

KU SALLIYA RASUULKA (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)
KU SALLIYA RASUULKA
(Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)
Rasuulkii ugu dambeeyay ee Eebbe aadanaha usoo diray, Muxammad (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam), wuxuu ahaa Qur'aan laba lugood leh oo dadka dhex socda, wuxuna ahaa tarjamada dhabta ahe wanaagga diinta Islaamka. Wuxuu ahaa qof uu Eebbe doortay, edbiyay, akhlaaqdiisana toosiyay. Waxaynu ognahay xitaa Islaamka hortiis dhaqankii jaahiliga iyo dembiyadii ay dadku geli jireen isagu inuu ka caagganaa.
Xagga run sheegga iyo amaanada:
Dadka Makka deggan oo dhami waxay ugu yeeri jireen: Runlawgii amaanada badnaa. Waa iyagii goob lagu wada kulansan yahay ku yiri: (weligeen been kuguma aynaan arag).
Xagga caqliga iyo garashada:
Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) waxaa sharaf iyo faan ugu filan, inuu Alle tawfiiqdiisa keddibna garaadkiisa iyo garashadiisa tolkiis xal ay madaxa u wada ruxeen ugu keenay sidii dhagaxa madoow halkiisii loogu celin lahaa, wuxuuna sidaas tolkiis uga badbaadiyay dagaal dad badani ku hooban lahaa.
Xagga gaarsiinta dacwada:
Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) hurdo kamay soo dhici jirin, cuntana degganaan kuma uu cuni jirin, qalbina umuu degi jirin, ilaa uu ka arko dadkii oo dacwadii Islaamka qaatay, diintii Allena soo galay. Wax badan bay Aayadaha Qur'aanka ahi kusoo degi jireen say murugada haysa uga khafiifiyaan, waxana Aayadahaas kamid ah:
{فَلَعَلَّكَ بَاخِعٌ نَّفْسَكَ عَلَى آثَارِهِمْ إِن لَّمْ يُؤْمِنُوا بِهَذَا الْحَدِيثِ أَسَفًا} {سورة الكهف: 6}.
(Waxaa laga yaabaa inaad raadkooda "ka jeesadka ay kaa jeesteen" naftaada ku calool xumaynaysid inaysan Xadiithkaan "Qur'aanka" rumayn darteed) (Al-Kahaf: 6).
{إِنَّكَ لَا تَهْدِي مَنْ أَحْبَبْتَ وَلَكِنَّ اللَّهَ يَهْدِي مَن يَشَاء وَهُوَ أَعْلَمُ بِالْمُهْتَدِينَ} {سورة القصص: 56}.
(Adigu "Nabiyoow" qofkaad jeclaato ma hanuunin kartid, laakiin Eebbe isagaa qofkuu doono hanuuniya, isagaana kuwa hanuunaya garanaya) (Al-Qasas: 56).
{فَلَا تَذْهَبْ نَفْسُكَ عَلَيْهِمْ حَسَرَاتٍ} {سورة فاطر: 8}.
(Naftaada iyaga dartood calool xumo ha ugu dilin) (Faadhir: 8).Aayadaha Qur'aanka ahi iyadooy sidaas Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) dhabarka ugu salaaxayaan, murugada haysana uga maaweelinayaan, ayuu misana ahaa mid looga daydo adkaysi, sabar, dulqaad iyo dadaal uu gaarsiinta diinta Islaamka ugu jiray. Rusushii Uulul-Cazmiga[1] ahayd jeer ay dadkoodii oo diinta wada galay ka arkaan sidaas bay u wada dadaal iyo jihaad badnaayeen.
Xagga cibaadada iyo akhlaaqda:
Nabi Maxamed (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu ahaa mid looga dayanayay loogana dayan doono akhlaaq wanaag, edeb badnaan iyo Alle caabbud ilaa maalinta Qiyaamaha.
Xagga Alle caabbudka:
Mughiira ibnu Shucba (RC) waxaa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) habeenkii wuxuu taagnaan jiray ilaa ay caguhu bararaan, markii lagu yiri: Miyaanu Alle dembigaaga kii hore iyo kii dambeba kuu dhaafinna wuxuu yiri: (Miyaanan addoon mahadin badan noqonayn?!)[2].
