

Magaalada Jabuuti oo lagu sii qul-qulayo
Wararka ka imaanaya magaalada Jabuuti oo ey ka socdaan wadahadalada dib u heshiisiinta ayaa waxaa ey sheegayaan in ey halkaaso gaareen maanta iyo shalay xildhibaano ka tirsan barlamaanka Somaliya oo tan iyo shalay laga soo daad-gureynayay magaalooyinka Baydhabo iyo Gaalkacyo.
Waxaa sidoo kale la hadal hayaan maanta galinka dambe in ey halkaaso gaaraan sii hayaha m/weynaha Somaliya ahna gudoomiyaha Barlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo sii hayaha ra`iisal wasaaraha Nuur Cadde oo labaduba ka qeyb-galay shir wadamada carabkata uga furmay dhawaan dalka Kuwait.
Gudoomiye xigeenka barlamaanka Cismaan Cilmi Boqorre oo ayaa sheegay in amar uga yimid gudoomiyaha barlamaanka ey ku baxayaan inta badan xildhibaanada barlamaanka ee ku sugan magaalada Baydhabo.
Sidoo kale waxaa maanta laga sugayaa in ey Muqdisho ka yimaadaan wasiiro, xildhibaano iyo xubno ka tirsan isbaheysiga d/xoreynta kuwaasoo iyana kusoo fool leg magaalada Jabuuti si ey uga qeyb-qaataan kulan doorasho ee ka dhici doona halkaasi.
Arintan ayaa waxa ey meesha ka saareysaa s-afgaranwaa ku aadanaa halka uu ka dhici doonta doorashada m/weyne ama dowlad midnimo qaran, waxaana xildhibaanadii ku sugnaa Baydhabo cadaadis kaga yimid xaga beesha caalamka ey ku tageen Jabuuti.
Daad gureynta xildhibaanada ayaa socon doonta sida la sheegay ilaa berito, waxaana ey u muuqataa iminka in la isku afgartay in doorashada lagu qabto magaaladaasi Jabuuti.
Comments (0 posted):
Post your comment