boondheere: Raisalwasaaraha DFKMG Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Mahinga ayaa khudbad ka akhriyey xurunta Qaramada midoobay ee Newyork (Daawo Video) Raisalwasaaraha DFKMG Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Mahinga ayaa khudbad ka akhriyey xurunta Qaramada midoobay ee Newyork (Daawo Video) ================================================================================ bilaajo2010 on 13 January, 2011 02:36:00 Raisalwasaaraha DFKMG Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Mahinga ayaa khudbad ka akhriyey xurunta Qaramada midoobay ee Newyork, Farmaajo wuxuu waraaqdii la akhrin waayey gariir iyo baqdin wuxuuna sheegay Al shabaab haddii aysan awood ciidan iyo mid dhaqaalo aysan helin in aysan iska dhicin karin, waxaa hadaladiisii siyaasadda caalamka ka jirta wax u dhimaya kamid ahaa We need Support Now Now, Taageero ayaan u baahan nahay hadda hadda, Farmaajo wuxuu sheegay in Ciidamo loogu tababarayo dalka Uganda. Sidoo kale Farmaajo oo Shirjaraaid qabtay waxaa lagu weydiiyey shirkadaha calooshood u shaqaystayaasha ah cidda keentay Soomaliya wuxuuna ku jawaabay in baaritaan uusocdo xafiiskana uu ku cusub yahay balse kama jawaabin Suaashii Yoweri Museveni walaalkiis in uu kamid yahay masuuliyiinta shirkadaha Colooshood u shaqaystayaashaa, Khudabadiisa wuxuu ku sheegay Farmaajo in Qabuuriyiinta loo yaqaano Ahlu sunna ay xiriir fiican ay leeyihiin isla markaana ay ku jiraan maamulkiisa sida taliya kuxigeenka ciidamada, Mahinga ayaa asna sheegay in uu dhowr jeer tagay Caasumadda Soomaliya isla markaana loo baahan yahay in wax laga qabto khatarta xarakada al shabaab wuxuu intaas ku daray Mahinga oo ku faanaya shaqada uusoo qabtay iyo goobaha uu ka soo shaqeeyey in Farmaajana uu wado oo uu joogo goobta ay shayaadiintu iskugu yimaadeen, Qaramada midoobay xal uma hayaan Soomaliya mana rabaa in ay nabad ka dhacdo taasna waxaa daliil u ah Ciidamada xanuusan ee Afrikaanka ah iyo badda Soomaliyeed ee Sunta lagu shubayo. Bal aan isdultaagno ilaahay wuxuu ka leeyahay kulamada noocaan oo kalaa.. Waxaa qofkasta og yahay ilaahay cid kabadisa addoomadiisa in aysan jirin, haddaba allah wuxuu leeyahay, (وَلَوۡ أَنَّنَا نَزَّلۡنَآ إِلَيۡہِمُ ٱلۡمَلَـٰٓٮِٕڪَةَ وَكَلَّمَهُمُ ٱلۡمَوۡتَىٰ وَحَشَرۡنَا عَلَيۡہِمۡ كُلَّ شَىۡءٍ۬ قُبُلاً۬ مَّا كَانُواْ لِيُؤۡمِنُوٓاْ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ وَلَـٰكِنَّ أَڪۡثَرَهُمۡ يَجۡهَلُونَ) Haddii aan malaaig soo dajin lahayn ama dadka dhintay ay hadli lahaayeen, ama aan waxkastana kulmin lahayn dharaar, ma aysan rumeeyeen in allah idmo mooyaane, maxaa yeelay badankoodu waajaahiliin. (وَكَذَٲلِكَ جَعَلۡنَا لِكُلِّ نَبِىٍّ عَدُوًّ۬ا شَيَـٰطِينَ ٱلۡإِنسِ وَٱلۡجِنِّ يُوحِى بَعۡضُهُمۡ إِلَىٰ بَعۡضٍ۬ زُخۡرُفَ ٱلۡقَوۡلِ غُرُورً۬ا ۚ وَلَوۡ شَآءَ رَبُّكَ مَا فَعَلُوهُ ۖ فَذَرۡهُمۡ وَمَا يَفۡتَرُونَ ) Sidaas darteed ayaan Nabi kasta waxaan cadowga oga dhignay shayaadiinta kuwaas oo ah Jinni iyo Insi (dad) kuwaas oo qaarba qaarka kale u sheegay qusacbalaad iyo hadalo la qurxiyey, haddii ilaahay dooni lahaa ma aysan saas sameeyeen, iskaga tag waxay samaynayaan iyo been abuurkooda ayaa allah ku soo gaba gabeeyey. Marka Kitaabka Quraanku ma ahan mid guryaha la iska dhigto ama markii la arko la dhunkado, waxkasta oo ku qoran maalinkasta ayaan aragnaa marka shayaadiintii Insiga iyo insaanka lahaa waa Farmaajo iyo Mahinga, beentuna waa waxa ay akhrinayaan qowda maqashii waxba ha u qaban. waxaa kaloo ku cad aayaadka allah in ilbaxnimada laga soo gaaray shayaadiinta ay kamid tahay in ay kala warqaataan, oo isku waramaan, haddana been isku dhuraan, Aayaadkaan qolyaha sixirka isticmaasha ama shayaadiinta adeegsata ayey ka hadlayaan laakiin hanacasoomin ha halmaamin in uu khudbadiisa ku sheegay Farmaayo suufiyada in ay ku jiraan xukuumadiisa iskuna fiican yihiin marka waa shayaadiin shayaadiin lagu daray oo insi iyo jinni la isku keenay, ilaahay ka magan gala kana cowdi bilaysta, Acuudi bilaah. FG: Somalimidnimo ayaa ildheer ku haysa Farmaajo in uu imaanayo Gobalka Minnesota iyo in kale, koley waxaa caddahay cidda soo dhaweynaysa waa wadaadxumo iyo dadkii Kaniisadaha galay, Tolow masii C/laahi Yuusuf ayaa Barbaarshe loo qaadayaa, Odayaasha xaafadda Ceder yaa shirqoolay mase ka badbaadayaan shirqoolka labaad dhawaan ayaan ka hadlay sheeko xiisa leh.