

Linkz
Aminarts.com
Alhidaaya.info
allceeldheer.com
Calanka.com
Cadale.com
Ceelderaad.com
Cisaleey.com
dalkanews.com
dayniile.com
Hiiraan.com
Ilaqosal.com
jowhar.com
Maqaal.com
markacadey.com
midnimo.com
Newbanadir.com
onkod.com
qaranimo.com
somalifans.com
somalinet.com
somaliswiss
Somalisc
Wadanka.com
Xeebtaliido
Xiddigaha.com
Somali Radio
Islam Linkz
MiniMuslims
Waaniye
Alhidaaya
somalisunah
Xildhibaanadii Mbagathi oo inta badan gaarey dalka Jabuuti iyo Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya oo isku diyaarinaya inay talada dalka lagu wareejiyo
Xildhibaanadii Mbagathi oo inta badan gaarey dalka Jabuuti iyo Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya oo isku diyaarinaya inay talada dalka lagu wareejiyo
Sida aanu ku helayno ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in dalka Jabuuti ay soo gaareen inta badan Xildhibaanadii dowlada ku meel gaarka Mbagathi kadib markii cadaadis caalami ah lagu saarey inaysan wax shir ah ku qaban karin magaalada Baydhabo isla markaana ay iska xaadiriyaan dalka Jabuuti.
Beesha caalamka oo uu hogaaminaayo Ergayga Xoghayaha guud QM ee Soomaaliya mudane Ahmed Wallad Abdalla ayaa ka wada dalka Jabuuti sidii ay dalka Jabuuti ugu dambayn ugu soo daabuli lahaayeen xubnaha Baarlamaanka dowlada ku meel gaarka ah si ay uga qayb galaan xaflada isku darka iyo dhaarinta labada dhinac ee TFG-da iyo Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya.
Maalinta berito ayaa waxaa la filayaa inay dalka Jabuuti soo garaan qaybtii ugu dambaysay Xildhibaanada ku sugan magaalada Baydhabo, halka magaalada Nairobi ay ka soo ambabaxeen Xildhibaano aad u badan oo dalkaas ku sugnaa markii ay ka qayb galeen shirkii gaarka ahaa ee u dhaxeeyay IGAD & TFG-da.
Wararka aan ka helayno Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa sheegaya inay Jabuuti yimaadeen xubnihii ka mid noqon lahaa Baarlamaanka iyo dowlada midnimada Qaran ee lagu soo dhisaayo dalka Jabuuti asbuuca soo socda aaqirkiisa, maalinimada Axada ama Isniinta ayaa la qabanayaa xaflada dhaarinta xubnaha Baarlamaanka cusub kadibna maalinta xigtana waxaa la dooran doonaa Gudoomiyaha Baarlamaanka cusub iyo ku xigeenadiisa.
Aden Madoobe ayaa soo gaarey dalka Jabuuti isla markaana ka codsaday Ahmed Wallad Abdalla in laga aqbalo inuu Baarlamaanka shir gudoomiye inta laga dooranaya gudoomiyaha cusub iyo ku xigeenadiisa hasayeeshee arinkaasi iyo sida ay howlaha noqonayaan todobaadka soo socda waxaa shir ka leh ergada labada dhinac ee xaga siyaasada, kuwaas oo shirarkooda caadi uga socdaan xaruunta shirarka ee Hotelka Kempedisky Jabuuti.
Madaxda Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa ii sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in ururkoodu Ethopia ay dalka ka saaraan isla markaana ay caalamka ka gadeen hadafkii ay u halgamayeen, maanta ay diyaar u yihiin in talada dalka gacantooda la soo galiyo kadib markii shacabka Soomaaliyeed ay ka heleen taageero hiil iyo hooba leh, dowlada ka soo baxda dalka Jabuuti waxay noqon doontaa mid ka duwan kuwii dalalka dariska ay soo dhoodhoobi jireen ayay yiraahdeen, laakinse anaga waxaan wakiil ka nahay inta badan shacabka Soomaaliyeed ee nabada jecel ayay hadaladooda ku soo koobeen madaxda.
