Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Somali Linkz
    Islam Linkz
  • Home | Islam | NABI ISMAACIIL (WALQALKII)-1

    NABI ISMAACIIL (WALQALKII)-1

    Font size: Enlarge font
    Sabriye Muuse

    NABI ISMAACIIL (WALQALKII)-1

    Nabi Ibraahim (CS) markuu reer tolkiis ka quustay, diintii Allena ay qaadan waayeen buu goostay inuu iskaga tago oo dhulka Alle ku haajiro, waa intaas oo qolo kale oo diinta qaadata, dacwadiisana u gargaartana uu ka helaaye.

    Wuxuu yiri:

    وَقَالَ إِنِّى ذَاهِبٌ إِلَىٰ رَبِّى سَيَہۡدِينِ (٩٩) رَبِّ هَبۡ لِى مِنَ ٱلصَّـٰلِحِينَ (١٠٠) فَبَشَّرۡنَـٰهُ بِغُلَـٰمٍ حَلِيمٍ۬ (١٠١)

     (Anigu waxan aadayaa Rabbigay, isagaa i hanuunin doona eh. Alloow ubad kuwa suusuubban kamida iigu deeq. Markaas baan ugu bishaaraynay wiil dulqaad badan) (Saafaat: 99-101).

    Micnaha Aayadaha: Waxaan aadayaa meel kale oo dad i maqlaya, diinta Alle iyo dacwadana u gargaarayaa ay joogaan, mar haddaan Alle xaggii aadayana isagaa igu hanuunin doona meesha wanaagsan ee dacwadiisa ku habboon. Keddib wuxuu leeyahay: Alloow durriyad (dhal=tafiir=ubad) wanwanaagsan oo mu’miniin ah iigu deeq.

    Qofka mu’minka ah, gaar ahaan anbiyadu kolkay Alle durriyad weydiisanayaan ma weydiistaan mid magacooda sii wada, mana weydiistaan wiilal dhaxla oo hantidooda keddibkood la wareega, balse waxay weydiistaan dhal risaaladooda iyo farriinta ay Rabbi ka sidaan keddibkood sii wada oo dacwada keddibkood calanka u qaada.

    Haddaba, Nabi Ibraahim (CS) wuxuu ka baqay in cimrigu ku simi waayo inta uu dhulka oo dhan diinta Alle ka gaarsiinayo oo wuxuu ka baqay inuu geeriyoodo, risaaladii oo aan dadka wada gaarin, geeridiisa darteedna wax waliba halkooda ku istaagaan. Markaas buu Alle weydiistay inuu indhaha ugu nuuriyo ubad isaga ka farcama oo mas’uuliyadda nabinnimada keddibkiis sii wada.

    Eebbe wuxuu Ibraahim (CS) ugu jawaabay inuu ugu bishaareeyay wiil dulqaad badan. Dulqaad badane waxaa la yiraahdaa qofka aanu daandaansigu durbaba ka caraysiin ee wax walba intii karaan aadane kari karo u dulqaata. Abuu Umaama (RC) wuxuu Nabiga (SCW) ka weriyay inuu yiri: (Anigu waxaan hoggaamiye u ahay guri Jannada daashkeeda “bersadeeda” ku yaal oo uu degayo qofkii istustus ka fogaada xitaa hadduu gar leeyahay iyo guri Jannada dhexdeeda ku yaal oo uu degayo qofkii been ka fogaada xitaa hadduu kaftamayo iyo guri Jannada dabaqeeda sare ku yaal oo uu degayo qofkii akhlaaqdiisa wanaajiya). Abuu-Daa’uud (4800).

    Shay waxa la isugu bishaareeyaa inta aan la helin, haddiise la helo keddib waa la isugu hambalyeeyaa. Alle wuxuu leeyahay waxaan ugu bishaaraynay wiil dulqaad badan. Waa laba bishaaro. Tan hare in uu wiil yahay, maxaa yeelay nafta aadanuhu inta badan waxay jeceshahay ubadka u dhalanayaa inuu wiil noqdo. Bishaarada labaad waxay ahayd inuu noqon doono wiil dulqaad badan, xitaa inta uu carruurta yahay, arrintaas oo dib dambe inooga caddaan doonta.

    Nabi Ibraahim (CS) marka Ismaaciil (CS) loogu bishaaraynayo wuxuu jiray – baa la yiri – lix iyo siddeetan (86) sano, markaas kahorna weligiis ubad ma aanu dhalin. Marka qof da’daas jira oo la yiri wiil baa kuu dhalanaya, weliba wanaagsan oo dulqaad badan farxadda uu farxayaa inta ay le’egtahay waad garan kartaa.

