

Markab dagaal oo ay leedahay D. India oo ku soo biiray maraakiibta dagaala kula jira kooxaha burcad badeeda.
Sida uu qoray wargeyskan Indian times ee ka soo baxaya magaalada Mombay ee caasimadda labaad ee dalka India, markab dagaal oo ay leedahay xukuumadda India ayaa soo gaaray xeebaha Gacanka Cadmeed isagoo ku soo fool leh xeebaha dalka Soomaaliya.
Markabkan dagaal oo magaciisa lagu sheegay INC Taba isla markaana qaada diyaaradaha dagaalka oo ay ku jiraan kuwa qumaatiga u kaca ayaa ayay xukuumadda Indiya u soo dirtay xeebaha dalka Soomaaliya si uu qeyb uga noqdo hawgallada isbahaysiga reer Gableedka eek u aaddan la dagaalana dableyda Soomaaliyeed ee afduubata maraakiibta isticmaalaysa xeebaha dalka Soomaaliya.
Wasiirka gaashaandhigga dalka India oo waraysi siinayay wargeyska Indian Times ayaa sheegay in dawladda India ay ku biirtay dadaallada ay wadaan dalalka reer galbeedka iyo gaashaanbuurta NATO ee ku aaddan ka hortagidda falalka afduubashada ee ay xeebaha Soomaaliya ka fuliyaan dableyda Soomaaliyeed.
"Markabkan wuxuu ilaalin doonaa xeebaha Gacanka iyo tan Soomaaliya, gaar ahaan maraakiibta laga leeyahay dalka Indiya ee isticmaalaysa xeebahaas" ayuu yiri Wasiirka gaashaandhigga dalka India oo intaasi ku daray in ay ka go’an tahay inay kaalinta kaga aaddan ka qaataan ka hortagidda afduubka maraakiibta ee badweynta Indiya.
Wasiirka Gaashaandhigga dalka Indiya ayaa sidoo kale wareysiga uu siiyay Wargeyska Indian times ku sheegay in sanadkan gudihiisa ay dableyda Soomaaliyeed ee afduubata maraakiibta heleen lacag dhan 100 Milyan oo dollar taasoo dhiirigelisay in kooxahaasi ay sii labalaabaan hawl galadooda qafaalashada maraakiibta.
Comments (0 posted):
Post your comment