Linkz
Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
  • Home | News | Dowladaha Jarmalka iyo Denmarka oo ka wada hadlay xaaladda dalka Somalia.

    Dowladaha Jarmalka iyo Denmarka oo ka wada hadlay xaaladda dalka Somalia.

    Font size: Enlarge font

    Kulan saddex geesood ah oo ay magaalada Dubai ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ku yeesheen wasiiradda arrimaha dibadda dalalka Yemen, Denmark iyo Jarmalka ayay ku faaqideen xaaladda dalka Soomaaliya iyo rabshadaha ka taagan.

    Kulanka ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Yemen, Denmark iyo Jarmalka ayaa dhinacyadaasi iskula soo qaadeen suurto galnimada xal u helidda mushkiladaha ka taagan dalka Soomaaliya iyo sidii ay dawladahooda kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen nabad ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya.   

    Wasiirarada arrimaha dibadda dalalka Denmark, Jarmalka iyo Yemen ayaa waxay sidoo kale kulankooda isula soo qaadeen sidii ay suurto gal u noqon lahayd in xal waara loo helo rabshadaha ka jira dalka Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa dadaalada nabadda ee laga dhex wado dhinacyada isku haya siyaasadda dalka Soomaaliya, iyadoo dhinacyada iska soo horjeeda lagu qancinayo inay isu tanaasulaan. 

    Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Denmark ayaa tilmaamay inay ka go’an tahay in dalka Yemen ay iskaashi kala sameeyaan sidii loo xasilin lahaa dalka Soomaaliya, taageerana loogu fidin lahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yemen, isagoo ku amaanay dawladda Yemen sida bini’aadanimada leh oo ay ula dhaqanto qaxootiga Soomaaliyeed ee ka soo cararaya rabshadaha ka jira dalka Soomaaliya.  

    Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jarmalka ayaa isagana kulanka ka sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu kala shaqeeyo dalka Yemen sidii wax looga qaban lahaa duruufaha nololeed ee soo wajahay qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha qaxootiga ee dalka Yemen.  

    Gabagabada kulanka ay wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Yemen, Denmark iyo Germany ku yeesheen magaalada Dubai ayay sidoo isku raaceen inay kulan kale isugu yimaadaan dhammaadka bishan si ay u dhamaystiraan talaabooyinka ku aaddan isu soo dhoweynta dhinacyada Soomaaliya ee siyaasadda isku haya iyo soo afjaridda rabshadaha ka jira dalka Soomaaliya.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0