Eebbe Subxaanahu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) awood iyo adkaysi gaar ahoo uu dadka caadiga ah dheer yahay ayuu cibaadadiisa u siiyay, waxana daliil kuugu filan Aayadaha isaga si gaar ah u faraya inuu cibaadaysi, tahajud, tasbiix, dikri iyo duco habeenka intiisa badan usoo jeedo. Aayadahaas waxaa kamid ah:
{يَا أَيُّهَا الْمُزَّمِّلُ 1 قُمِ اللَّيْلَ إِلَّا قَلِيلًا 2 نِصْفَهُ أَوِ انقُصْ مِنْهُ قَلِيلًا 3 أَوْ زِدْ عَلَيْهِ وَرَتِّلِ الْقُرْآنَ تَرْتِيلًا 4 إِنَّا سَنُلْقِي عَلَيْكَ قَوْلًا ثَقِيلًا 5 إِنَّ نَاشِئَةَ اللَّيْلِ هِيَ أَشَدُّ وَطْءًا وَأَقْوَمُ قِيلًا} {سورة المزمل: 1-6}.
(Kaagan is duuduubayoow!. U kac "inaad tukato" habeenkii wax yar mooyee. Barkiis ama xoogaa yar ka dhin "intaas". Ama "xoogaa" ku dar Qur'aankana si quman "cod wanaagsan oo tajwiid leh" u aqri. Annagu dhab ahaantii waxaan kugu dejin doonnaa war culus. Kicidda habeenkii "Qur'aanka aqriska iyo tahajudku" iyadaa adayg badan war ahaanna u wanaagsan) (Al-Muzammil: 1-6).
{وَمِنَ اللَّيْلِ فَتَهَجَّدْ بِهِ نَافِلَةً لَّكَ عَسَى أَن يَبْعَثَكَ رَبُّكَ مَقَامًا مَّحْمُودًا} {سورة الإسراء: 79}.
(Habeenkii saacado kamid ahna oog "Qur'aanka salaad ku aqri" mid adiga sunno kuu ah "salaadda tahajudka", waxa laga yaabaa inuu Rabbigaa meeqaan sharaf iyo ammaan leh "darajada ugu sarraysa Jannada" ku geeyo eh) (Al-Israa': 79).
{وَاذْكُرِ اسْمَ رَبِّكَ بُكْرَةً وَأَصِيلًا 25 وَمِنَ اللَّيْلِ فَاسْجُدْ لَهُ وَسَبِّحْهُ لَيْلًا طَوِيلًا} {سورة الإنسان: 25-26}.
(Magaca Rabbigaa xus subax iyo galab kasta "ku xus salaadaha faradka ahe; Subax, Duhur iyo Casir". Habeenkiina u sujuud "Maghribka iyo Cishaha", hufna Rabbigaaa habeenka in badan oo kamid ah) (Al-Insaan: 25-26).
Xagga ku dayashada akhlaaqdiisa:
Waxaan ku kaaftoomaynaa in aan hal tusaaleba ha ahaadee kasoo qaadanno tilmaamihiisii qiimaha badnaa sida; deeqsinnimadisi, adduunyo nacaybkiisii, dhiirranaantiisii, geesinnimadiisii, hoggaamin wanaaggiisii iyo siyaasaddiisii.
Xagga deeqsinnimada:
Wuxuu ahaa qof xagga wax bixinta aan baahi ka baqayn, wuxuuna ugusii deeqsisanaa bisha soon. Abuu-Hurayra (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay inuu yiri: (Sadaqo laga bixiyaa maal ma nusqaamiso)[3].
Xagga Adduunyo nacaybka:
Cabdullaahi ibnu Mascuud (RC) wuxuu yiri: Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ayaan u galay isagoo intuu derin ku seexday, raadkii ay ku reebtay dhinaciisa sharafta leh ka muuqdaan. Markaas baan waxan ku iri: (Rasuul Alloow maan firaash aad derinta dul saarato ood iska xijiso kuu keenno). Wuxuu yiri: (Aniga iyo adduunyo maxaa iska kaaya galay, aniga iyo adduunyo waxan isku nahay sida qof socdaal ahoo intuu geed harkiis harsaday dabadeed iska baxay oo halkii uga tegay)[4].
Muxuu adduunyo u diidi waayay Alle ayaaba ku yiri:
{وَلَا تَمُدَّنَّ عَيْنَيْكَ إِلَى مَا مَتَّعْنَا بِهِ أَزْوَاجًا مِّنْهُمْ زَهْرَةَ الْحَيَاةِ الدُّنيَا لِنَفْتِنَهُمْ فِيهِ وَرِزْقُ رَبِّكَ خَيْرٌ وَأَبْقَى} {سورة طه: 131}.
