Home | News | 30 ruux oo la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaaladii maanta ka dhacay Matabaan iyo xaaladda oo caawa degan.

30 ruux oo la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaaladii maanta ka dhacay Matabaan iyo xaaladda oo caawa degan.

Font size: Enlarge font

Waxaa degan caawa deegaanka Matabaan oo maanta uu ka dhacay mid kamid ah dagaalada ugu qaraar ee u dhexeeya ciidamada Itobiyaanka iyo xoogaga kasoo horjeeda,iyadoona la sheegay 26 ruux in ay gaareyso tirada dadka dagaalkaasi ku geeriyooday.

Wakaaladda Wararka ee AFP oo soo xiganeysa dad goob joogayaal ah aya sheegtay inta badan dhimashada in ay ku timid dhinacyadii dagaalada ay u dhexeeyeen maadaama goobo baadiye ah la isku helay.

Waxaa sido kale jirtay khasaare xoogan oo iyana dadka rayidka ah ee degmada Matabaan soo gaaray kadib markii duqeymo aan loo meel dayayn oo BM ah ay ku qaadeen Ciidamada Itoobiyaanka.

Afhayeenka Midowga Maxaakimta Sheekh C/Raxiim Ciise oo kooxdoda ay kamid aheyd garabyadii dagaalka galay ayaa qiray waxyeelo halkaasi kusoo gaartay xoogaga hubeysan oo in ka badan 5 halkaasi looga dilay.

Dhinaca Al Shabaab oo isna dagaalkaasi qeyb ka ahaa ayaan wali wax hadal ah kasoo bixin iyadoona ay jiraan warar sheegaya hogaamiyeyaasha wax iska caabinta qaar oo halkaasi ku geeriyooday.

Khasaare xoog badan ayaa dhankooda soo gaaray ciidamada Itoobiyaanka iyadoona la xaqiijiyay tiro kamid ah gaadiidka Uuraalaha in looga gubay dagaalka ayna kaga geeriyoodeen askar iyo saraakiil sar sare.

Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

Comments (0 posted):

Post your comment

Please enter the code you see in the image:

  • Email to a friend
  • Print version
  • Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0