Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Linkz
    Somali Radio
  • Islam Linkz
  • Home | News | Gen. Aronda Nyakairima oo sheegay in ciidamada Uganda iyo Burundi la gayn doono magaalada Baydhabo si ay u ilaaliyaan ..

    Gen. Aronda Nyakairima oo sheegay in ciidamada Uganda iyo Burundi la gayn doono magaalada Baydhabo si ay u ilaaliyaan ..

    Font size: Enlarge font

    Kampala Uganda Khamiis 22/01/2009. Dowlada Uganda ayaa si degdeg ah u geyn doonto ciidamo dheeraad ah oo gaaraya 700 askari dalka Soomaaliya kadib markii ciidamada Ethopian-ka ka bixitaankooda gudaha Soomaaliya ay dhamaystireen, sida u sheegay Madaxa difaaca ciidamada xooga dalka Uganda  General Oranda Nyakairima.

    Wasiirka Gashaandhiga dowlada Uganda Crispus Kiyonga ayaa isna u sheegay  Gudiga arimaha gashaandhiga ee Baarlamaanka dalkiisa in ciidamada Uganda iyo ciidamada kale  oo ka imaan doono  dalka Burundi iyo meelo kale lagu soo daabuli doono dalka Soomaaliya labada ama sadaxda asbuuc ee nagu soo aadan si ay u buuxiyaan meelaha ay baneeyeen ciidamada Ethopia.

    Waxa kale uu yiri Dowlada ku meel gaarka Soomaaliya (Tfg) iyo Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya (ARS) waxay ku heshiiyeen inay soo diyaariyaan ciidamo gaaraya ilaa 10.000 askari oo isku dhaf ah si ay wax uga qabtaan xaalada Amaanka dalka Soomaaliya, Dowlada Nigeria-na waxay cadaystey inay ciidamo u soo direyso dalka Soomaaliya ayuu hadalkiisa sii raacsaday mudane Kiyongo.

    Waxaa dalka Soomaaliya hada jooga ciidamo gaaraya 3200 askari kaliya, kuwaas ka yimid dalalka Uganda iyo Burundi, hasayeeshee ciidamadii ka imaan lahaa Midowga Afrika Amison ee lagu balamay inay  ahaadaan 8.000 oo askari weli ma soo gaarin dalka Soomaaliya, inkastoo la filaayo in hada la soo dhamaystiro.

    General Nyakairima ayaa cadeeyay in xaalada Soomaaliya wax badan iska badaleen  kadib ka bixitaankii ciidamada Ethopia ee dalka Soomaaliya iyo is casilaadii madaxwayne Claahi Yusuf Axmed, isla markaana rabshadahana  sii ay yaraadeen.

    Xaalada ayaa ah mid kala guur ah laakinse fursado isbadal baa jira oo lagu xasilinaayo karo dalka Soomaaliya ayuu yiri Generalka ciidamada hogaamiya dalka Uganda.

    Madaxa ciidamada dowlada Uganda Gen. Aronda Nyakairima ayaa sheegay in ciidamada Uganda iyo Burundi iyagoo kaashanaya ciidamada degaanka la gayn doono magaalada Baydhabo, si ay u ilaaliyaan ama u daafacaan Baarlamaanka Soomaaliya.

    Waxaa hadalka Generaalka kaaga soo baxaayo in dowlada cusub iyo Baarlamaanka cusub ay xaruun rasmi ah ka dhigan doonaan magaalada Baydhabo, taas oo foolxumo ku ah caasimada Soomaaliya ee Muqdisho kadib markii laga quustey dadka ku nool inay la imadaan maamul iyo nidaam ay isku waafaqsan yihiin kadib burburkii dalka Soomaaliya 1991.

    Waxaa nasiib xumo ah in dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho inaysan fahansanayn sababta markasta ay ugu afduubnadaan  kooxo danaystayaal ah oo aan marnaba doonaynin in magaalo madaxda ka shaqayso waxaysan horboodaynin hadii kalena ay laadayaan, marka waxaa moodaa in beesha caalamka ay arinkaasi fahansan tahay isla markaana ay doonayaan in dowlada ku sii shaqaysa magaalada Baydhabo, Muqdishana ay ku hardamaan kooxaha qarandiidka ah sida Kooxda Casmara reero isbaaro iyo ururada Argagaxisada iska yeel yeela inay ka tirsan yihiin sida AlShabaab iyo Raaskambooni

    Shacabka Soomaaliyeed  waxaa la gudboon inay kacdoon dadwayne isaga dulqaadaan kooxahaan hortaagan sidii Muqdisho u noqon lahayd xaruuntii Somaliweyn iyo caasimadii qaranka Soomaaliyeed. waayo hadalada ay bixiyeen madaxda Gashaandhiga dowlada Uganda waa fariimo lagu muujinaayo sida Muqdisho noqon doonto sanadaha nagu soo aadan, madaama hogaamiyaha kooxda Casmara Hasan Dahir Aweys iyo Abuu Mansuur oo garab ka helaya kooxda Raaskambooni ay ku wada baaqeen dagaal cusub oo ka dhan ah ciidamada Amison ee jooga magaalada Muqdisho, arinkaas oo ah mid niyad jabinaysa qof kasta oo Soomaali ah doonaya inuu arko Muqdisho oo nabad ah.

    Marka Muqdisho ma ku sii jiri kartaa mugdiga mise Muqdisho lixdii bilood ayay dib u heli doontaa dowladana xaruun ayay ka dhigan doonaan mise hadana Baydhaba ADC lagu sii jiri doonaa mudo kale, Muqdishane Tigree Taangiyo wataa dib loogu casumi doonaa.

    xigasho  : Xinhua

     

    KAMPALA, Uganda (Xinhua) -- Uganda is to deploy another battalion of about 700 soldiers in volatile Somalia following the complete withdrawal of the Ethiopian troops, an official said hereon Thursday.

    Crispus Kiyonga, Uganda's Defense Minister told the defense committee of the parliament that the troops, along with another contingent from Burundi will be deployed in the country in the next two to three weeks, filling a vacuum created by Ethiopia's withdrawal.

    He said that the Somali Transitional Federal Government and the opposition Alliance for the Re-liberation of Somalia have agreed to raise another 10,000 troops within the country to pacify the situation.

    Kiyonga said Nigeria has also recommitted itself to sending troops to Somalia.

    Gen. Aronda Nyakairima, Chief of Defense Forces of Uganda People's Defense Force said that once the troops are on the ground, two battalions, one from Uganda or Burundi together with another from the local joint force would be deployed in Baidoa to protect parliament.

    A total of 8,000 African Union peacekeepers are required in Somalia but only 3,000 troops from Uganda and Burundi have been deployed.

    Nyakairima said that since the Ethiopian withdrawal and the resignation of Somali President Abdullahi Yusuf, the violence in the country has reduced.

    "The situation poses challenges but also provides opportunities to stabilize Somalia," he said.

     

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0