(Labadaada indhoodna haku taagin wax yaroon qolooyin iyaga "gaalada" kamid ah ugu raaxaynay, waa dhaldhalaalka nolosha adduunyada oon si aan ugu imtixaanno u siinnay eh, irsaqa Rabbigaa "abaalka wanaagsan ee aakhiro" ayaana ka khayr badan kana waari og eh) (Dhaahaa: 131).
Waxaa loo baahan yahay in aynu fahanno in Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) aanu adduunyo uga caagin saboolnimo iyo faqri haayay, hadduu dooni lahaa dhaldhalaal adduunyo iyo raaxana adduunyo iyadoo rabitaankiisa u hoggaansan bay isu kala dhigi lahayd. Ha yeeshee adduunyo ka caagistiisa wuxuu uga dan lahaa amuuro aynu ka sheegayno kuwan:
- Wuxu doonayay inu adduunyo ka maagistiisa jiilalka muslinka ahe soo socda ku baro macnaha iskaashi, hurid iyo isu dhiibis.
- Wuxuu doonayay in jiilalka muslinka ahe soo socdaa quud maalmeedkooda ku kaaftoomaan oo aanay adduunyo macaanteed isu dhiibin, isagoo ka baqayay inay ka mashquuliso waajibka diin fidinta iyo koryeelidda kelmadda Alle iyo weliba intay dunidu isu kala dhigto inay ku baaba'aan sidii qolooyinkii iyaga ka horreeyay ugu baabe'een.
- Wuxuu doonayay inuu kuwa quluubta ka buka sida uurka-gaalada iyo gaaladaba fahamsiiyo in dacwadiisa Islaamka aanu uga dan lahayn maal aruurin, adduunyo jerin iyo raaxa doonis iyo in aanu adduunyo magac diin ku doonayn, hase yeeshee uu Alle oo keliya ajar uga doonayay, uuna doonayay inuu Allihiis la kulmo isagoon adduunyo burburkeed waxba ka wadan, halku-dhiggiisuna yahay halkudhiggii anbiyadii isaga ka horreysay:
{وَيَا قَوْمِ لا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مَالاً إِنْ أَجْرِيَ إِلاَّ عَلَى اللّهِ} {سورة هود: 29}.
(Reer tolkayoow xoolo idinku weydiisan maayo "diinta aan idiinku yeerayo", abaalgudkaygana cid aan Alle ahayn dusha kama saarna) (Huud: 29).
Xagga tawaaduca[5]:
Dadkii Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) nolol ku gaaray dhammaantood waxay isku raaceen inuu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) asxaabtiisa salaanta ku billaabi jiray, qofka la hadlayana ha yaraado ama ha weynaado eh warkiisa dhegta u raaricin jiray, hadday qof is gacan geliyaanna, uu qof gacanta la laabta kan ugu dambeeya ahaan jiray. Asxaabtiisa oo fadhida hadduu u yimaado qofka fadhiga ugu dambeeya ayuu ku xigsan jiray meel gaar ahna ma aanu fariisan jirin. Waxa kaloo la sheegay inu suuqa kasoo adeegan jiray, badeecada uu soo gatana isagu soo qaadan jiray, wuxuuna dhihi jiray: (Anigaa in aan qaado mudan). Kama aanu faani jirin inuu shaqada dhankiisa ka qabto, waxana taas laga garanayaa markii masjidkiisa la dhisayay iyo markii dhufayska la qodayay inuu labadaba isagu hawsha dhinaciisa ka qabanayay, isagoo bulukeetigii masjidka lagu dhisayay qaadayay, godkii dhufayskana dhiniciisa ka qodayay.
Qof kasta oo u yeera ama casuuma addoon ha ahaado ama xor eh wuu ka yeeli jiray, qofkii cudurdaar sameeyana wuu ka aqbali jiray. Isagaa maradiisa tolan jiray, kabtiisana karan jiray. Reerkiisa wuu u adeegi jiray, ratigiisa dabran jiray, adeegihiisana raashinka la cuni jiray. Dadka taagta daran wuu u adeegi jiray, dhulka ayuuna fariisan jiray.
Abuu-Hurayra (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay inuu yiri: (Haddii kuraankur la iigu yeeri lahaa waan aadi lahaa, haddii dhudhun la’ii hadiyayn lahaana waan aqbali lahaa)[6].
Maxaanu sidaas mutawaadic ugu ahayn, Allaaba ku yiri eh:
{وَاخْفِضْ جَنَاحَكَ لِمَنِ اتَّبَعَكَ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ} {سورة الشعراء: 215}.
(Garabkaaga u raarici kuwa mu'miniinta ahe ku raacay "noqo mid u naxariis badan") (Ash-Shucaraa': 215).
