boondheere: Gabar Soomaaliyeed oo lagu kufsaday USA, lagana duubay Video oo Cabasho soo bandhigtay. (Daawo Video) Gabar Soomaaliyeed oo lagu kufsaday USA, lagana duubay Video oo Cabasho soo bandhigtay. (Daawo Video) ================================================================================ bilaajo2010 on 23 March, 2011 05:41:00 In gabar lakufsado ma ahan mid ku cusub soomaalida inkastoo ay tahay qeyb kamid ah waxa ugu xun oo lasameyo balse waxaa ah mid cusub in arintaasi kufsiga ah lagu dhex sameeyo wadan uu sharci ka jiro walibana ah mid ka mid ah wadamada sheega in ilaalinta xuquuqda aadanaha ay ugu horeeyaan. Gabar soomali ah oo ku nool wadanka mareykanka gaar ah Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee Soomalidu kubadantahay ayaa waxaa kufsi u geystay wiil soomali ah oo isna halkaasi ku nool sida ay sheegtay gabadhaasi oo lahadlaysay TV-ga FOX 9 News ee dalkaasi laga leeyahay. Wiilkaan ayaa gabadha waxyaabaha maanka dooriya ugu daray cabitaan kadibna uu kufsaday waliba intaas uguma uusan ekeyne waxaa uu ka duubay muuqal isaga oo gabadha kufsanaaya. Markii uu i kufsaday oo uu iga tagay ayaan wacay oon ku dhahay walaaloow sidaas maxaad ii gu gashay markaas ayuu igu dhahay hadaad arintaas ka hadasho sawiradii aan kaaqaday ayaan suuqa soo dhigayaa ayeey u sheegtay TV-ga . Gabadha iyo wiilkaan ayaa isbartay sadexbilood ka hor waxaana ay sameeyeen xiriir jaceyl balse markii ay ogaatay in xaas iyo caruur uu leeyahay oo ay damacday in xiriirka ay ugoyso ayuu arintaan kusameeyay. Maalin ayuu waxaa uu iikeenay wiil saaxiibkiis ah markaas ayuu ku yiri wiilkaan u ogoloow in uu ku isticmaalo hadii kalana sawiradaada ayaan dadka tusayaa ayeey tiri gabadhaan oo TV-ga laga wareystay balse wajigeeda aan lasooban dhigin. Wiilkaan ayaa meel ay ka shaqeyso inta ugu yimaado ayuu ka qaadan jiray lacag baad ah isagoo ugu hanjabaya hadii ay booliska lahadsho in uu sawiradeeda qaaqaawan iyo kuwii muuqalka ahaa uu soo bandhigi doono. Sida codkeeda aad ka maqli doontaan waxaa uu ka qaadan jiray shandoolar markasta isagoo ku hanjabaya in uu sawirada ku dhadhajindoono meesha ay ka shaqeyso. Gabadhaan oo ah dhowr iyo labaatan jir ayaa hada gurigeeda aan ka soobixi karin shanaqa aadi karin sumcadeeda oo xumaatay owgeed sida ay aaminsantahay waxay sheegtay in inta wacday ay ku tiri walaalow inta intaasoo dhan aad igu sameysay hada maiguursanaysaa? markaas ayuu ugu jawaabay maya waan kunecbahay waadna idilaysaa. Wiilka sidaan gabdha kusameeyay oo mobilekiisa ay ku jiraan sawirada kumanaan gabdhood oo qaawan oo uu kasooduubay ayaa ah wiil aabihiis caan uu kayahay Yurub ameerika iyo soomaliya . Hada waxaa socda baaritaano lagu wado arintaasi oo ah mid sharci daro ka ah wadanka Mareykanka meelkadhacna ku ah xuquuqda aadanaha.