    فَلَمَّا بَلَغَ مَعَهُ ٱلسَّعۡىَ قَالَ يَـٰبُنَىَّ إِنِّىٓ أَرَىٰ فِى ٱلۡمَنَامِ أَنِّىٓ أَذۡبَحُكَ فَٱنظُرۡ مَاذَا تَرَىٰ‌ۚ قَالَ يَـٰٓأَبَتِ ٱفۡعَلۡ مَا تُؤۡمَرُ‌ۖ سَتَجِدُنِىٓ إِن شَآءَ ٱللَّهُ مِنَ ٱلصَّـٰبِرِينَ (١٠٢) فَلَمَّآ أَسۡلَمَا وَتَلَّهُ ۥ لِلۡجَبِينِ (١٠٣) وَنَـٰدَيۡنَـٰهُ أَن يَـٰٓإِبۡرَٲهِيمُ (١٠٤) قَدۡ صَدَّقۡتَ ٱلرُّءۡيَآ‌ۚ إِنَّا كَذَٲلِكَ نَجۡزِى ٱلۡمُحۡسِنِينَ (١٠٥) إِنَّ هَـٰذَا لَهُوَ ٱلۡبَلَـٰٓؤُاْ ٱلۡمُبِينُ (١٠٦) وَفَدَيۡنَـٰهُ بِذِبۡحٍ عَظِيمٍ۬ (١٠٧)

    (Markuu da’ inuu raaco gaaray, wuxuu yiri: Wiilkayoow waxaan hurdo ku arkaa aniga oo ku gawracaya ee aragtidaada ka dhiibo, wuxuu yiri: Abboow waxa lagugu amrayo samee, Insha’allaahu waxaad i arki doontaa kuwa sabra in aan kamid ahaye. Markii ay isdhiibeen ee uu dhabanka u seexshay. Baynu ugu dhawaaqnay Ibraahimoow!!. Riyadii waad ka dhabaysay, sidaas baanan kuwa wanaagga fala u abaalmarinnaa. Tani waa tijaabin cad. Waxanan ku furannay walqal weyn) (Saafaat: 102-107).

    Markuu Ismaaciil gaaray da’ uu aabbihiis raaci karo – waxa la yiri toddoba jir buu ahaa, waxa kale oo la yiri saddex iyo toban jir buu ahaa - ayuu Ibraahim ku riyooday – riyada anbiyaduna waa xaq – isaga oo wiilkiisii uu keligii ubad ka lahaa gawracaya. Ibraahim markaas boqol jir buu ku dhowyahay. Waad dareemi kartaa sida nabigaas loo ibtileeyay. Waxa uu walqal ahaan u bixinayaa waa wiilkiisii, waxa laga doonayaana waa inuu gacantiisa ku gawraco!.

    Alle subxaanahu wuxuu leeyahay:

    لَن تَنَالُواْ ٱلۡبِرَّ حَتَّىٰ تُنفِقُواْ مِمَّا تُحِبُّونَ‌ۚ وَمَا تُنفِقُواْ مِن شَىۡءٍ۬ فَإِنَّ ٱللَّهَ بِهِۦ عَلِيمٌ۬ (٩٢)

    (Baarrinimo heerka ugu sarraysa gaari maysaan jeer aad wixiinna waxa aad ugu jeceshihiin wax ka bixisaan, wixii haba yaraadeene aad bixinaysaanna Alle waa uu ka warqabaa) (Aali-Cimraan: 92).

    Naftu waxa ay ugu jeceshahay ee wax laga bixinayaa waa maxay? Geelaaga hasha aad ugu jeceshahay haddii bixi lagu yiraahdo ka warran!, guryahaaga guriga aad ugu jeceshahay, beerahaaga beerta aad ugu jeceshahay, maalkaaga ka aad ugu jeceshahay, laan boqorta. Waxyaabahaas oo dhami waa xoolo kusoo gelaya, kaana baxaya ee bal ka warran hal wiil ood carruur oo dhan ka leedahay!. Qofka caadiga ahi wuxuu guursadaa isaga oo da’ labaatanaad ama soddonaad ku jira. Waa uu ka hormari karaa kana dib dhici karaa. Goortaas carruurta uu dhalaa waa iska caadi oo nolosha ayay kamid yihiin. Way dhiman karaan, qaar kalena way u dhalan karaan, hadba siduu Alle u siiyo. Hase yeeshee nin sagaashan jir kagudbay iyo xaaskiisa oon waxba ka yarayn hal wiil oo Alle tuug iyo baryo badan dabadood Alle siiyay haddii la yiraa walqal ka dhig oo weliba gacantaada ku gawrac, waa baarrinimo iyo amar Alle adeecid tan ugu sarraysa.

