Boondheere: Qiso cajiib ah Nin uur qaaday misana dhalay oo gabar caafimaad qabta Qiso cajiib ah Nin uur qaaday misana dhalay oo gabar caafimaad qabta ================================================================================ Qumane Jey on 03 July, 2008 10:05:00 Sida uu soo warinayo telefishinka ABC News ayaa waxaa caawa dhalay nin mucjisada ahaa ee uurka lahaa kaasoo lagu magacaabay Thomas Beatie ( 34 jir ) Ninkan oo fooshay gabar yar ayaa waxaa ey dhakhaatiirtu sheegeen in uu caafimaadkiisa iyo tan gabadadhaba ey wanaagsan yihiin islamarkaana uu dhalay cunug caadi oo taam ah. Thomas ayaa lagu beeray cunugan kadib markii ey xaaskiisa ka quusatay wax caruur ah islamarkaana ey dhakhaatiirtu u sheegeen in eysan waligeed dhali doonin. Ninkan oo ku dhashay markiisii hore qaab haween ayaa la sheegay in uu maray qaliin uu ku badalashay uunta Alle, isagoo iska dhigay rag laakiin aan laga taaban qeybtii ilmagaleenka. Thomas ayaa ku dhalay isbitaal ku yaal gobolka Oregon ee carigaasi Mareykanka, waxaana ey dad ku booqda isbitaalku sheegeen in uu dhalay gabar yar oo qurxan.