Xagga dulqaadka:
Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) dulqaadka wuxuu ka gaaray heer aanay cidi gaarin, hadday ahaan lahayd u dulqaadashada dhibkii ay carabtu u gaysan jirtay iyo markuu Makka qabsaday siduu isaga cafiyay iyo weliba dhibaatooyinkii cadawga ummadda Islaamku ku hayeen intaba.
Tusaale; Aanas (RC) waxaa laga weriyay inu yiri: (Anigoo la socda Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) oo sita go' Najraani ahoo faraq adag leh, ayuu nin reer baadiye ahi intuu ka daba yimid, go'ii kusoo qabtay aadna ugu soo jiiday, waxanan eegay deegta[7] Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) oo faraqii go'a uu ninku xoogga ugu soo jiiday raad ku reebay, keddibna "ninkii" wuxuu yiri: Maxamed, maalka Eebbe eed hayso wax iga sii. Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) intuu markaas dib u eegay oo dhoola caddeeyay buu in maal la siiyo amray)[8].
Tusaale kale; Markii isagoo ciidan xoog badan hor kacaya intuu duullaan Makka ku qaaday, furtay, intuu reer Makka meel isugu keenay ayuu halkii uu cagta marin lahaa, rafaadkii iyo dhibaatadii ay sanadaha badan u geysanayeenna ka aar gudan lahaa, wuxuu ku yiri: (Maxay idinla tahay in aan idinku samayn doono?). Waxay dheheen: Walaal fiican oo walaal fiicani dhalay "ayaad tahay". Wuxuu yiri: (Iska kala taga xor baad tihiin eh)[9].
Maxaanu dulqaadkaas u lahayn Allaaba Qur'aankiisa kula dejiyay:
{خُذِ الْعَفْوَ وَأْمُرْ بِالْعُرْفِ وَأَعْرِضْ عَنِ الْجَاهِلِينَ} {سورة الأعراف: 199}.
(Cafis qaado, wanaagga "dadka" far, wax-ma-garatadana ka jeeso "ha ciqaabin") (Al-Acraaf: 199).
{فَاصْفَحِ الصَّفْحَ الْجَمِيل} {سورة الحجر: 85}.
(Dhaafid wanaagsan "gefafkooda" u dhaaf) (Al-Xijri: 85).
Xagga awoodda jireed iyo geesinimada:
Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu dadkii legdami jiray iyo raggii awoodda ku caan baxay siiyay duruus mustaqbalkooda beddeshay. Ninkii Rakaana la oran jiray oo carab oo dhan ka tilmaannaa markuu usoo baxay suu ula legdamo, Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) saddex jeer buu legday, markii saddexaad kaddibna Rakaana ashahaadinka ayuu qirtay. Waxa kale oo uu dagaalkii Uxud u babac dhigay Ubay ibnu Khalaf oo uu fallaar cunaha uga gooyay. Ubay oo faraskii ka dhacay, dhiigguna ka da'ayaa wuxuu yiri: Maxamed hadduu candhuuf igu tufi lahaa wuu igu dili lahaa, isagoo ula jeeda fallaartiisa waan u dhiman doonaa, waanuba u dhintay.
Asxaabta Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) iyagoo gaalada dagaal kula jira, markay cariiri galaan isagay soo maciin bidi jireen agtiisana naf kasoo raadin jireen, maadaama ay dhiirranaantiisa, awooddiisa iyo geesinimadiisa ka war qabeen.Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) iyo Abuu-Bakar Al-Siddiiq (RC) markii iyagoo doonaya inay Madiina u haajiraan ay godka galeen gaaladii Qurayshina ay godkii hareereeyeen iyagooy seefuhu galalka ka baxsan yihiin doonayayna madaxa Maxamed wax kastaba ha ku qaadatee, isaguna aanu wax hub ah wadan, buu arkay Abuu-Bakar oo baqaya. Markaas buu ku yiri: (Abuu-Bakaroow! laba Alle saddexeeyaa maxay kula yihiin!!)[10]. Xadiithka waxa laga weriyay Abuu-Bakar (RC).
Abuu-Hurayra (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay inu yiri: (Allahay nafsaddaydu gacantiisa ku jirto ayaan ku dhaartaye waxan jeclaan lahaa in jidka Alle la igu dilo, dabadeedna la’isoo nooleeyo oo haddana la’igu dilo)[11].
Maxaanu geesi u ahayn Allaaba yiriye:
{فَقَاتِلْ فِي سَبِيلِ اللّهِ لاَ تُكَلَّفُ إِلاَّ نَفْسَكَ وَحَرِّضِ الْمُؤْمِنِين} {سورة النساء: 84}.