Dhanka kale waxaa Jabuuti soo gaarey musharaxiin badan oo raba inay kuraas ka helaan dowlada midnimada qaran ee lagu soo dhisaayo dalka Jabuuti, iyagoo hal maalin halgankii dheeraa wax ku darsan kuwaas ka kala yimid dalalka dariska la ah Soomaaliya iyo Wadamada Galbeedka, hasa yeeshee sida ay ii xaqiijiyeen xafiiska United Nation Political Office Somalia (UNPOS ) in dowlada cusub aysan xilal muuqda ka qaban doonin hogaanka cusub, si kalsoonida shacabka u hesho ayay igu yiraahdeen mar aan ku wada xiriirnay qadka Internetka online saakayto.
Dhanka Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa u soo xulay xubnaha cusub ee ka mid noqonaya Baarlamaanka Soomaaliya si wanaagsan kadib markii ay soo xusheen xubno ka dhisan xaga aqoonta isla markaana wadaado ah, iyagoo u soo xulay qaab Soomaalinimo ah, halka xubnaha Mbagathi yihiin gacanyarayaashii Ethopia u soo xulatey inay ku qabsato dalka Soomaaliya.
Somalidaxorta sida ay la tahay waxaa doorashada gacanta sare leh ilaa hada dhanka Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya, madaama ay ka midaysan yihiin dhan kale oo aad moodo inay u socdaan si habqan ah isla markaana aan isku talo ahayn, inkastoo isbadal ka imaan karo xaga beesha caalamka oo gacan weyn ku leh habsami u socodsiinta shirka, balse waxaa xaqiiq ah hadii ay ka soo baxaan wax ka yer waxaa u cuntami karin muqaawada gudaha in xaalada Soomaaliya wali fara ka qodnayn, laakiinse waxaa ii muuqda in shirka Jabuuti dowlada lagu soo dhisaayo u madaxwaynaha la sugaayo inuu ka soo baxo uu noqon doono Mudane Sheikh Sharif Sheik Ahmed
( Presidential hopeful)halka gudoomiyaha Baarlamaankana uu noqon doono Mudane Sharif Hassan Sheikh Aden.( New Speaker of Parliment) insha Allah.
Rajadii Damiirlaawe dagaal ooge Cali Mohamed Geedii ee ahaa in lagu soo caleemo saaro magaalada Baydhabo ayaa beesha caalamka cagta hoostiisa galisay isla markaana loo sheegay inuusan ku riyoonin xil dambe uu ka qabto dalka Soomaaliya, waxa u sugana ay tahay in lagu soo maxkamadeeyo tacayadii uu gaystey markii uu horkacayay ciidamada Ethopia ee qabsaday isaga iyo dagaal oogayaasha kale.
Qaramada Midoobay ayaa wada qorshe ay ku soo taagayso dambiilayaasha dagaalka Soomaaliya maxkamad caalami ah, si loogu ciqaabo dambiyadii ama gabood falkii ay gaysteen xiligii u socday dagaalada sokeeye marka dowlada midnimo qaran cagaheeda isku taagto, inkastoo kuwa dhagar qabayaasha iyo dowlada Ethopia ay durba bilaabeen inay fashiliyaan hanaan kasta oo Soomaaliya cagaheeda iskugu soo taagi karto, hasa yeeshee waxaa moodaa in beesha caalamka ay arinkaasi si taxadar leh ula socdaan, madaama xeebaha Soomaaliya caalamka dhibaato baaxad weyni ka soo gaartey isla markaana gacansiga caalamka saamayn mug leh ku yeeshay qatartaas, taas oo loo arkay hadii aan Soomaaliya dowlad loo helin in isku socodka caalamka xaga ganacsiga inuu joogsado laga yaabo madaama burcad badeedka Soomaaliya ay ka dhigteen wado kale oo ay ku xoolaystaan, mustaqbalkana laga cabsi qabo in kuwa wax qarbuda inay ka soo qaadan dulaano qorshaysan,
Waxaase la qaadan karin in shirka Jabuuti inay joogaan kuwii dalka dhibaatada u horseeday oo hadane doonaya in loo soo doorto mar kale inay dalka maamulaan, taas oo aan looga fadhiyin inay wax badan ka badali karaan xaalada dalka uu maanta ku jira madaama ay yihiin kuwii dhibaatada socoto u ahaa burdhigayaasha.
Waxaan sugnaaba guusha shirka Jabuuti iyo hambalyada shacabka iyo dabcan wixii ka soo baxa
Rate this article
Comments (0 posted):
Post your comment