarayeen goalka kooxda Al-Hijra isla markaana dhawr mar biraha la eegtey laadad badan ayaanan galabtaas u suurtagalin inay guusha ka badiyaan kooxda Al-Hijra oo aad moodo inay diyaar garoow badan u soo galeen sidii ay Koobka Somali Week ugu guulaysan lahaayeen.


    Kadib markii guusha ay ku raacday kooxda AlHijra koobkii Somali Week London 2009 ayaan waxaa kula kulmay garoonka macalimiinta iyo maamulka kooxda AlHijra waxayna iisheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin inay ka soo qayb galaan koobka Somali Week isla markaana ay ku faraxsan yihiin inay koobka ku guulaystaan, waxana ay isheegen in kooxda AlHijra ay u tahay guusha maanta guul weyn kadib markii 5 Finale oo ay London ku dheleen laga wada badiyay balse maanta taariikhdii ''Unlucky Final'' ay ku soo afjareen guusha koobka Somali Week London.


    Labadani kooxood  ayaa waxay ka wada dhisan yihiin magaalada London  kooxda Filanka soogaartay ee Hiltop  ayaa waxay ka dhisan tahay Galbeedka Magaalada London halka kooxda guushu raacday ee Al-hijra ay ka dhisan tahay Dhanka  Waqooyi ee magaalada London.


    Waxaa  ciyaarta markii ay dhamaatay halkaasi lagu qaaday heesta calanka  soomaaliyeed aydoo horayna luugu furay ciyaarta waxaana heeso guubaabo iyo dareensiin in sportigu gaalin wayn ku lee yahay bulshada dhexdeeda  qaadayay fanaaniintii halkaasi ka soo qayb galay.


    Koobka ayaa waxaa halkaasi si kalsooni iyo geesinimo leh u qaatey  kooxda Al-hijra oo ka gudoontay guusha  koobka  horyaalka SomaliWeek 2009 Mudane C/qaadir Xaaji Masale oo lagu sharfay galabtaas inuu koobka kowaad bixiyo halka koobabkii kalena ay bixiyeen Mudane Danjire Caalim, Mudane Khalif Jama iyo qaar ka tirsanaa ciyaartooydii hore dalka Soomaaliya sida Cantar Jeenyo, Bashiir Jeenyo, Oday Mursal iyo Yusuf Shaqaaq
    Waxaa iyana halkaas laga bixiyay koobabkii oradada oo u bixinayay Prof Musa Naasir iyadoo caruurtii kaalimaha hore ka gashay koobka ay gudoomeen bilado halka Abwaanka Xusseen Shire Jama lagu gudoonsiiyay bilad 400 Mitir oo u ka galay kaalinta 4aad oradkii iyadoo loo aqoonsaday inuu yahay nin jecel Sports sida ka muuqato magaciisa Ciyaar Jecel.


    Ciyaaraha Somali Week ayaa waxaa ka soo qayb galay  dad magac weyn ku leh sportiga Soomaaliyeed  iyo waliba  Fanaaniin  u badnay Fanaaniintii qaranka ee hada cuslaaday
    Waxaana garoonka gudaha loo soo galbiyay tiro ku dhaw 40  oo ahaa ciyaartooydii hore dalka Soomaaliya oo galabtaas goob joog ka ahaa tartankii Somali Week London iyo Fanaaniinta Qaranka Soomaaliya


    Kooxdii ugu ciyaarta wanaagsanayd  ayaa  waxay abaalmarin  lagu magacaabay  Somali week best team  waxaa noqotay Kooxda al-hijra oo koobkana qaaday.
    Waxaa sidookale  bilada Best player  qaaday  kooxda   Finalka Ciyaartay ee Hilltop  ciyaar yahaykan  Cabdi Daahir ayaana Biladaasi kooxda u soo hooyay.


    Isla kooxda Hiltop ayaa   gudoontay  Biladkale oo ah Ciyaaryahanka ugu goolasha badnaay ee somaliweek 2009 waxaana guushaasi u soo hooyay Kooxda  hilltop Ciyaaryahan Axmed  Denish.


    Kooxda Milton Keyned ayaa sidookale qaaday bilada Best Goalkeeper ama Boortiyeeriga ugu ciyaarta wanaagsanay xili cayaareedkan Somaliweek waxaana guushaasi gaarsiiyay Goolhaye Ayaanle oo kooxdaasi u ciyaara.


    Waxaa sidoole ka soo qayb galay Xafladii xiritaanka Ciyaaraha  fanaaniin  ugu badnaay Fanaaniintii qaranka soomaliyeed  ee ka heesi jiray  Natioal Theater  Muqdisho Somalia, iyagoo halkaasi ka soo jeediyay heeso qiiro wadaniyad leh  waxaana ka mid ahaa
    Faadumo qaasin Hilowle, Maryan Cali Muuday, Saynab Cige, Maryan Mursal, C/risaaq Gaadaco, Xusen Shire Jama, Asad iyo Musiikistaha weyn Macalow.


    New River Staduim ayaa waxaa mar qura laga dareemay jawi ka duwan jawigii lagu jirey kadib markii ay heeso Live ay Hobalada Qaranka ay ugu luuqaynayeen kuwaasoo dadka intiisa badan ku beertey inay dib u soo xasuustaan dalkoodii Soomaaliya iyo waayo waayihii nabada iyo farxada.