(Ku dagaallan "Nabiyoow" jidka Eebbe naftaada wax aan ahayn xil kaama saarnee, mu'miniintana "dagaalka ku" guubaabi) (An-Nisaa': 84).
{أَتَخْشَوْنَهُمْ فَاللّهُ أَحَقُّ أَن تَخْشَوْهُ إِن كُنتُم مُّؤُمِنِين} {سورة التوبة: 13}.
(Ma iyagaad "gaalada" ka baqaysaan, Allaaba mudan inaad ka baqdaan haddaad mu'miniin "dhab ah" tihiin eh) (At-Tawba: 13).
Xagga siyaasadda:
Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu ahaa ka ay dad oo dhami ku daydaan qof weyn, qofyar, mu'min iyo gaal, siyaasi iyo qof caadi ah intaba.
Tusaale; Abuu-Saciid Al-Khudri (RC) waxa laga weriyay: Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) xoolihii Xunayn lagu qabsaday ayuu Quraysh iyo qabaa'ilkii kale ee carabta ahaa u qaybiyay, Ansaarna waxba kama aanu siin. Ansaar baa markaas ka xumaatay arrintaas, waxana dhexdooda ku batay kutiri kuteentii, waxayna arrintu gaartay heer ay qaarkood dheheen: Rasuulku tolkiis buu u yimid. Markaas buu intuu Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) isugu yeeray ku yiri: (Ansaaray waa maxay hadalka iga soo kiin gaaray iyo carada aad ii carooteen?. Ma waanan idiin imaan idinkoo lunsan oo aanu Alle sababtayda idinku hanuunin, ma waanan idiin imaan idinka oo cayr ah oo aanu Alle sababtayda idinku hodmin, ma waanan idiin imaan idinkoo col ah oon Alle sababtayda idinku midayn?). Waxay dheheen: (Alle iyo Rasuulkiisaa gallad iyo siismo badan). Wuxuu yiri: (Miyaydnaan ii jawaabayn Ansaarey?). Waxay dheheen: (Rasuulkii Alloow Alle iyo Rasuulkiis ayaa gallad iyo siismo badan eh maxaan kuugu jawaabnaa!).
Wuxuu yiri: (Ilaah baan ku dhaartaye haddaad doontaan waad dhihi karteen, run baadna ku sheegi lahaydeen, waana la idiin rumayn lahaa; waxaad inoo timid adigoo lagu beeniyay markaas baan ku rumaynay, adigoo lagu gooyay markaas baannu kuu gargaarnay, adigoo lagu cayrshay markaas baannu kusoo dhowaynay, adigoo cayr ah markaas baannu ku hodminnay. Ansaaray ma waxad iigu carooteen dheef adduunyo oo niman say u islaamaan ama islaannimadoodu u fiicnaato loogu soo dhowaynayo, adinkoo aan islaannimadiinna idiin wakiishay? Ansaaray miyaydnaan ku raalli ahayn in dadku Ari iyo Awr la tago idinkuna Rasuulkii Alle guryihiinnii ula noqotaan? Allahay nafsadda Maxamed gacantiisa ku jirto baan ku dhaartaye haddaysan Hijro jiri lahayn, Ansaar baan kamid ahaan lahaa. Hadday dadku waddooyin qaadaan, Ansaarna waddo qaaddo, waddada Ansaar baan qaadi lahaa. Eebboow Ansaar iyo ubadka Ansaar iyo ubadkooda intaba u naxariiso).
Ansaari markaas bay wada ooyday ilaa illintii gararkooda ka da'day. Waxay dheheen: (Qaybinta iyo siismada Rasuulka Alle (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) Raalli baannu ku noqonnay)[12].
Tusaale kale; (Qisadii Xudaybiya) kolkii uu Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) asxaabta faray inay madaxa xiirtaan xoolihii ay wateenna gawracaan, cid u istaagtayna la waayay, Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) intuu istaagay buu xaaskiisii Ummu-Salama (RC) oo la socotay u galay, wixii uu asxaabtiisa kala kulmayna u sheegay. Ummu-Salama (RC) waxay tiri: Rasuul Alloow ma sidaas baad jeceshahay?. Adigu bax oo adigoon cidna la hadal neefkaaga gawrac, tima-jarahaagana u yeero oo ha kuu xiiro. Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) intuu istaagay buu isagoon cidna la hadal sidii yeelay. Neefkiisii buu gawracay, tima-jarihiisiina u yeertay oo u xiiray. Dadkii markay sidaas arkeen bay iyaguna intay gebigood is wada taageen, xoolohoodii gawrac ku wada taageen, qaarna qaarkii kale inuu u xiiro billaabay)[13].
