Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Linkz
    Somali Radio
  • Islam Linkz
  • Home | News | Maxam`d Dheere oo xabsigii laga sii daayay maanta

    Maxam`d Dheere oo xabsigii laga sii daayay maanta

    Font size: Enlarge font

    Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Dheere ayaa saakay xabsi ku yaal magaalada Baydhabo laga sii daayay kadib markii mudo 21-cisho ka hor ey Muqdisho ka qabteen ciidamada Itobiya islamarkaana loo gudbiyay xabsi Baydhaba ku yaal.

    Xariga Maxamed Dheere ayaa yimid kadib markii lagu eedeeyay in uu amardiido ku aadan hub soo wareejin uu sameeyay, amarkaasoo kasoo baxay xukuumadda dowladda federalka Somaliya.

    Xabsiga laga sii daayay saakay ayaa la sheegay in uu ku yaal meel ku dhow garoonka diyaaradaha Baydhabo, waxaana sii deyntiisa kadin uu qadar daqiiqado ah kula hadlay saxaafadda magaalada Baydhabo.

    Maxamed Dheere ayaa saxaafadda u sheegay in uu gadaal warbixin kasiin doono, islamarkaana uu iminka aad u wanaagsan yahay.

    Waxaa la filayaa in uu Muqdisho dib ugu soo laabto, walow uusan warkan wali isaga qudhiisa uusan ka shanqarin.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0