    Habeenimadiina waxaa lagu qabtey xaflad xeritaan ah Totenham Town Hall oo ay ka soo qayb galeen dadkii sida weyn ugu dhax muuqday Somali Week London, waxaana qudbado ka soo jeediyay  Siyaasiga Soomaaliyeed C/qaadir Xaaji Masale, Odayaal Sports Sida Ahmed Sheel, C/qaadir Isoomareey iyo Danjire Caalim iyo Agaasimayaasha TV Universal iyo ETN ENG Ahmed iyo Bulaale, kuwaasoo dhamaantood ugu soo jeediyay gudiga Somali Week London ee suurgaliyay in lagu qabto magaalada London koobkaan taariikhda leh iyo dadkii ka soo qayb galay qaasatan kooxihii 12- ahaa ee Somali Week ka qayb galay.
    Fanaanta Qaranka ayaa kaga luuqeeyay xaflada xiritaanka heeso bashaal ah oo ay ugu talagaleen xaflada dadka ka soo qayb galay oo u badnaa ciyaartooydii dalka Soomaaliya , maamulada kooxda ka qayb galayay tartanka Somali Week iyo marti sharaf kale oo u ka mid ahaa ku xigeenka Duqa magaalada Liecester mudane Osman oo ah nin Muslim oo u dhashay dalka Bangaladesh oo halkaas hadiyo gudoonsiyay gudiga Somali Week London.


    Waxaa halkaasi laga xusay dadkii sida gaarka ah gacanta weyn u siiyay Somali Week London sida Xawalaada Qaran Express oo xaga dhaqaalaha kaga caawisay koobka, iyo Saxaafadii sida hagar la'aanta waqtigooda galiyay inay u gudbiyaan dadka Soomaaliyeed ee jooga dunida  dacaladeeda sida Website Somali Week.com tafatiraheda Muxyadiin Jama oo run ahaantii ka sameeyay tartanka Somali Week barnaamij Live ah oo cod ah , Joornaalka Weyn ee Kasmo mudane C/qaadir Shire, UNIVERSAL TV & ETN gaar ahaan Baafo iyo Ciro.
    Waxaa kale iyana laga xusay websit-yadii kaalimaha waaweyn kaga jirey inay tabiyaan tartanka Somali Week sida, SSPAMEDIA, Xiddigaha,Ciyaaro, SomaliTalk, GedoOnline, Onkod, QARANIMO,OgaalOnline, Somalisc, Kubadda, cayaaraha iyo CayaraahaSweden., BBC Somali, VOA.iyo Gobalada


    Waxaa iyana xusid mudan bahda xiriirinta barnaamijka Somali Week oo gacanta wayn ka gaystey ka mid ahaa Hashim Ducaale, Elmi Waabari iyo wariyaha caanka  Cagmadhige '' Cagta Xaaji, C/risaaq SOA iyo Yusuf Yusuf oo ahaa madaxii Warfaafinta Somali Week London.


    Ugu dambayntiina waxaa halkaan hambalyo uga direynaa dhamaan dadkii gacanta weyn ka gaystey in lagu qabto magaalada London tartanka Somali Week iyo gudiga qaban qaabada Somali Week oo kale ahaa sidatan:
    Elmi Osman Waabari, Mohamed Salad, C/rashiid Islow, Yasin abdi'Dinoow'' , C/salaan Muumin,  C/laahi Cali Abtidon '' Aliyow'', Mohamed Macalin, Mohamed Buwe, Xusen Mohamed ''deeq'', C/laahi Hasan '' Shiino'', Omar Ciiro, C/qaadir Mohamed '' UUS'', Mohamed Handball iyo Yusuf Mohamed Abdi Yusuf.


    Waxaan mahadnaq balaaran u jeedinaynaa dadkii martida ahaa ee Somali Week uga yimid dalalka Canada, USA, SWEDEN iyo Finland sida Bashiir Jeenyo, Cantar Jeenyo, Yusuf Shaqaaq, Oday Mursal, Xusseen, Ibraahim Galbeeti, Yonis Galbeeti, Xamdi, Amaan, Imad, Boos Caato, Macalin Ganay ''Qaaluu''


    Waxaa ciyaartu ku soo dhamaatay  jawi dagan iyo farxad waxaana  halkaasi ka muuqaday jacaylka dadku u qabeen  ciyaaraha Sportiga iyo kulanka Somalida, run ahaantii Somali Week waxaan oran karnaa mid ku dhamaaday Guul iyo Farxad isla markaana taariikhda bog cusub ka galay, iyadoo ay ka soo wada qayb galeen kooxaha ka qayb gala tartamada Soomaalida ku qabato Yurub iyo North Amrika sida Somali week Canada, EuroSom, Seuki iyo tartamada kale ee ka dhaca magaalada London.
    Somali Week London waxa u ahaa runtii mid furfura xeryaha lagu kala oodayay bahda Isboortiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan Qurbaha oo u baahan midnimo iyo wax wada qabsi hasayeshee suaasha dad badani ay is waydiinayaan waxay tahay Somali Week London ma noqon doonaa mid sii socda oo la qabto sanad walbo iyadoo ay ka soo wada qayb gali karaan dhamaan kooxaha Soomaalida iyo dhamaan dadka Isboortiga jecel?.
    Waxaanse filayaa in Somali Week inay dad badan oo markii hore ku kale qaybsanaa afkaaraha iyo sida loo maareynayo Isboortiga Soomaalida Qurbaha inay isaga soo dhawaadeen sidii hore taasoo aan oran karo tilaabo loo qaaday jidka wanaagsan iyadoo looga fadhiyo inta ka baaqsatey ama aan waqtiga u saamixin inay ka soo qayb galaan Somali Week London inay ku soo biraan tartanka kan xiga hadii Eebe idmo ee Somali Week 2010.

     


    W/D: Yusuf Yusuf
    Somali Week London 2009
    [email protected]
    London

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com