Maxaanu Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) siyaasad wanaag iyo macaamalo fiicnaan ku dayasho dadka ugu noqonayn Alle ayaaba yiri:
{فَبِمَا رَحْمَةٍ مِّنَ اللّهِ لِنتَ لَهُمْ وَلَوْ كُنتَ فَظًّا غَلِيظَ الْقَلْبِ لاَنفَضُّواْ مِنْ حَوْلِكَ فَاعْفُ عَنْهُمْ وَاسْتَغْفِرْ لَهُمْ وَشَاوِرْهُمْ فِي الأَمْرِ فَإِذَا عَزَمْتَ فَتَوَكَّلْ عَلَى اللّهِ إِنَّ اللّهَ يُحِبُّ الْمُتَوَكِّلِينَ} {سورة آل عمران: 159}.
(Naxariista Alle darteed baad iyaga ugu nuglaatay, haddaadse mid qallafsan oo qalbi adag ahaan lahayd wayba kaa hareera dareeri lahaayeen, ee iska cafi "gefafkooda", dembidhaaf "Alle" u weydii, arrinkana iyaga kala tasho, kolkaad go'aan gaartana Alle tala saaro, Eebbe kuwa tala saarta wuu jecelyahay eh) (Aali-Cimraan: 159).
Xagga mabda’ ku dhegganaanta:
Wuxuu ahaa tusaale dad oo dhan ku dayasho ugu filan. Tusaale haddaynu usoo qaadanno: Duqaydii Quraysh markii ay adeerkiis Abuu-Dhaalib intay iyagoo Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) kaga dacwoonaya u tageen, ku dheheen: "Abuu-Dhaalibow waxaad tahay nin oday ahoo sharaf agteenna ka leh, hadda kahorna waan kuu nimid annagoo wiilka aad adeerka u tahay kaaga dacwoonayna, hase yeeshee nagama aadan qaban oo kaalintaadii waad kasoo bixi weyday. Ilaah baan ku dhaarannaye mar dambe waxa uu nagu samaynayo oo ah aabbayaasheen oo la caayo, Ilaahyadeenna oo wax laga sheego iyo caqligeenna oo la duro ugu dulqaadan mayno ee ama naga qabo ama adiga iyo isagaba waynu idinla dagaalaynaa, labadeenna qolo mid baana ba'aysa). Abuu-Dhaalib intuu Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) u yeeray buu ku yiri: (Ina walaalkayoow reer tolkaa way ii yimideen, sidaas bayna i yireheen ee naftayda iyo naftaada badbaadi, wax aanan awood u lahaynna ha igu kallifin). Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) oon marnaba xaqa dhan uga bayrayn, wax kastoo lagu sameeyana aan diintii lala soo diray dadka gaarsiinteed ka daalayn, cid ay ahaato oon Alle ahaynna ka baqayni wuxuu ku jawaabay: (Adeeroow Ilaah baan ku dhaartaye hadday qorraxda midigtayda saaraan, dayaxana bidixdayda saaraan, si aan hawshan "la ila soo diray" uga haro, ka hari maayo jeer Alle dunida gaarsiiyo ama aan darteed u dhinto). Abuu-Dhaalib wuxuu markaas yiri: (Ina walaalkayoow orod oo waxaad doonto sheeg, Allaan ku dhaartaye in aanan cidna kuu gacan gelinayn eh)[14].
Ma mabda’ ku dhegganaan taas ka daran baad weligiin maqasheen, hase yeeshee maxaanu Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) sidaas mabda’ ugu dhegganaanayn Allaaba ku tirtirsiiyay inuu sidaas yeelo isagoo leh:
{فَاصْبِرْ كَمَا صَبَرَ أُوْلُوا الْعَزْمِ مِنَ الرُّسُلِ} {سورة الأحقاف: 35}.
(U samir sidii ay go'aanleyaashii Rususha kamidka ahaa (Nuux, Ibraahim, Muuse iyo Ciise" u samreen) (Al-Axqaaf: 35).
{أَمْ حَسِبْتُمْ أَن تَدْخُلُواْ الْجَنَّةَ وَلَمَّا يَأْتِكُم مَّثَلُ الَّذِينَ خَلَوْاْ مِن قَبْلِكُم مَّسَّتْهُمُ الْبَأْسَاء وَالضَّرَّاء وَزُلْزِلُواْ حَتَّى يَقُولَ الرَّسُولُ وَالَّذِينَ آمَنُواْ مَعَهُ مَتَى نَصْرُ اللّهِ أَلا إِنَّ نَصْرَ اللّهِ قَرِيبٌ} {سورة البقرة: 214}.
