

Raisal ku xigeenka Dowlada Soomaaliya ahna Wasiirka Wasaarada Petroolka iyo Macdanta Mudane Cabdi Weli Goonjeex ayaa dib daaha uga rogay kooxda kubada cagta Naadiga Petroolka.
Raisal ku xigeenka Dowlada Soomaaliya ahna Wasiirka Wasaarada Petroolka iyo Macdanta Mudane Cabdi Weli Goonjeex ayaa dib daaha uga rogay kooxda kubada cagta Naadiga Petroolka.
Muqdisho 07.08.2009: Xaflad si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu qabtay hotel Saxafi Internatoinal ee magaalada Muqdisho, xafladaas ayaa daah fur loogu dhigay dib u soo noolayta ama dib habaynta naadigii ciyaaraha ee Petroolka.
Waxaana ka soo qeyb galay xaflada daah furka Naadiga Petroolka xubno Dowlada Soomaaliya,Qabiiro isboorti Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale,iyadoo goobta xaflada ka dhacayso ay ku sugnaayeen maamulayaashii iyo ciyaartooydii hore kooxda Petroolka iyo ciyaartooyda cusub ee kooxda Petroolka.
Xubnihii ka soo qeybgalay isla markanaa ka hadlay waxaa ka mid ahaa Ra'iisulwasaare ku xigeen ahna wasiirka badroolka iyo macdanta Jaalle Wasiir Cabdiwaaxid cilmi goonjeex, Wasiirka Isbortiga iyo Dhalintarada Jaalle Suleymaan Colaad Roobl, Agaasimaha Wasaarada Petroolka iyo Macdanta, xubno qubaro isboorti oo uu ka mid yahay Saciid Jaamac Qoorsheel iyo laacibiintii hore ee naadiga Petroolka sida Juuma, Cabdala Quuq iyo xubno kale, iyadoo ay goobta xaflada ka dhacaysay ay goob joog ka ahaayeen ciyaartooyda cusub ee naadiga Petroolka.
Waxaan uga gon leenahay xafladatandaah furka in aan dib ugu soo noolayno Naadiyadii dalkan uu lahaan jiray waa inay dhalinyarada ka qeybqaataan sidii dalkaan u helilahaa daganaan iyo dib udhis sidoo kale inay meherado shaqo ka helaan dhalinyarada iyo macalimiin badan oo isboorti" sidaa waxaa yiri Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga dalka Soomaaliya Jaalle Saleebaan Colaad Rooble
Aniga ka wasaarad ahaan waxaan rabnaa inaan gacan ka geysano sidoo naadiga uu luguhiisu isugu taagi lahaa si aysan u lumin taariikhda cayaaryahanadeenii hore "jiritaanka naadigan waxay wax ku ool u tahay dadkii taariikhda ku lahaa oo lagu xusuusan doonaa sida Cabdalla
Quuq, Muqtaar Cuti, C/qaadir Faarax Biriq, Senegal ,Amaan iyo Daysane
Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Petroolka iyo Macdanta ahna Raisal Wasaare ku xigeen ka tirsan Dowlada Soomaaliya mudane Goonjeex.
Naadiga Petroolka ayaa waxaa macalin looga dhigay macalinkii 2aad ee kooxda Petroolka macalin Omar Abukar iyadoo dhawaana la shaacin doono maamulka sare kooxda.
Tan iyo markii la
soo dhisay Dowlada Soomaaliya ee u hogaamiyo Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Ahmed ayay Wasaarada isboortiga iyo dhalinyarada ku dhaqaaqday inay dib u soo noolayso naadiyadii hore dalka Soomaaliya ee la burburey Dowladii Soomaaliyeed, xafladatan
ayaa noqonaysa
tii labaad ee lagu qabto magaalada Muqdisho oo ku shaaciyeen
Wasaarada Petroolka iyo Macdanta iyo Wasaarada Howlaha guud iyo Guriyanta inay dib daaha uga rogeen kooxahooda sida Petroolka iyo Jeenyo LLPP.
W/D: Yusuf Yusuf
Editor of SSPAMEDIA
[email protected]
Comments (3 posted):
waxaan rajeynayaa in lagu daydo oo la helo dadaalo farabadan oo isdab joog ah oo lagu dhisayo Sportigii Soomaliyeed ee qiimah lahaa,,,,,wabilaahi towfiiq.
Post your comment