

General Nkunda oo xabsiga loo taxaabay
Hogaamiyaha jabhadda CNDP Laurent Nkunda ee mudooyinkan dambe ka waday dagaalada qaraar xadka Kongo iyo Rwanda ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii ey gacanta ku dhigeen ciidamo si wada jir ah u howl-galayay oo ka kala socday dowladaha Kongo iyo Rwanda.
Ciidamada Kongo oo caawimaad ka helayay kuwa Rwanda ayaa la wareegay xaruntii jabhadaasi, waxaana uu xariga Nkunda yimid kadib markii uu isku dayay in uu isdifaaco maadaama godkiisii ugu dambeeyay loogu yimid.
Laba isbuuc ka hor ayaa waxaa saraakiil ka tirsan jabhadda CNDP (National Congress for the Defence of the People) shaaca ka qaadeen in ey xilkii ka qaadeen hogaamiyahan iminka la xiray ee Nkunda, iyagoo ku eedeeyay in uu ahaa hogaamiye aan shaqadiisa kasoo bixi karin islamarkaa xun.
Halkanka jabhadda CNDP ayaa aad loo dareemay Agosto 2008, kadib markii ey weeraro culus oo 250.000 ruux ey ku barakeceen qaar badana lagu laayay ey ka fuliyeen bariga dalkaasi Kongo.
General Nkunda iyo kooxdiisa ayaa sheegay in ey u dagaalamayaan difaaca qabiilka Tutsi, waxaana badankood ey kasoo qeyb-qaateen xasuuqoo 1994 ka dhacay dalka Rwanda.
Jabhadda CNDP ayaa hey`ado badan oo xuquuqda bini`aadamka u dooda sheegeen in ey galeen gabood fallo ka dhan ah bini`aadamka, waxaana dhamaadkii 2008 ey dagaaladii ey soo qaadeen ku dilee ku dhawaad 400 oo dad ah mudo gaaban.
Comments (0 posted):
Post your comment