(Mise waxaad mooddeen inaad Janno gelaysaan iyadoo aanay idin qabsan wixii qolooyinkii hortiin tegay qabsaday oo kale, waxa taabtay faqri daran iyo xanuunno yaab leh, aad baana loo gilgilay heer Rasuulka iyo kuwii rumeeyay ee la jiray ay yiraahdeen: gargaarkii Alle goormuu imaanayaa?. War hooya! gargaarkii Alle waa la hubaayoo waa dhowyahay) (Al-Baqara: 214).
Astaamahaas aynu akhlaaqdii Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) kasoo sheegnay waxay ka dhigan yihiin fartaada ood badda geliso biyaha kaasoo raaca, si kasta oon u amaannana koobi kari mayno; dadnimadii, daacadnimadii, u duubnaantii iyo dadaalkii Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) siduu diinta Islaamka daafyaha dunida oo dhan ku gaarsiin lahaa, aadanahana mabaad'i ay ilaa maalinta qiyaaman ku daydaan kana dab qaataan uga tegi lahaa.
Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) war waxa u dhameeyay, akhlaaqdiisana koobay Eebbihii abuuray oo ku amaanay in hadduu dad xagga akhlaaqda ka dhamaystirani jiro uu isaga yahay. Alle wuxuu Qur'aankiisa ku yiri:
{وَإِنَّكَ لَعَلى خُلُقٍ عَظِيمٍ} {سورة القلم: 4}.
(Waa la hubaayoo waxaad leedahay akhlaaq aad u weyn "u fiican") (Al-Qalam: 4).
Haddaba kol hadduu Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) akhlaaq wanaag iyo edeb samaan heerkaas ka joogo, waxaan shaki ku jirin in quluub badani usoo jiidmayso, quruumo badani ku dayanayaan, khalqi fara badanna uu u noqonayo tusaale ay uga daydaan dhammaan qaybaha kala duwan ee noloshooda; xag diin, xag duunyo iyo xag bulshadeed intaba. Sidaas darteed layaab ma laha asxaabtii Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ee ka dab iyo diin qaatay inay ahaayeen dad kuwii isaga ugu jacayl badnaa, iskaba daaye hurdo kama aanay soo dhici jirin, raashinna uma dhadhami jirin haddaanay dhaayo saarin, araggiisana indhaha ku qaboowsan.
{وَمَن يُطِعِ اللّهَ وَالرَّسُولَ فَأُوْلَـئِكَ مَعَ الَّذِينَ أَنْعَمَ اللّهُ عَلَيْهِم مِّنَ النَّبِيِّينَ وَالصِّدِّيقِينَ وَالشُّهَدَاء وَالصَّالِحِينَ وَحَسُنَ أُولَـئِكَ رَفِيقًا} {سورة النساء: 69}.
(Qofkii Alle iyo Rasuulka adeeca waxay la jiri doonaan "aakhiro rafiiq noqon doonaan" kuwa Alle u nimceeyay ee ah Nabiyada, Siddiiqiinta "rumayn badaneyaasha sida; Abuu-Bakar As-Siddiiq", Shuhada "Jihaadka ku dhintay" iyo dadka suusuubban, kuwaas bayna in rafiiq lala noqdaa wanaagsan tahay) (An-Nisaa': 69).
Jacaylkaas dhabta ahe ay asxaabtu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) u qabeen wuxuu gayeysiiyay inay jacalyka Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka sare mariyaan jacalyka ay naftooda u qabaan. Waxa taas daliil kuugu ah qisadii Khubayb ibnu Cadiy Al-Ansaari (RC). Markay gaaladu Xaramka kasoo saareen si ay meesha Tanciim la yiraado ugu dilaan, buu Abuu-Sufyaan oo waagaas gaal ahaa Khubayb oo dil loo diyaarinayo ku yiri: (Ma ku farxi lahayd inuu Maxamed nala joogo oon qoorta u dheerayno, adna aad reerkaagii la joogtid?). Khubayb wuxu ku jawaabay: (Maya, Ilaah baan ku dhaartaye ku farxi maayo inaan reerkaygii la joogo, Maxamedna halka uu hadda joogo qodax dhibaysaa ay ku muddo)[15].
