

Cadaadis caalami ah oo la dul dhigay Aden Madoobe iyo Cali Mohamed geedi
Cadaadis caalami ah oo la dul dhigay Aden Madoobe iyo Cali Mohamed geedi
Warar Diplomaasiyadeed aynu ka helayno ilo kala duwan sida IGAD , UN & US Embassy Kenya ayaa maanta inoo cadeeyay in cadaadis adag la kor dhigay kooxda Baydhabo oo olale ugu jirtey iyaantaan inay doortaan Madaxwayne cusub ay yeelato dowlada ku meel gaarka ee Soomaaliya kadib markii uu xilka iska casilay madaxwaynahoodii hore Col. Yusuf muda haatan laga joogo 20 maalmood.
Aden Madoobe oo ah ku simaha xika Madaxtinimada TGF-da ayaa gurbaan ku garacayay magaalada Baydhabo isla markaana lagu waday in lagu soo doorto dagaal ooge damiir laawe Cali Mohamed Geedi jagada madaxtinimada Soomaaliya waa sida ay rabeen kooxda SSRC ee fadhigoodu yahay magaalada BAYDHABO, hasa yeshee waxaa warqado digniin ah gacanta laga galiyay dagaal oogayaasha rabay inay carqaladeeyaan heshiiska Jabuuti sida ay noo xaqiijiyeen dad xog ogagaal ah oo aan la hadalnay saakay.
Waxaa la filayaa in aaqirka bishatan ama asbuuca soo socda lagu qabto xaflad lagu dhaarinaayo xildhibaanada dowlada ku meel gaarka ee cusub oo la filaayo inay soo doortaan Gudoomiye Baarlamaan kadibna ay doortaan madaxwayne cusub magaalo madaxda dalka Jabuuti ayayna kuli ka wada dhici doonaan hadii Eebe idmo.
Dowlada Mareykanka ayaa taageero weyn ku bixinaysa iyadoo gacan siinaysa Ergayga xoghayaha guud ee QM Soomaaliya mudane Ahmed Wallad Abdalla sidii wada hadalada ka socda dalka Jabuuti uga soo bixi lahaayeen wax ka shaqayn kara Soomaaliya.
Asbuuca soo socda ayaa la filayaa inay dalka Soomaaliya soo garaan ciidamo ka socda dalalka Afrika si ay u xoojiyaan ciidamada Amison ee jooga caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Wixii soo kordha kala soco Boondheere.com insha Allah
Comments (4 posted):
Post your comment