Boondheere: Cunug sanad jir ah oo xaamilo ah subxaana lahh "Daawo sawirada" Cunug sanad jir ah oo xaamilo ah subxaana lahh "Daawo sawirada" ================================================================================ boondheere2009 on 14 July, 2008 06:43:00 Dhaqaatiirta dalka Sacuudi-Caraabiya,ayaa arin mucjiiso rabaani ah ku tilmaamay,cunug yar oo hal sano jirta oo uur leh. Arintan mucjisada iyo la yaabka leh ayaa shacabka Sacuudiga iyo Aduunka ku noqotay arin amakaag iyo fajaciso ku abuurtay qofkasta oo maqla arinkan. Qaar ka mid ah dhaqaatiirta oo saadaal ka bixiyay,habkii ay cunugtan-yar uurka u yeelatay,ayaa ku doodaya,in gabadhan hooyadeed xiligii ay uurka laheyd falgal dhacay waqtigaas uu si kedis ah ugu gudbay minka gabadhan yar,sidaasna ay uurka ku qaaday,inkastoo kuwa kalana ay ku doodayaan in gabadhan-yar ay mataano la ahayd cad-hilib oo ku beermay minkeeda. Ka daawo halkan sawiro badan Cunug-tan yar ee halka sanad-jirta ayaa la ogaaday uurkeeda,kadib markii dhaqaatiirtu saareen qalabka loo isticmaalo haweenka looga shakiyo inay xaamilo yihiin. Qisadan ayaa noqotay sheekada loogu hadal badan yahay dalka Sacuudiga-Caraabiya,waxayna ku tilmaameen dhacdadan inay ka mid tahay mucjisooyinka Rabaaniga ah ee Ilaahay umadiisa ku imtixaamo. Xigasho: http://forum.indimovi.com/viewtopic.php?