Asxaabtii Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) sidaas bay naftooda naftiisa uga hormarinayeen, wax kasta oo agtooda qaali ku ahna hadday dani kallifto dartiis dabka u saarayeen. Asxaabtii Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) waxaa sharaf ugu filan Aayadaha uu Eebbe ammaantooda kusoo dejiyay ooy kuwaani kamid yihiin:
{مُّحَمَّدٌ رَّسُولُ اللَّهِ وَالَّذِينَ مَعَهُ أَشِدَّاء عَلَى الْكُفَّارِ رُحَمَاء بَيْنَهُمْ} {سورة الفتح: 29}.
(Maxamed (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) waa Rasuulkii Alle, kuwa isaga la jiraana waa kuwo gaalada ku adadag, dhexdoodana isu naxariis badan) (Al-Fatxi: 29).
{كَانُوا قَلِيلًا مِّنَ اللَّيْلِ مَا يَهْجَعُونَ 17 وَبِالْأَسْحَارِ هُمْ يَسْتَغْفِرُونَ} {سورة الذاريات: 17}.
(Waxay ahaan jireen kuwo habeenkii inyar uun hurdo leda "salaad iyo Alle baryid bay usoo jeedi jireen". Waqtiga Suxuurtana "salaadda Fajarka horteed" Eebbe ayay dembi-dhaaf weydiisan jireen) (Ad-Daariyaat: 17-18).
{تَرَاهُمْ رُكَّعًا سُجَّدًا يَبْتَغُونَ فَضْلًا مِّنَ اللَّهِ وَرِضْوَانًا سِيمَاهُمْ فِي وُجُوهِهِم مِّنْ أَثَرِ السُّجُودِ} {سورة الفتح: 29}.
(Waxaad arkaysaa iyagoo rukuucaya oo sujuudaya "salaad ku jira" oo Alle deeq iyo raallinimo weydiisanaya, astaanta lagu gartaana wejiyadooda ayay ka muuqataa "nuur ayaa wejiyadooda maalinta aakhiro ka ifaya" taas oo sujuudda raadkeedii ah) (Al-Fatxi: 29).
{وَالَّذِينَ تَبَوَّؤُوا الدَّارَ وَالْإِيمَانَ مِن قَبْلِهِمْ يُحِبُّونَ مَنْ هَاجَرَ إِلَيْهِمْ وَلَا يَجِدُونَ فِي صُدُورِهِمْ حَاجَةً مِّمَّا أُوتُوا وَيُؤْثِرُونَ عَلَى أَنفُسِهِمْ وَلَوْ كَانَ بِهِمْ خَصَاصَةٌ} {سورة الحشر: 9}.
((Kuwii iyaga "muhaajiriin" hortood daarta "Madiina" iyo iimaanka deegaan ka yeeshay "ansaar" waxay jecelyihiin kuwa usoo haajiray wax xumaan ahna laabta uguma qaadaan wixii "muhaajiriin" la siiyay naftooda bayna ka hormariyaan xitaa hadday baahan yihiin) (Al-Xashri: 9).
{مِنَ الْمُؤْمِنِينَ رِجَالٌ صَدَقُوا مَا عَاهَدُوا اللَّهَ عَلَيْهِ فَمِنْهُم مَّن قَضَى نَحْبَهُ وَمِنْهُم مَّن يَنتَظِرُ وَمَا بَدَّلُوا تَبْدِيلًا} {سورة الأحزاب: 23}.
(Mu'miniinta waxaa kamid ah rag wixii ay Alle axdi kula galeen "Inay jihaadaan oo aanay dhabarka jeedin" ka run sheegay, waxaana kamid ah mid naftiisii waayay "shahiiday" iyo mid "geerida" sugaya, mana aanay beddelin “axdigii” beddelid) (Al-Axzaab: 23).
Saxaabigii weynaa Cabdullaahi ibnu Mascuud (RC) kolkii wax laga weydiiyay asxaabtii Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam), wuxuu hadal kusoo koobay: (Qofkii cid ku dayanayaa asxaabtii Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) haku daydo, maxaa yeelay waxay ahaayeen ummadaan kuwii ugu quluub baarrisanaa, ugu cilmi ku qoto dheeraa, ugu isyeelyeel yaraa, ugu hanuunsanaa, uguna xaalad wanaagsanaa, Alle wuxu u doortay inay nabigiisa la socdaan diintiisana oogaan, ee wanaaggoodaas u ogaada, raadkoodana raaca, maxaa yeelay jidka toosan bay ku joogeen)[16].
Sabriye Macallin Muuse
Minnesota - United States
Comments (0 posted):
Post your comment