    Wiilkii da’da yaraa, fariidka ahaa, dulqaad badnidiisana Alle ku sheegay Qur’aan ilaa maalinta Aakhiro la akhrin doono, markuu arkay aabbihiis oo murugaysan oo fekeraya, xaalkiisuna aanu caadi ahayn, wuxuu weydiiyay waxa ku dhacay. Beerkii wax dhalay, amar Alle inuu adeecaana waajib ku tahay wuxuu yiri: Wiilkayoow waxa lay amray in aan ku gawraco ee talo keen?.

    Hadde Alle ayaa dulqaadka Ismaaciil hore usii sheegaye, wuxuu aabbihiis ugu jawaabay: Aabbe adiga oon waxba ismurjin wuxuu Alle ku amrayo samee, haddii Alle idmo, kaa diidi mayo kaana carari mayo ee waan sabri doonaa, wixii Alle ii qorayna waan u dulqaadan doonaa. Bal si fiican ugu fiirso waxa uu wiilku ku yiri aabbihiis oo doonaya inuu gawraco. Waa kaas dulqaadka dhabta ahi.

    Ismaaciil aabbihiis kuma aanu oran waxaad doonto samee, laakiin wuxuu yiri waxa lagu amrayo samee. Taa micneheedu waxa weeye adeecidda aabbihiis waxay ku milantay adeecidda Allihiis oo isagu amarka bixiyay. Bal ila eega (samee) waa adeecid aabbihiis uu adeecayo, (waxa lagu amrayo) waa adeecid Allaha aabbihiis uu adeecayo. Sidaas buu aabbihiisina u adeecay Allihiis amarkiisiina ugu hoggaansamay.

    Ibraahim sidaas oo kale markuu wiilkiisa u yeerayay wuxuu yiri: (yaa bunayya) oo la macno ah wiilkaygii yaraayoow. Waa erayo ay ku dheehan yihiin; naxariis, jacayl iyo maxabbo. Waxaa la wada ogsoonyahay in jacaylka waalidku uu hadba le’eg yahay baahida ubadkiisa. Haweenayd baa la weydiiyay carruurteeda ka ay ugu jeceshahay?, Markaas waxay ku jawaabtay: Carruurtayda mar waxaan ugu jeclahay kan jirran ilaa uu ka caafimaado, mar kan maqan ilaa uu ka yimaado, marna kan yar ilaa uu ka weynaado.

     Sabriye Macallin Muuse

    [email protected] 

    Minnesota – United States       

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (5 posted):

    A/kadir Mohamed Hassan on 06 July, 2009 12:57:13
    walaal waxaan kaa codsanaa inaad noo soo gudbiso siiradii Nabiyullaahi Yuusuf midaa ayaan kaa rajeynayaa inaad ii soo gudbiso midaa ayaan kaa rabaa



    mahad sanid
    YASMIN on 15 July, 2009 02:21:37
    jisaakumu laah qeer walaal waxan ka cod sanaya bilaha islamka iyo siirada nabi muxamad (csw)
    Saamiya on 01 August, 2009 01:23:45
    A/C. Walaal waad ku mahadsantahay. Waxaan jeclaan lahaay Tafsiirka Nibi Suleymaan inaad noo soo gudbisid JZK.
    on 15 August, 2009 08:53:38
    a/s/c walaaloow ilaah baad mahad leh sidaad noogula socodsiiyey qisadii nabiyulaah ibraahiim calayhi salaam waa sida codsiga ugu horeeyey noo soo gudbisaa qisadii nabi saleebaan calayhi salaam mahadsanid
    Abdi nasir on 20 August, 2009 03:58:46
    ASC illah hakaa siyo ajar iyo xasanaad rabina hakaa waribiyo wabiga janada walal waxan ka codsan lahaa haduu ku so baxayo e-mailkayga in aad iigu soo dirto ama wesatka aad ku soo qorto bisha ramadan khayraatkeeda ayado afcari ah ama english ah mahadsanid walal

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com