

Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee Muqdisho ka baxay oo gaaray degmada Luuq.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku qalabaysan gaadiidka dagaalka qaarkoodna ay lugaynayaan ayaa shalay ilaa xalay ka gudbay magaalooyinka Luuq iyo Dolow sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah oo ku sugan magaalooyinkaas.
Ciidamadaan ayaa ahaa kuwo aad u tira badan ayagoona ka mid ahaa kuwii ka baxay magaaladaa Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya, iyo qeybo kamid ah gobalka Sh/ hoose.
Ilaa hadda ma cada halka ay Ciidamadaan ku dambayn doonaan, ayadoona Ciidamo kale oo Itoobiyaan iyo Maleeshiyaad Soomaali ah isugu jira ay ayaguna ku sii dhow yihiin xuduuda Soomaaliya iyo Ethiopia, kuwaa soo ka soo kicitimay Degmooyinka Diinsoor iyo Baardheere.
Si kastaba ha ahaatee dhawaan ayey aheyd markii ciidamada Itoobiya ay ka bexeen magaalada Muqdisho iyo qeybo kamid ah gobolka Sh/hoose, waxaana ciidamada Itoobiya ay weli baaqi ku sii yihiin gobolada Bay, Bakool iyo Gedo.
Comments (0 posted):
Post your comment