

Ing.Xuseen Ceydiid Oo Iska Fogeeyay Dadaalada Shirka Jabuuti.
Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim oo ku dhow garabka Asmara ayaa sheegaya in Ing.Xuseen Maxamed Faarax (Caydiid) oo ka mid ah Xubnaha Isbaheysigii Dibu xoreynta ee dalka Asmara, uu shaaca ka qaaday in aysan marnaba suuragal aheyn, inuu wada xaajoodyo lafuro Saraakiisha Isbaheysiga dib u Xoreynta eee uu Hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, wuxuu ku adkeystay inuusan marnaba wada hadlo la fureynin.
Ing.Xuseen Ceydiid wuxuu ku sheegay Kooxdaasi in ay tahay mid dooneysa in ay la Midowdo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, wuxuuna shaaca ka qaaday in ay la wareegayaan goobaha ay gacanta ku hayaan ee gudaha Soomaaliya. kadib marka dhowaan ay gaaraan saraakiil garabkooda ka socota.
Caydiid wuxuu si toos ah usheegay in ay jiraan dhaqdhaqaaqyo ku aadan in Shir wada xaajood ah lugu qabto gudaha dalka Soomaaliya, isla markaasna ay shirkaasi ku midoobayaan dhinacyada Mucaaradka ee diidan wada hadalada Dalka Jamhuuriyada Jabuuti.
Hadalka Xuseen Maxamed Faarax (Caydiid) ayaa ku soo beegmaya xili ay dawladda Soomaaliya iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Isbaheysigiisa ay isku raaceen in dawlad Midnimo qaran lugu dhiso Magaalada Jabuuti,ayna wada hadaladaasi noqdaan kuwa awood lugu qaybsanayo.
Comments (1 posted):
Post your comment