Kids Islam Histories
Qura'an Translation
Al-Jebra Learning
Reading Qur'an
Somali History
Somali Songs
Web Design
Maqaalo
 
Video Maki Xaaji
Video Ajex part 1
Video Ajax Part 2
Qabyo 2

 
 
 
Shiekh Bashir Vs A. Yusuf
 
 
 
Xulka Qaranka Soomaaliyeed Ee Da`doodu ka Hoseyso 20-jirka Oo U Ambabaxay Tartanka ( CECAFA CUP 2006 BRUNDI……..

Xulka Qaranka Soomaaliyeed ayaa u amabaxay ka qeybgalka tartanka Bariga iyo Bartamaha
Afrika oo lagu qaban doono magaalada Karume ee dalka Brundi (CECAFA/KARUME
UNDER- 20 CHALLENGE CUP 2006 IN BRUNDI) ,Hotelka Gobal ayaa Wafdiga xulka
qaranka waxaa loogu qabtay xaflad sii sogootin ah waxaana halkaasi ka hadlay
mas`uuliyiinta xiriirka oo ay ka mid ahaayeen kusimaha Guddoomiyaha Saciid
Mugaanbe ,Gaabshe oo ka tirsan guddiga Fulinta X.S.K.Cagta, G/X/G.O.G/Banaadir
Xaaji Suber, Ganacsade Jabriil , Drs: Miina Dhaqtarada Xulka Qaranka Soomaaliyeed
waxayna dhamaantood tibaaxeen sida loogu baahan yahay in la dhowro sumcadda isboortiga Soomaaliyeed
iyo Guul loo soo hooyo dalka sidoo kale waxaa halkaasi
loogu Mahadceliyay

Waxaa kaloo halkaasi warbixin ka soo jeediyey xoghayaha xiriirka C/qani Saciid Carab oo sheegay iney ciyaartoydu xareysnaayeen muddo bil iyo bar ah ayna tababar qaadanayeen subax iyo galab, wuxuu sheegay in xiriirku ay xulka Qaranka ee ay da’doodu ka hooseyso 20-jirka ay ugu talagaleen laba qalab oo mid ay bixiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Norway, midna uu bixiyey Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta.

Waa in aad soo bandhigtaan Cayaar fiican oo dadka Qancisa,waana inaad raacdan amarka tababaraha”ayuu yiri C/qani saciid carab .Waa markii labaad  tan iyo markii is bedelka lagu sameeyay xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cayaar dibadda uu aado Xulka Kubadda Cagta SoomaaliyaWixii warar ah ee ku soo kordha kulanka ka furmaayo 9/9/2024 Brundi (CECAFA/KARUME UNDER- 20 CHALLENGE CUP 2006 IN BRUNDI) waxaad kala socon doontaan somalilandsports.net haddii allaha awooda leh ogolaado .Momahed abdi elmi

Reported by somalilandsports.net Mog-som

 
Waxaa Taariikhdu markay ahayd 29-10-06 garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ka soo caga dhigtay  Tababarayaal u dhashay dalka Kenya oo xiriirka K/Cagta Soomaaliyeed uu ugu talagalay in ay leyliyaan xulka  kubadda cagta Soomaaliyeed .Tababayaashan ayaa waxay kala yahiin Daniel Mawathe oo ah tababare ciyaaryahanada dhexda ka dheela  iyo Hassan oo isna ah tababare dhinaca goolhayaha  , Tababarayaashan ayaan ku booqanay iyagoo ku jira markii ugu horeysay howshooda tababar waxaana muuqatay sida ay ugu faraxsan yahiin in ay Leyliyaan xulka Qaranka Soomaaliyeed sidoo kale goobta ay wax ku tababarayeen Macalimiintan ajnabiga ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas`uuliyiin ka tirsan  xiriirka K/Cagta ,qaarka tirsan macalimiinta kooxaha heerka 1-aad ee ka dhisan dalka iyo taageerayaal jecel isboortiga gaar ahaan tan kubadda cagta .Xoghayaha Guud ee xiriirka K/Cagta Soomaaliyeed C/qani Saciid Carab oo aan  wax ka weydiiyey bal inuu jiro heshiiska ay la galeen  tababarayaasha cusub  ee u yimid leylinta xulka Qaranka Soomaaliyeed  isagoo  ku gaabsaday C/qani  inaysan wax heshiis rasmi la gelin weli  tababarayaasha  illaa  hadda balse wuxuu tibaaxay inay hore ugu soo heshiiyeen in ay dalka gudahiis (Soomaaliya ) wuxuuna ugu danbayn uu noo sheegay C/qani inay ugu asbuuc ka dib shaacin doonaan heshiiskaasi.Xiriirka K/Cagta ayaa hore ugu  magacaabay  xulalka kala duwan ee kubadda cagta tababarayaal Soomaaliyeed  oo iminkana ku jira howlahooda leylinta ciyaaryahanada Qaranka waxaana iminka muuqata in xilkaasi ay kala wareegeen tababarayaashan cusub   oo durba bilaabay howlahooda leylinta ciyaaryahanada soomaaliyeed ee kubadda Cagta
Ali Baashi
 
Zanadin Zidan
 
Somali Old Pictures
 
 
Mohammed Ali
 
If you need Dish contact me