

Somali Week London oo wareegii labaad maanta ka biloowday magaalada London. (Daawo sawirada)
Somali Week London oo wareegii labaad maanta ka biloowday magaalada London.
London 12/08/2009.Waxaa manta si rasmi ah uga furmay garoonka New river wareegii labaad ee ciyaaraha Somali Week London .
Tartanka Somali Week ayaa waxa u ka biloowday asbucii hore horaantiisa ayaa waxaa loolan adag ay 12 kooxood ugu jireen inay u soo gudbaan wareega labaad ee tartanka ama aan iraahdo Kwart Final-ka.
Afar qaybood oo loo qaybiyay kooxaha ka qayb qaadanaya Somali Week ayaa waxaa ku soo kala baxay kooxaha kale ah.
Qaybta 1 aad
Ilamos
Jubba
Qaybta 2aad
Milton Keynes
Liecester Stars
Qaybta 3aad
Hiltop
Alhijra
Qaybta 4aad
West 12
Wembley United
Kooxaha kale ah West 12 iyo Wembley United ayaa waxaa lagu soo qaaday ciyaar wanaag kadib markii ay ku hareen wareega kowaad halka kooxaha Holand,Sweden , Nabadda iyo Finlad Bus-ka labada dabaq lagu raray kadib markii ay u suurta galiwaysay inay soo baxaan.
Maanta oo ay taariikhdu ahayd 12 Agoosto 2009 ayaa waxaa Kwart Finalka ciyaartii ugu horeysay isku arkay kooxaha kale ah.
Ilamos V Milton Keynes
Liecester V Jubba
Halka maalinta berito ay isku arki doonaan Kwart Finalka kooxaha kale ah:
Alhijra V Wembley United
West 12 V HillTop
Ciyaarahaan oo aad u xiisa badan waxaan idin kaga soo warami doonaan hadii Eebe idmo maalinimada berito ah marka ay soo dhamadaan Wareega labaad ama Kwart Finalka.
Ciyaarta ayaa waxaa ka soo qayb galay daawashadeeda Fanaanka caanka ah ee Soomaaliyeed ee Ahmed Naaji halka ay ku wehliyeen daawashada ciyaarta odayaasha Somali Week Ahmed Abdi Dahir Sheel iyo Isoomareey, waxaa kale oo marti sharafka ka mid ahaa Macalin Ganay oo dalka Sweden ka yimid , Ahmed Imad, Macalin Muse iyo ciyaartooydii hore ee dalka Soomaaliya ee ka qayb galaysa tartanka Somali Week.
Waxaa kale ka dhacay garoonka New River Staduim ciyaaro xiiso badan oo ay ku loolamayeen ciyaartooydii hore dalka Soomaaliya, kuwaasoo ka kale yimid dalalka Canada, Sweden ,USA, Finland, Holand,Italy iyo kuwa martida loo yahay eek u dhaqan magaalada London, ciyaartaas waxaa si gooni ah uga soo faloon doonaa maalinimada Sabtida insha Allah.
Dadwaynaha Soomaaliyeed eek u dhaqan magaalada London waxaan ku wargalinaynaa inay ka soo qayb galaan tartanka xiisaha badan ee ka socda magaalada London, isla markaana waxaa maalinimada Jimacaha lagu qaban doonaa garoonka tartankii orada caruur iyo ciroolaba loo ogal yahay inay ku tartamaan.
Yusuf Yusuf
Somali Week London
SSPAMEDIA Editor
[email protected]
Comments (0 posted):
Post your comment